|
Aan marka wax ka dhaho Maxamed Cumar, shakhsiyadiisa iyo siduu xilkaas u gutay
Admiral Maxamed Cumar Cusmaan wuxuu ka mid ahaa madaxdii sare ee Jamhuuriyadda Somaaliyeed, wuxuu soo qabtay xilal fara badan oo militari iyo madani isgu jira, wuxuu ka mid ahaa golihii dhexe ee Xisbiga Hntiwadaagga Kacaanka Soomaliyeed (XHKS), Heyaddii siyaasadeed ee ugu sarreysay nidaamkii dawldda Jamhuuriyadda Somaaliyeed.
Wuxuu ka gaaray Xoogga Dalka Somaliyeed, darajada General ama Admiraal bacdamaa uu ka tirsanaa ciidanka badda, cidankaas oo uu muddo dheer madax u ahaa. Waa nin khibrad dheer leh, masuuliyad kastana qaadi kara.
Markii loo doortay Guddomiyaha Ururka, maadaama uu xog-ogaal u ahaa dhibaatada iyo darxumada dadka gobolka haysatayiyo xaaladda colaadeed ee qoladii ka horreysay abuureen waxaa la aaminsanaa inuu saxitaan buuxa ku sameeyn doono siyaasadii Sheekh Ibrahim iyo maamulkiisii, in uu la imaan doono car-car cusub iyo wax -qabad la mahadiyo. In uu Qaddiyadda waafajiyo hadba sida danta dadweynuhu ku jirto.
Haddaba, markuu masuuliyadda ururka la wareegay, maxay asaga iyo kooxdiisu u qabteen dadkooda, jahliga gaajada, cudarrada iyo colaadda la il daranaa? maxay soo kordhiyeen oo la taaban karo?, wax ma ka qabteen gafafkii siyaasadeed ee la galay xilligii Sheekh Ibraim? Khibraddiisii iyo aqoontiisii ma laga faaiideystay?
Dagaal Oogayaal aan dadka u naxaynin Ayaan darro Jawaabaha su'aalahan oo dhan waa Maya ,bal waxaaba la odhan karaa way ka dareen koxdii Sheekh Ibrahim oo meel halis ah ayey masiirka dalka gaadhsiiyeen. Waxay noqdeen dagaal oogayaal aan dadka u naxaynin. Maxamed Cumar iyo saaxiibadiis waxay noqdeen kuwo lagu hungoobay.
Markii xilka loo doortay,wax talo-gelin ama tashi ah lama ay yeelanin dadka xog-ogaalka u ah arrimaha gobolka. Madaama uu ahaa nin waayo arag ah oo maamul militari iyo madaniba khibrad weyn u leh wuxuu dadweynuhu ka sugayay wax-qabad iyo isbeddel deg-deg ah.
Laakiin ayaan darro mudadan 10ka sano ah ee Maxamed xilka hayay, wax la taaban karo oo muuqda oy asaga iyo saxiibadiis ku dhaqaaqeen ama xaqiijiyeen haba yaraatee ma jiraan, dhabbihii Sheekh Ibraahim iyo kooxdiisii ayay cagta saareen, gafafkii iyo talo xumadii ururku ku caan baxay umbay halkii ka sii miiseen.
Dagaalladii iyo xaaladii colaaddeed ee kooxdii Sheekh Ibrahim abuureen umbay sii holaciyeen. Sidii kuwii ka horreyay qaddiyaddii waxay ka dhigeen wax mulkiyadooda ah oy ayagu iska leeyihiin.Dadkii ay khuseesay ma oga meel ay wax marinayaan.
Waa jirtaa in mar marka qaarkood jaaliyadaha la shiriyo si dhaqaale badan looga codsado,isla munaasabadaasna loogu gudbiyo propganda iyo warbixino runta aad uga fog sida:" Ethiopia mar dhaw way burburaysaa, Xorriyadii wataa soo iftiimaysa, berri iyo saadambe umbaa ka hadhay i.w.m".
Sida la ogyahay dagaalku wuxuu socdaa ugu yaraan 15 sano ilaa iyo maanta meel muhiim ah ay xoreeyeen ayaga iyo kuwii ka horreyaba oo gacantooda ku jirta lama hayo. Nimankan sidaas u hadlaya ee fadhi ku dirirka ah ayaga iyo xaasakooda Europe, Amerika iyo Australia iyo meelo kale ayey si joogta ah ugu sugan yihiin, nabad galyo taam ahna ku haystaan.
Nin ka mid ah madaxda Onlf oo hal gelina ha ahaate dagaal galay oo xitaa ay qodixi ku mudday ma jiro. Waxa dalka gudihiisa dagaalka ka wada waa wiilal geel jire ah oon wax fikrad ah ka qabin habka jabhadaynta oo ah hawl aan sahlanayn oo abaabul iyo awaamiir joogta ah u baahan.
