Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
Sheikh Cumar Faaruuq oo soo dhaweeyey Ciidamada Shisheeye, Taas oo ka duwan Mowqifkiisii 2007

Sheikh Cumar Faaruuq oo (July 2010) u waramayey idaacaadda wararka u faafisa Madaxtooyada DFKMG ee Muqdisho ayaa muujiyey in uu ogolyahay in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye.


Sheikh Cumar Faaruuq (2010) Halkan ka dhegeyso


28kii Janaayo 2007 oo ahaa markii muqawamadu la dagaalamayeen ciidamadii Itoobiyaanka ee dalka soo galay, ayaa Sheikh Cumar Faaruuq waxaa waraysi la yeelatay shabakada Addacwah.com oo weydiisey waxa ay sharciyan noqonayso xukunkooda kuwa soo duulay ee dalka xoogga ku qabsaday iyo muqaawamada ka soo horjeeda, waxaana Sheikha jawaabtiisa kamid ahaa: “Gaal wixii kaashada waa gaaloobayaan. Waana la kala baxay, qolo waa kuwa gaalada raacay, qololana waa kuwa Islaamnimada laga fujin la’yahay (oo ku dhegan / u dhimanaya.)”


Sheikh Cumar Faaruuq (2007) Halkan ka dhegeyso


Jamaacada Al-Ictisaam gudigeeda cilmi baarista oo July 7, 2010 soo saaray bayaan ka kooban shan qodob, ayaa waxaa ka mid ah in soo kor dhinta Ciidama shisheeye uusan xalku ku jir, ee dhibka ay sii siyaadinayaan, kuwa joogana ay xasuuqeen dadka. Qodobkaas oo u qornaa sidan: “Jamaacada Al-Ictisaam waxay u arkaan in aanay mushkiladda Soomaaliya xal u ahayn ciidamo dheeraad ah oo la keeno, iyada oo ay muuqato burburka iyo xasuuqyada ay muqdisho ka gaysanayaan kuwii hore u joogay, waana arin keenaya in wadanka o dhami faraaha kabaxo.” (Akhri Bayaanka).


Xoghaya Guud ee ururka IGAD Eng. Maxbuub Macallin oo ay waraysi la yeelatay idaacadda wararka u faafisa Maraykanka ee Codka Maraykanka ayaa muujiyey in ciidamada ugu horeeya ee la keenayo Soomaaliya ay u dhanyihiin IGAD. Markii la weydiiyey ciidankaas Itoobiya ma ku jiri doonaan hadaladiisii waxaa ka mid ahaa Shirka laguma sheegin ciidanka dalka bixin doona, lamana oga in Itoobiya ay ka mid noqonayso, laakiin mar haddii la yiri IGAD markaas waa ciidamada IGAD oo dhan, ayuu yiri xoghayah guud ee IGAD.. (Halkan ka dhegeyso).


Dhanka kale Sheikh Shariif oo (July 9, 2010) ay idaacadda codka maraykanku wax ka weydiisey ciidanka la keenayo Soomaaliya ayaa sheegay in aay ka imanayaan dalalka IGAD. Waxana uu intaas raaciyey “Ra’iisul wasaaraha itoobiya fadhigii IGAD ayuu uga hadlay in ciidamada Itoobiya aysan diyaar u ahayn in ay galaan Soomaaliya.” (Dhegeyso)


Isla maalintaas (July 9, 2010) waraysi kale oo idaacadda wararka u faafisa boqortooyada Ingriiska ee British broadcasting corporation ay la yeelatay madaxweynaha DFKMG ayaa la siiyey fursado badan oo uu ku caddeeyo in ciidamada Itoobiya aysan ka mid ahayd ciidamada ay dalbadeen, arrintaas oo uusaan caddayn, waxaana Shariif Axmed la xasuusiyey in uu kamid ahaan jirey ururkii DIB-U-XORAYNTA oo waxa xilligaas dalka laga xoraynayey ay ahaayeen ciidamada Itoobiya. Laakiin waxa  uu sheegay in ciidamada hadda la keenayo ay ka imanayaan dalalka ku jira IGAD (ayadoo la ogyahay dalalka ku jira IGAD in ay ka mid tahay Itoobiya)… (Dhegeyso waraysiga Shariifka)


Shacabka Soomaaliyeed waxay xasuustaan in hore sidaas oo kale la sheegay in ciidamo 20,000 ah loo weydiinayo Qarammada Midoobay, oo la sheegay in aysan ku jiri doonin dalalka deriska ah, laakiin ay Itoobiya ciidankeeda gelisey gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalanto Maxaakiimtii uu hoggaankeeda ka mid ah Sheikh Shariif, taas oo xasuuqday shacab Soomaaliyeed, xilligaas oo ay magaalada Muqdisho ka baxeen hoggaankii Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ka mid ahaa Sheikh Shariif oo hadda noqday madaxweynaha ku sugan Addis Ababa, oo ah meesha hadda (July 5, 2010) laga soo saaray wareegtada cusub ee lagu dalbanayo 20,000 oo ciidamo markale loo diro Soomaaliya.


Ciidamadii Itoobiya ee galay Muqdisho shacabkii Soomaaliyeed ayaa xoog kaga saaray, waxaana soo gaaray khasaaro weyn. Zenawi waxa uu waraysi uu siiyey Aljazeera ku qiray in dhawr-boqol oo askari laga diley (Waa inta uu qirsan yahay in ay yihiin dhawr boqol oo askari in lagaga diley dagaalkii Soomaaliya). Dagaalkaas oo Muqdisho ka socdey 749 maalmood (waa intii u dhexeysey Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009).


C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynahii hore DKMG, ayaa (July 6, 2010)  waxa uu yiri “Ma qabo (in Soomaaliya la keeno) ciidamo ka socda gobolkaas aan deriska nahay oo cadaawadda soojireenka ahi naga dhaxayso sida Dawladda Itoobiya maanta maamusha ee Tigreega iyo kuwa la midka ahba ciidamo ay hoggaaminayaan in hadana ummadda Soomaaliyeed markale lagu baabi’iyo.”


Dr. Raabeh oo SomaliTalk u warameyey , kana hadlayey sida madaxda Soomaaliyeed aysan uga war hayn taariikhda dalalka Geeska Afrika ayaa yiri: “Nimanka madaxda ka noqonaya Soomaaliya warba kama hayaan waxa ka dhacaya Geeska, marka lagu daro Sheikh Shariif, wax Alla iyo wax dhulkan ka dhacaya taariikhiyan ee weli socoda oo xabashi daba socoto warba kama hayaan.”


Wasiirka dhowaanta loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFKMG ayaa (July 5, 2010) isagoo ku sugan Addis Ababa waxa uu sheegay in ciidamadaasi ka imanayaan “dalalka aan mushkilad xuduudeed iyo mushkilad kale aan la lahayn dadka Soomaaliyeed”.


AKHRI: Wareegtadii ka soo baxday IGAD July 5, 2010.


Xigasho somlitalk