Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
XIGMAD KA MACAAN TIMIRTII MADIINA






Naxariis iyo nabad gelyo waafi ahi korkiisa ha ahaato Nabigeennii suubanaa Muxammad, xaal uu yahay raxmaddii caalamka, bishaareeyihii Jannada, kadigihii naarta iyo cadaabka Alle.


Inta aanaan u gelin qalbiga mawduucan aan ciwaankiisa kor kusoo sheegnay, waxaan jecelnahay inaan wax yar kataabanno sideeda waxa ay tahay xigmadu?.


Xigmadi waa DHIGIDDA SHAY WALBA MEESHII UU KUHABOONAA, haddii aan si kale u niraahnana waxay kaloo noqon kartaa xigmadi, iyadoo hadal yar lagu sheego waxa faa'iido ugu jirto bini'aadamka AAKHIRADIISA ama ADUUNKIISA.


Haddaba waxaa Islaamka soo maray dad badan oo xigmad laga hayo, xigmaddaas oo ah mid ay kukasbadeen qur'aanka kariimka ah kudhaqankiisa iyo raacidii dhabta ahayd ee ay Rasuulka(NNKH) raaceen.


Bal aan isla fiirinno IMAAMKA caanka ah caalimkana ah ee layiraahdo IBRAAHIIM IBNU ADH-HAM, oo noolaa qarnigii saddexaad ee Hijriyada, wuxuuna ahaa Macallinkii imaamka kale ee caanka ah Sufyaan Ath-thoowrii.


Waxaa hadda kahor dhacday in nin u yimid Ibraahiim ibnu Ad-ham, oo uu kuyiri: "Shiikhoow, waa-isaga Ilaahay ku-yiri suuradda magaceeda layiraahdo GHAAFIR aayaddeeda 60: (RABBIGIIN WUXUU YIRI: IBARYA WAAN IDINKA AQBALINE), haddaba haddii xaalku saasyahay maxaa ducadayada loo aqbali waayey?. Imaamku wuxuu siiyey ninkaas jawaabtaan iyada ah xigmadana ah :


SABABTA loo aqbali waayey ducadaada waxaa weeye:


~ ILaahay inuu jiro waad ogtahay.................Hadana ma aadan adeecin.
~ Quraanka waad akhridaa ..........................Hadana kuma camal fashid.
~ Shaydaanka waad taqaan..........................Hadana waad dabagashay.
~ Waxaad tiri Rasuulka waan jeclahay...........Hadana sunnadiisa waad katagtay.
~ Waxaad tiri Jannada waan rabaa................Hadana uma aadan camal falin.
~ Waxaad tiri Naarta waan kabaqaa...............Hadana dunuubta kama aadan fogaan.
~ Waxaad tiri geeridu waa shay xaq ah...........Hadana isuma aadan diyaarin.
~ Waxaad kumashquushay ceebta dadka ........Hadana ceebahaaga mafiirisid.
~ Intaas waxaad cunaysaa RIZIQA Ilaahay.......Hadana kuma aadan xamdiyin.
~ Intaas waxaad wax ka aastaa maydka...........Hadana darsi kuma qaadatid.


Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah isagoo socda ayuu wuxuu soo maray nin kale oo tiiraanyaysan (murugaysan), markaasuu wuxuu ku yiri ninkii tiiraanyaysnaa isaga oo samirsiinaya.


Ninyohow tiiraanyaysani waxaan kuweeydiiyey saddex su'aalood:


IMAAM IBRAAHIIM: Dhulkaan dushiisa miyuu kadhacayaa wax aan Ilaahay qadarin?.
NINKII: Maya.
IMAAM IBRAAHIIM: Riziq Alle horay kuugu qaddaray miyuu kaa nusqaamayaa?.
NINKII: Maya.
IMAAM IBRAAHIIM: Cimrigii ALLE horay kuugu qoray miyay daqiiqadi ka go'aysaa?.
NINKII: Maya.
IMAAM IBRAAHIIM: Hadaba maxaa kuugu wacan inaad murugooto adoo intaas og?.
NINKII: Jooji!! jooji Shiikh!! intaas kujooji!! Ilaahay baan caabudayaa oo aan ulaabanayaa!.


Haddaba walaalayaal maxay tahay Xigmadda ku jirta ee aan kaqaadan karno Immaamka labadiisa hadal ee uu labada nin kula hadlay:


~ Hadalka ninka hore uu kula hadlay waxaa lagala bixi karaa in ducada aqbalkeedu kuxiranyahay in aannu noqonno addoommo dhab ah oo Ilaahay adeecsan rasuulkiisana raaca, waxaa hubanti ah haddaan saas yeelno in ducadeena Eebbe naga aqbali doono Inshaa Allaah.


~ Xigmadda uu ninkii tiiraanyaysnaa siiyayna waxaanu kaqaadan karna ama ay xambaarsanayd in aan loo murugoon waxyaalo Ilaahay horay uqaddaray inay dhacaan, isla markaasna RIZIQA, GEERIDA iyo waxkastoo yimaadaba ay yihiin wax Ilaahay horay uqaddaray, laakiin haddii aan bini'aadam nahay, waxaa annaga waajibkeenu yahay inaan dadaalno oo aan kudhaqaaqno fulinta wixii uroon adduunkeena iyo aakhiradeena, wixii Ilaahay noo qadarana aan raalli kunoqono.
ALLAAH WAXAAN WEEYDIISANAY CAFI & CAAFIMAAD...


WQ: Maxamed Axmed