Dhallinyarada halgamaya waxay mar walba u baahan yihiin madax la nool ciidanka oo dagaalka hoggaamisa, lana qaybsata dhibka iyo dheeftaba. Buugaag iyo nadariyo badan ayaa horey looga diyaariyay jabhadaynta iyo halgannada gobanimadoonka.
Waxaa habboonayd, Maxamed Cumarna laga filayay in uu miiska soo saaro meesha ay wax marayaan iyo geedi socodka qaddiyadda ha ahaato dhanka xidhiidka dibedda iyo cidda la isku haleeyn karo, waxgaradka gobolkana ka qayb geliyo ayadoo la is-weydiinayo in sii wadidda dagaalka lagu gadhi karo hadafkii iyo himiladii ummadda iyo in kale.
Waxaa kaloo habboonayd in qaddiyadda si cilmiyaysan oo casri ah la isugu diyaariyo, maskax maal iyo muruqba la isugu geeyo, ayadoo mar walba maanka lagu hayo shacabka rabitaankiisa iyo danta guud meesha ay ku jirto.Taxliil iyo daraasad dheer ka bacdina lagu dhaqaaqo hirgalinta umuurihii lagu hesiiyay.
Dagaal, diplomaasiyad iyo hab nabadeed kolba kii la isku raaco in uu hadafka iyo guusha kama dambeynta ah keeni karana mudnaanta koobaad la siiyo. Halganku waa ka weyn yahay wax geel jire lagu halleeyo. Markaan sidaas leeyahay ma aha in aan geel jiraha xaqirayo ee hawshani waa mid u baahan tababar gaar ah oo aan qof walba lagu aamini karin.
Waxaaba ka markhaati kacaya dagaal 15 sano socda natiijaduna sidaas tahay in uu yahay halgan geel jire ama qof aan hawshan u carbisanayn. Waxa keliya ee dagaalkaas dadka dhaxalsiiyay waa dhimasho,dhaawac, barakac joogta ah, dhiillo dadka kala gaadhay oo caqabad ku noqday horumarkii dalku gaadhi lahaa, ha ahaato xag siyaasad, dhaqaale iyo bulshaba.
15 sano oo dib u dhac ayey masuuliyiinta Onlf taariikhda waddanka ku soo biiriyeen ayaa la odhan karaa. Dagaal aanay cidna kala tashanin ayuu ururka Onlf shacabka ku sanduleeyeen.Dagaalkaas, dhan kasta markii laga eego, in la galo ma ahayn in uu 15 sano socdana waa waalli iyo wax-garasho la'aan.
Xiriirka dibedda iyo ka dhaadhicinta qaddiyadda adduunweynha.
Dawlado ama ururo, ha ahaadaan kuwo goboleed ama caalami ah (U.N, A.U., E.U. Arab League Islamic Conference) oo qaddiyadan aqoonsan ma jiraan. Keliya dalka Eritrea oo colaad weyni ka dhexeyso Ethiopia, wax xuduud ahna aan la lahayn gobolka ayaa qaddiyaaadda aqoonsan si uu awrkiisa ugu kacsado, asagoo ka duulaya murtida odhanaysa "Cadawgayga cadowgiisa waa saaxiibkay".
Jabhaddu ma laho meel ay wax uga soo dagaan ama dhaawaca loola cararo. Dawladdii dhexe ee Somalia oo jabhadaha somaligalbeed ku tiirsanaan jireen way bur-burtay.Mamaamul goboledyada Somaliland iyo puntland oo gobolka Ogaden xuduud la leh iyo ururka Onlf xiriirkoodu aad ayuu u xumaaday. Arrintaaso, nasiib darro, hadda meel halis gaadhay, ayadoo mudadan dambe masuuliyiinta gobolladaas billaabeen wax ka baxsan dhaqanka somaliyeed iyo kan diinta islaamkaba taas oo ah in dad ayaga marti u ah oon wax dambi u geysanin, in ay u gacan geliyaan dawladdii ay ka soo carareen ama dagaalku ka dhexeeyay, sida runta ah, ma ahayn wax laga filayay masuuliyiinta gobolladaas ama dadkaas walaalaha ah ka dhexeeyay.
Jabhaddu kuma laho dibedda xafiisyo iyo wakiilo magaceeda ku hadla oo qaddiyadda addunweynaha ka dhaadhiciya.Waxaa wax laga xumaada ah fursadaha faraha badan ee aan laga faaiideysanin. Dadkii wax-garadka ahaa ee hawlahaas qaban lahaa, dibadda ayey badankood ku sugan yihiin. Aqoontooda, khibradooda iyo dhaqaalahoodaba diyaar ayey la yihiin,waxaanse jirin cid hawl gelisa oo si fiican u hoggaamisa.
Waxaabad moodaa in madaxda Onlf ay ka cararayaan dadka wax-garadka ah. Qaddiyaddi waxay noqotay wax koox yari guntiga ku haysato,dadkii lahaana laga hortaagan yahay.
Dagaalkii Cobolle
Weli xiriirkii dibeddaan ku jirnaaye,waa jirtaa in wixii ka dambeeyay April 2007 laga hadlo qadiyadda Ogaden,mediyahana ay ku jirto, kadib markay Onlf dagaal gaadmo ah ku qaaday xarun ku taalla Tuulada Coballe oo raacsan dagaanka Dhagaxbuur,halkaasoo ay ku sugnaayeen Khubaro Chinese ah oo baadhis shidaal ka waday aaggaas.Waxaa weerarkaas ku dhintay sida mediyaha caalmku badankood qoreen 74 qof oo ahaa dad rayid oo shirkadda chinesku shaqaalaysay iyo 9 chinese ah.
Inkastoo ay tahay dhacdo dicaayad u sameysay qaddiyadda, oo ahayd marka keliya ee mediyaha reer galbeedku sidaas uga hadlaan, haddana waa in la fiiriyaa billadda (medal) dhankeeda kale oo meesha la soo dhigaa in ay tahay arrin keeni karta dhibaato hor-leh oo daawladda China cadawtinimo ku abuuri karta.
Ma haboonayn sida runta ah in Dawlad aan shacabka Ogaden weligeed dhibaato u geysanin falkaas lagula kaco.Waa dawladdii la rabay in kaalmo iyo taageero hiil iyo hooba la weydiisto oo qaddiyadda lala kaashado.Waa dawladda keliya ee weli caadifad u haysa qaddiyadaha dalalka soo koraya oo ka mid ah 5 dawladood ee kursiga joogta ah ku leh golaha amniga ee UNka.
Waa dawlad maanta u soo jeesatay in wax weyn ay ka qabato saboolnimada Afrika,qaardda oo dhanna ka wadda maalgelin iyo mashaariic waxtar u leh dadyowga reer Afrika. In dawladdaas shaqaaleheeda iyo injeneeradeeda la laayo,waxay ahayd arrin lagu deg-degay oo cawaaqib xun reebtay markii dhan walba laga eego.Dagaallada maanta gobolka wada aafeeyay waxaa sabab u ah weerarkii Cobolle iyo jawaabtii adkayd ee dawladda Ethiopia iyo ciidamadeedu kaga bixiyeen.
Ururka madaxdiisii ayagu isku maqan oo mindiyaha isu haysta miyaa karti iyo kansho u haya in ay Qaddiyadda ka dhaadhiciyaan adduunweynaha.
Laynta iyo hanjabaadda.
Iskadaa qaddiyad ay dunida ka dhaadhiciyaane, xabaddii ay lahaayeen cadawgaan u sidanaa oo dal baan ku xoreynaynaa ayey billaabeen in ay ku foorariyaan shacabkooda. Waxay ku kaceen falal murugo iyo calool xumo aan dhammaanayn abuuray oo ah ugaadhsiga iyo laynta dadkooda ay mudan dambe u soo jeesteen,ayagoon u kala aabba yeelin, sheekh,Shariif, suldaan, waayeel iyo haweenba. falalkaasoo noqday wax argagax iyo anfariir ku riday dadka gobolka Ogaden .
Boqolaal shaqaale dan-yar ah oo biilka caruurtooda keliya la tacaalayay,oon wax siyaaso ku jirin ayey qudha ka jareen, caruurtoodii agoon ka dhigeen hweenkiina aasay u saareen.welibana ay ku dhaataan si aan qarsoodi ahayna ugu faanaan falalkaas foosha xun.
Ma aha wax qarsoon waxaa laga wada dhageystay idaacadaha bbc iyo VOA, Maxamed Cumar oo qiraya in ay laynayaan cadowga iyo wixii u shaqeeyaba.Nin macallin dugsiyeed ah ama farmayeeri dadka daweeya , kuwa baadhista biyaha ka shaqeeya ee dadka ceelasha u qoda, intay dilaan ayey leeyihiin cadwguu ayuu shaqeeynayay. Ma waxaasaa wax la yeeli karo ah ama qof damiir leh oo masuuliyad sheeganayo ku kici karaa?
Cabashada, cadhada iyo karaahiyada dadweynuhu u qabo ururka Onlf ayaa cirka isku shareertay. Ayadoo muuqaal iyo maqalba ah ayaa Screenada Websiteyada qaarkood laga daawaday lagana dhageystay, gaar ahaan dhibaatooyinka ay Onlf u geysatay Gobollada Jarar.Qorraxay, Nogob,Doollo iyo gobolka Godey.
Wax la isweydiiyose ma xumee, madaxda Onlf ma 5tan gobol ee kor ku xusan ee ay horey u rafaadiyeen,dadkoodii barakiciyeen in badana ka laayeen miyaa dalka ay u doonayaan "xorriyadda" ay ummadda ku wareeriyeen ee dhalan-teedka ah, illeen gobollada kale dagaalna kama socodo dadka degana ma doonayaan, mana maqli karaan dagaal ku sheegga Onlf.
Habkan cunfiga iyo dilka adeegsanaya ee kooxda maanta hoggaanka Onlf haysa ku caan baxeen ee gaar ahaan ay dadka 5tan gobol dega ku hayaan ma aha wax la yeeli karo.Waa waxaan weli horey loo arag, loona maqal,Jabhadihii horana aany weligood ku kicin, kooxdii Sheekh Ibrahimna ha ahaate. Waa hab diktatoori ah oo waqtigiisu mar hore dhammaaday kana soo jeeda nidaamyadii Stalin iyo Pol Pot iyo wax la hal maala.
Waxaa kaloo ay qoladan caan ku noqdeen in qofkii isku daya in uu dhalliil u soo jeediyo ama wax-qabadkooda wax ka shaeego ay isla markaaba ku dhuftaan shaabadda dabaqoodhi iyo tigrey u adeege. Cadaadiskan iyo cajuglayntan ma aha wax la aqbali karo.
Shacabka koox tiro yari sidaas uma jujuubi karto, wixii dantiisa ah asaga yaqaana.Baadi-goobka xuquuqda weli maqan in lagala tashado waa lama huraane taa ha la ogaado. Qofkii doonaya in uu madax u noqdo dadka gobolka Ogaden waxaa waajib ku ah in uu ku dadaalo xannaanadiisa iyo uruurintiisa iyo in uu helo marka hore kalsoonidiisa.
Khilaafka iyo is-maandhaafka madaxda Onlf
Sidaan kor ku xusay aan isla eegno khilaafka madaxda Onlf gaar ahaan kan u dhexeeya Maxamed Cumar iyo Maxamed Siraad Doolaal. .Sida laga warqabo waxay waqtigan xaadirka ah u kala qaybsan yihiin madaxda Onlf labo ilaa saddex garab oo iska soo horjeeda. Qolo walbana qolada kale dambiga dusha ka saareyso..Madaxdii sare qaar ka mid ah oo muhim ah ayagu ,waa kuwa horey isugu dhiibay Dawlaadda dhexe.Waxay qoladaas goosatay,warsaxaafadeed ku sheegan ceebaal fara badan oo Ururka ka dhex dillacay, sida qabyaaladda, ku tumashada xeerka ururka, kala daadsanaan iyo danaysiyo aan halganka shaqo ku lahayn.
Waxaan kaloo wada ognahay in Maxamed Cumar loo doortay xilka Guddoomiyaha ururka muddo 4 sano ah 1998kii.Maantana waxaa la marayaa 2008.Waxaa muddadaas ka soo wareegtay 10 sano. 6 sano oo dheeri ah ayuu iska haystaa jagada madaxtinimada ururka, taasoo ka soo horjeeda xeerka ururka u degsan.Sida wararku nagu soo gaadhayaana Maxamed weli diyaar uma aha in uu xilka ka dego ama ku dhawaaqo qabasho shirweyne,duruufo adag oo hortaagan in shirkaas la qabtana ma jiraan.
Astaamo kali-talisnimo iyo mucangagnimo ayaa sida runta ah ka muuqata dhaqanka Maxamed Cumar,waana sababta ugu weyn ee keentay is-maandhaafka iyo khilaafka maanta ka dhex aloosan asaga iyo saaxiibadiis qaarkood
Wax iska sheegga iyo is-haaraamidda ay mediyaha isu marinayaan, kashifaadda ay sirtoodii bannaanka soo dhigaayaan ma aha wax ku habboon dad mas'uuliyiin ah oo xilku dhibayo,dadkoodana ixtiraam u haya.
Ayadoo buuqaasi taagan yahay ayaa labo wafdi oy kala hoggaaminayaan Doolal iyo Maxamed Cumar bishii agosto ee 2007 isugu tagaeen dalka Mareykanka. Jaaliyadihii carrikaas ayay shirar la kala yeesheen. Ujeedada safarkaas waxay ahayd in lagu tartamo Jaaliyadaha mareykanka jooga oo aad u fara badan muhimna ah xagga uruurinta dhaqaalaha iyo qolo walba in ay sheegato Leadershipka Ururka.
Intii ay joogeen dalka mareykanka, jaai'foooyin iyo is jillaafayn badan ayaa la isu geystay. Buuqii iyo is-cambaareyntii ay Yurub ku hayeen ayey Mareykanka iyo Jaaliyadaha halkaas jooga kula dhex dhaceeen.waxay noqotay arrin lala fajaco oo jaha-wareer badan abuurtay.
Jaaliyadha qudhooda kama aysan roonaanin, bal kaalin buuxda ayey ka qaateen kala jabka ururka. Halkay ka canaanan lahaayeen kuna guubaabin lahaayeen in ay khilaafka si deg-deg ah u xalliyaan, xilkoodana si buuxda u gutaan, ayey la kala safteen labada garab,mid walbana way u soo shireen, sacab iyo mashxaradna ku kaalmeeyeen Waxay noqotay arrin somali oo dhan ku sheekaysato lana yaabtay
Wada-hadallo nabadeed Mareykanku dhex-dhexaadinayo
Sida wararku nagu soo gaadheen websiteyada qaarkoodna lagu qoray Madaxda Onlf mudadadii ay Mareykanka joogeen, ayagoo labadii garab u kala socda, ayey qolaba mar iska xaadirisay WASHINGTON D.C. Kulamo ay la yeesheen Saraakiil mareykan ah waxay isla soo qaadeen xaaladda gobolka iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa, waxaana la isla gartay in wada hadal nabadeed mareykanku dhex-dhexaadinyo si dhaqso leh u billaabmaan.
Labada kooxoodba way oggoladeen sida wararku nagu soo gaadheen. Lakiin Dawladda Ethiopia ilaa hadda wax war ah oo arrintan ku saabsan lagama hayo inkastoo wax soo kordhay oo wan-waanta mareykanka la xiriira iyo cid ka hadlaysa toona aanay waqtigan xaadirka ah jirin,una egtahay wax aan meeshii laga soo qaadin oo iska baaba'ay,haddana waa arrin u baahan la socod iyo u kuur gelid badan, hadday wax ka jiraana ma aha wax xun, waa tallaabo loo qaaday xagga wanaagga iyo raadinta xal nabadeed. Laakiin,waxaa uga habboonayd masuuliyiinta Onlf ugana sharaf badnayd in 2006 ay tallaabadan oo kale qaadaan markuu Riisul wasaaruha Ethiopia uu asagu daalibka ahaa cidhiidhi badan oo siyaasadeena uu cagaha kula jiray, Oday-dhaqameedyadii markay ugu yimaadeen guryohoodaYurub iyo America, ayagoo u sida waan-waan nabadeed oy horey ula gorfeeyeen Meles Zenawi iskuna af-garteen oo ahayd in Dawladdu wadahadal dhab ah la yeelato ururka Onlf, nabad waartana dalka lagu soo dabaalo. Waddamada la soo hadal qaaday in ay dhexdhexaadiyaan labada dhinacna raalli ka ahaayeen waxaa ka mid ahaa Imaaraadka Carabta oo ah Dawlad qaddiyadda si fiican ula socota Ethiopiana xiriir fiican la leh.
Waxaan qabaa in Dawladdaas ay door wax-ku ool ah ka ciyaari lahayd dhexdhexaadintaas. Xitaa haddaan heshiiis lagu gaadhin kulankaas hore, waxay noqon lahayd fursad nabadda loo huray albaabo fara badan ayay tallaabadaasi furi lahayd,Jabhaddu waxay u muuqan lahayd mid aan ahayn seef la bood oo nabad iyo wadahadal diyaar u ah, xaqeedana si nabad ah ku raadsanaysa. Waqtigaas oo weliba leadershipka Ururku mideysnaa,shacbiyada iyo kalsoonida dadweynuhu u hayayna ay ka sarreysay sida ay maanta tahay.
Waxay ahayd fursad qiimo badan oo si sahlan loo lumiyay sidii kuwii ka horreeyay ee faraha badnaa.Waxay arrintani isoo xusuusinaysa waan-waantii aan aniga iyo saaxiibaday isku daynay bartmihii 1994 ee fashalka ku dhammaatay ee kor ku xusan.
Marka aadan lahayn awood midaysan, Itijaah siyaasaded iyo Staratejiyo qeexan oo isku taxan, taladu in ay ku seekto,ood gabi dhacdo ma aha wax lala yaabo.
Haddaan intaa uga baxo ka hadalka madaxda Onlf iyo wax-qabadkooda aan la mahadinin, aan markaan isku dayo in aan arrimaha qaarkood ku nuuxnuuxsado si dadka ay qaddiyaddu khuseyso ugu caddaato marin habaabinta taariikhiga ah ee msuuliyiinta onlf qaddiyadda ku sameeyeen.
FAALLO:
Dhalliilahan kor ku sharxan inkastoo ay ku waajahn yihiin madaxda Onlf iyo kal-kaaliyaashoda,haddana dadka faraha badan ee ururka xubnaha ka ah, kuwa qaddiyadda iska aaminsan ee hor u jeedka ah ama beenta laga gaday iyo guud ahan dadka gobolkaas u dhashay, ceeb ka saliim ma noqonayan ee si dadban ayey dhalliilahani ugu wajahan yihiin ha joogaan gudaha ama dibaddaba.
Haddaan dadweynaha gobolka u dhashay gaar ahaan wax-garadkiisa aysan maanta baraarugin, ha la ogaaado in dambiga lala qaybsan doono kooxda Onlf, wax lagu kala duwanan doonaa ay yaraan doonto ama aanay jiri doonin.Waa masuuliyad taariikhi ah oo berrito qof walba lagula xisaabtami doono.
Maanta dadkeena dhibaatada haysata waa mid uusan waligii soo marin barakac, gaajo cudur, jahli, colaad iyo abaaro dabadheeraaday ayaa hareereeyay. Qof walba mesha uu joogo ayuu kaga war-qabaa oo ma aha wax la moog yahay.
Ficil iyo gurmad deg-deg ah buu dadkeena maanta u bahaan yahay . Raashin biyo iyo daawo ayuu u baahan yahay ee xabad iyo dagal uma baahno. Walaalayaal, fadhiga ha laga kaco oo yaan sidan lagu sii fiirsanin xaaladdan muragada badan.
Waxaan kaloo jeclahay in aan halkan ka caddeyo in aan marna loo qaadanin in aan moogahay ama aan yareynayo dhibaatada iyo taccaddiyada faraha badan ee ciidamada Dawladda dhexe ku hayaan dadka degaanka somaliyeed.Waa arrin jirta oo aan la inkiri karin in ciidamada dawladdu xadgudubyo fara badan shacabka u geystaan, dad badan oon waxba galabsanin la laayo, hantidoodii la baabi'yo, dumarka la faraxumeeyo. hayeeshe, soo ma aha in la isweydiiyo waxa keenay dagaalkan iyo tacaddiyadan ay ciidamadu dadka ku hayaan.
Waxaa keenay oo sabab u ah, cidankana marmarsiinyo u noqday waa dagaalka aan ujeedada lahayn ee ururka Onlf waddanka ka qarxiyay. Dagaalkaas daciif ah ee taagta daran een loo baahnayn,wuxuu soo jiiday dagaal ka xoog badan oo dhibaato xad dhaaf ah kenay (Cause &consequence).Waa arrin ay dawladaha addunku ka mideysan yihiin oo aysan jirin dawlad oggol in laga horyimaado, ciidankeedana la laayo,danaheedana la dhaawoco.
Askari hub gacanta loo geliyay oo hawl-gal dagaal amar lagu siiyay, qof walba wuu garan karaa in uu dhibaatooyin fara badan geysanayo (Eeg. waxa hadda kala haysta Turkia iyo Jabhadda PKK ee kurdiga, Dawladda Sri Lanka iyo Tamil Tigers,mushkiladii gobolka konfurta Sudan iyo dawladda dhexe oo markii dambe si fiican ku dhammaaday, markii ay caqligu iyo xikmaddu shaqeeyeen).
Waa masuuliyadda jabhada in ay mar walba ilaaliso maslaxada iyo danaha dadka ay u dagaallamayso, in ay ku xisaabtanto tabarteeda,taakteeda iyo taageerada ay haysato. Khatar aan loo baahnayn ma ha in dadka loo soo jiido. Madaxda jabhada ayaa laga rabaa in ay qiimeyn joogta ah ku sameyaan duruufaha iyo isbaddelkooda. Ayaan darro,Onlf iyo mauuliyiinta u talisa kuma sifoobin dhaqanka caynkaas ah.
Waxaa maqaalka igu kallifay iyo in aan ku dheeraado dhallilaha ururka Onlf,waa ka danqashada dhibka shacabka oo 99% aan hubo in uu ku taamayo sidii loo soo afjari lahaa dhibaatadan dab dheeraatay.Waxaan ogahay oo xaqiiqa ah in aan xabbad iyo xoog maanta waxba lagu xallin karin, cid kuugu garaabaysa ama garab kugu siinaaysana aanay jirin.Weliba maanta waxaa socota dabayl argagixiso la dirir ah oon la kala saareynin xaq u dirirka iyo kuwa sef labooka ee dagaalkoodu ku saleysan yahay caqiido iyo gaalo la dirir keliya.
Haddii runta la rabo ururka Onlf oon wax tageera ah iyo aqoonsi dunida ka haysanin lama diriri karo ciidamada dowlada Etiyoobiya, shacab weynaha badankiis oo maanta ka soo horjeda xabada ,Dawladda federalka ah ee Ethiopia oo xiriir taariikhi ah la leh dawladaha galbeedka gaar ahaan mareykanka kuwaasoo had iyo jeer diyaar ula ah tageero militari, diplomaasi iyo mid dhaqaalaba. Waddamada deriska iyo dhibaatada xuduudaha horaan uga hadlay, waxaa lagu jiraa duruuf adag, meel walba maanta way oodan tahay.
Sidaas darteed masuuliyiinta Onlf hadday in yar oo garasho ah ku dambeyso, hadday haba yaraate wax naxariis ah dadkooda u hayaan, ha tixgeliyaan duruufahan culus ee aysan u babac dhigi karin.
Dagaalkan doqonka ah ee aan dhago iyo dhaayo toona lahayna sida ugu dhaqso badan ha u joojiyaan. Sidaasay danta dadweynuhu ku jirtaye.Waxaa ku filan sida jabhaduhu in badan ku dhaqaaqaan in ururku ku dhawaaqo xabbad joojin hal dhinac ah(unilateral cease-fire) xitaa si ku meel gaar ah.Taasoo micneheedu aany ahayn in la is-dhiibo oo laga tanaasulo wixii loo dirirayay ee ay tahay arrin duruufuhu keeneen oo la xiriirta ilaalinta iyo badbadinta dadwenaha.Tallabadaas hadday masuuliyiinta Onlf qaadi lahaayeen, dadku wuu nafisi lahaa, isu socodka ayaa sahlanaan lahaa, gaadiidka ayaa gobollada u kala gooshi lahaa,noloshaa caadi ku soo noqon lahayd, Heyadahaha samafalka ayaa ku soo qulquli lahaa dalkeena, gargaar iyo xannaanana dadka la soo gaadhi lahaa.
Jaaliyadaha dibedda ayaa si mug leh dalka ugu soo xidhmi lahaa dhismahiisana ka qayb qaadan lahaa. Eeg, UrurukaXamaas ee dalka Falastiin,wuxuu ka fursan waayey in uu heshiis xabad joojin ah la galo dawladda Israel si uu u badbaadiyo dadkiisa meel walba laga ooday, iyo sidii cunaqabataynta looga qaadi lahaa.Kahor,waxaa tallaabadaas oo kale qaaday marxuum Yasir Arafat iyo ururkiisii P.L.O, kadib markay garowsadeen in aanay dagaal keliya waxba ku keenaynin.
Sidoo kale madaxda ururka isbahaysiga dib u xoreynta somaliyeed, markay qiimeyn ku sameeyeen quwadaha la diriraya iyo xasuuqa dadka somaliyeed lagu hayo,waxay door bideen ayagoo u naxaya dadkooda in ay heshiis la galaan xoogagga ka soo horjeeda si shacabka somaliyeed loo badbaadiyo. Wa go'aan mudan ammaan iyo ku dayasho.
Hadduu Ururka Onlf go'aan xabbad joojon ah ku dhawaaqi lahaa, oo dagaalku joogsan lahaa waxaa meesha ka bixi lahaa edeymaha maanta ururka iyo dawladdu is weydaarsanayaan,waxa la kala caddaan lahaa qolada dagaalka wadda ee nabadda iyo maslaxada diidan iyo kuwa nabadda iyo deganaashaha raba.Killilka iyo dawladda dhexe toona wax mar-marssinya ah ma heleen, dadka muwaadiniinta ahna looma cadaadiyeen, xabsiyadana looma dhigeen Onlf iyo nabad diid baad xidhiidh la leedihiin,kuwa dawladda u shaqeeyana uma dhinteen daba-dhilif iyo daboqoodhi baad tihiin.Hadda qolaba qolada kale ayey dmbiga saareysaa,sidaasay dantii guud ku luntay shacabkiina ku baaba'ay. Sida xaqiiqada ah,labada dhinacba dunuub fara badan iyo tacadiyo aan la koobi karin ayey dadka u geysteen sida ay caddeeyeen ururo madax bannaan oo xuquuqul insaanka u dooda oy Human Right Watch iyo amnesty inernational ka mid yihiin.
Taariikadan iyo qiimeyntan aan ku dheeraaday waxaa kaloo igu kalliifay in aan hoosta ka xiriiqo 2 qodob oo ka markhaati kacaya farqiga u dhexeeya waxa ay masuuliyiinta Onlf dadweynaha u sheegaan iyo siyaasadda dhabta ah ee ay ku guda jiraan.:
1- Propogandada ay la wareegayaan madaxda Onlf waaa mid lagu marin habaabinayo dadweynaha gobolka Ogaden.Dagaalka iyo halganka gobonimadoon ee ay sheeganayaan ee dalkii iyo dadkii ku babi'yeen ma aha mid mabd'à ku saleysan,oy ku diidan yihiin ka mid noqoshada dalka Ethiopia ee waa sidaan kor ku sheegay sheeko ka curatay markay ku guuldarreysteen xukunkii iyo hoggaankii ay dadka u hayeen ee sida sharafta leh loogu aaminay.
Hadday ku taagnaan lahaayeen mowqifkoodii hore kana dhabeyn lahaayeen diidmadii uu ina Siraad Dolaal London kaga dhawaaqay ee aanay marna ka qayb geli lahayn systemka iyo maamulka dalka Ethiopia waxay ahaan lahayd arrin garawsho leh oo mabd'a la xiriirta.
Laakiin markay shirkii Addis-Ababa iska soo xaadiriyeen, dorashooyinkii 1992 ka qayb galeen, oggoladeen nidaamka cusub ee Ethiopia ka hirgalay halkaas waxaa ku beenowday doodii ahayd Ethiopian ma nihin.
2-Qodobka labaad ee xusidda mudan wuxuu muujinaya mowqifka cusub ee masuuliyiinta Onlf oo ka horimaanaya kii soo jireenka ahaa ee jabhadihii hore oo idil ku hawl gali jireen oo ka soo horjeeday gumeysuga iyo dhul balaadhisiga Amxaarada iyo Oromada.
Waxay 2006 xiriir sokeeye,iyo heshiis la galeen ururada labadan qowmiyadood oo la wada og-yahay damaca iyo hanqaltaagga ay dhulkeena u qabaan Labadan arrimood waxay caddaynayaan in itijaaha iyo ujeedada siyaasadeed ee onlf uu aad uga fogyahay waxa ay dadweynaha u sheegaan.
Sidee bay isu qabanayaan xornimo iyo aaya ka-talin baan doonaynaa Amxaaro iyo Oromana xiriri iyo xilfi sokeeye baan la yeelanaynaa? Sidee bay suuragal u noqonaysa, ethiopian ma nihin,doorashooyinka iyo nidaamka dalkana wan ka qayb galeynaa?
Dadweynuhu sidaad moodaysaan uma hurdaan ,dhaqankan iyo siyaasadan aan ujeeda qeexan lahayna lagma gadi karo,lagumana siri karo ee maaweelada ha laga daayo.
Faalladan waxaan ku soo gunaanadayaa in madaxda Onlf,aanay horeyna dadka iyo dalkaba waxba u qaban waxay ka bi'yaan mooyaane,haddana aanay waxba ugu maqnayn.ee si fiican ha looga fakaro wixii laga yeeli lahaana, si deg-deg ahna tallaabada ku haboon ha looga qaado
Sida laga warqabo khilaafkii muddo dhawr sano laga joogo ka dhex qarxay weli sidii buu u taagan yahay, Waxay awoodi kari waayeen in ay in khilaafkas xal u helaan.Waxaa xusid mudan in khilaafkani uusan ku saleysnayn mid aragti iyo itijaah siyaasadeed oo ka duwan kan soo jiray 15kii sano ee dambe.
Waa khilaaf ku saabsan madaxtinimada ururka iyo kooxaysi ka dhex dillaacay hoggaanka ururka, tasoo jahawareer iyo niyad jab badan ku abuuray xubnaha ururka ka tirsan.
Maanta waxaa jira dhawr Onlf oo dhawr xarumood kala fadhiya. Sida laga warqbo Maxamed Cumar iyo koox la socota Asmara ayey si joogta ah ugu sugan yihiin, kuwo oo Dolaal , maadeey , Dhiirane ka mid yihiina London ayey ayagu isga fadhiyaan, Maxamed Ismaciil iyo koox uu madax u yahayna Australia iyo Aduunka salkiisa ayey jiraan, Injenier Macow iyo qayb kalena dalka jarmalka ayey ku sugan yihiin. Inta badan ee golaha dhexe iyo fulinta ku jirana xitaa magacyadooda lama yaqaano meel ay ku sugan yihiina lama oga.
Wax dhaa-dhaqaaq siyasadeed ah oo madaxdu ku lug leedahay ma jirto.Jaliyadaha umbaa si nin tooxsi ah mudahaaraadyo meelaha qarkood ka dhiga,lacago aan la ogeyn waxay taraan iyo meel ay ku dambeeyaana iska uruuriya.Wakaa sawirka uu maanta bixinayo ururka Onlf.,Sidaas ayaa ka dhab ah dadkuna wuu wada arkaa,gaar ahaan jaaliyadaha dibedda ku nool. Ma haboon tahay marka, in arrintan la sii daawado?
In qaddiyadda gobolka Ogaden ee boqolka sano soo jiitameysayay ay 4tan Oday oo ayaga is-cunaya u afduubnaato ma aha wax la aqbali karo.
Wax-garadka shacabka degaankaas ka soo jeeda, gaar ahaan kuwa dibedda ku sugan oo awood iyo xorriyad ay fikirkooda ku cabbiraan haysta, ayay la gudboontahay waxay ka yeeli lahaayeen iyo jawaabta ay ka bixin lahaayeen.
Aan markan is xusuusino xaaladda iyo masiirka dalka ee ah qaybta saddexaad ee maqaalkan.
La soco qaybta saddexaad ee u dambaysa |