Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
zakaatul fitri

Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib. Islaamka wuxuu waajibiyey Arrimo laga doonayo qofka sheegta inuu la yimaado oo ay ugu horeyso Salaada, Zakada, Soonka iyo Xajka oo ah qofkii awooda sahay iyo gaadiid, intaasiba waxay qofka ku waajib noqonayaan markuu ku dhawaaqo shahaadada, qaar ka mid ah arrimahaasi waxaa dhacda in laga cafiyo qofka awood la'aan darteed, taas oo iyana noqon karta Soonka sida qofka xanuun aan caafimaad lahayn hayo ama gabow aan la soomi Karin ama haweeneyda uurka leh ama ilmaha nuujinaysa, iwm.


Waajibyadaasi waxaa ka mid ah qaar aan marna iyo sinaba looga cafinaynin sida Salaada waxaa kaliya oo laga cafiyaa waa. A). Inuu yahay qof aan miyir lahayn. B) Inuu caruur yahay. C) Inuu hurdo ama halmaan uga tagtay Salaada oo markuu soo kaco ama uu xusuusto laga doonayo inuu la yimaado oo soo gudo.


Haddaba Zakada oo ka mid ah waajibyadaas waxay u qaybsantaa laba nooc oo kala ah.
1. Zakada xoolaha (Dahab, Qalin, iyo xoolo nool) oo leh laba shardi oo kala ah in xoolahaasi intaad haysatay uu ka soo wareegay sannad iyo inay gaareen xadigii(qiimaha) lagu bixin lahaa.

2. Zakaatul-Fidri oo bisha Ramadaan dhamaadkeeda la bixiyo ka hor intaan Salaada Ciidda la tukanin. Waajibnimada Zakaatul-Fidriga Wuxuu oranayaa Cabdulaahi Bin Cumar Binul-Khadaab inuu Nabigu waajibyeelay Zakaatul-Fidriga (Zagada Soonka) dadka oo dhan (Muslimiinta ah) taas oo ah Suus Timir ah ama Qamadi ama Sabiib, waxay waajib ku tahay qof walba oo xor ama addoon ah, Lab ama dheddig ah, ku yar ama wayn. Sidoo kale dhamaan iskuma diidana Culumada Islaamku inay waajib tahay.


Shuruudaha Zakaatul-Fidriga waa:
1. Inuu qofka bixinayaa yahay Muslim, kama marna dhinaca kale qofka la siinayo inuu yahay Muslim.

2. Qofka bixinaya inuu haysto wax ka badan cunnadiisa maalinta ciidda isaga iyo hadduu dad masaruufaba, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa iwm.

3. Waxa la bixinayo waa inay noqotaa cunno ma banaana lacag, oo kaliya haddii lacagtaasi lagu sii gadayo raashin ka dibna la siinayo masaakiinta waa banaan tahay, waxaa la mid ah haddii meesha uu qofku ku nool yahay aysan lahayn masaakiin way banaan tahay in loo qaado meeshay masaakiinta joogto ka dibna halkaasi loogu qaybiyo.

4. In la siiyo ama ay gaarto miskiinka Zakadan intaan Salaada Ciidda la tukanin ka hor wixii uu qofku bixiyo salaada ciidda ka dib waa sadaqo ee ma aha Zakaatul-Fidri sida uu Nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee inooga sheegay xadiith saxiix ah.


Goormay waajib noqonaysaa in la bixiyo ?
Waxay isku waafaqeen dhamaan Culumada Islaamka in la bixiyo wixii ka horeeya Salaada Ciidda ka hor, intee laga hormarinayaa? Waxay ka yiraahdeen haddalo badan waxaase fiican dadkeena dibada ku nool in wakhti la gaarsiin karo masaakiinta aynu sii bilowno uruurinta waajibkaasi si aanu hubaal ugu gudano waajibkaasi Ilaah inagu waajib yeelay.


Waxaad arkaysaa dadka qaar intaan Salaada la tukanin ku oranaya waxaanu wadnaa Zakaatul-Fidrigii sideenu yeelayaa? Wakhtigaasi waa sadaqo ee ma aha Zakaatul-Fidri, sababtoo ah su'aasha meesha taal ayaa waxay tahay yaa gaarsiin kara miskiin wakhtigaas, haddii aanu ku noolaan lahayn dhulkeenii ama dhulka Muslimiinta kaleba waxaa sahal noqon lahayd inaanu helno miskiin la siiyo, laakiin hadda maya.


Waxaa dhacda inaanu aragno dadka dibada ku nool hooyo kaligeed ah oo wadata ilmaheedii, aabihiina uu dhintay ama ay kala tageen, xaaladeedu maxay noqonaysaa? Haddii ilmahaasi yihiin agoon isla markaasina ay hooyadaasi haysato xoolo waa inay Zakada ka bixisaa ilmaheeda ajar ayeyna ka helaysaa iyadoo ilmaheeda ay yihiin.


Haddiise uu aabihii nool yahay isla markaasi ay ilmihii haysato hooyadood aabahaasi waxaa ku waajib ah inuu bixiyo Zakaatul-Fidriga hadduusan bixin isagaa hor Allaah ku dambaabaya loona haystaa, markaasi ay sidaasi tahay hadday hooyadu ka bixiso waxay leedahay ajarkeeda.


Waxaa dhacda dadka qaar inay is weydiidaan ilmihii siqiirka ahaa ee dhintay ama dhiciska ahaa ma laga bixin karaa? Maya waajib kuguma aha waxaa kugu waajib ah qofka nool lab iyo dheddig ku yar iyo mid wayn wuxuu ahaadaba in laga bixiyo qof dhintay ama aan dhalanin oo uurka ku jira midna waajib kuguma aha inaad ka bixisid, laakiin haddii ilmuhu kuu dhasho bisha Ramadaan gudeheeda ama intaan la tukanin Salaada Ciidda waa inaad ka bixisaa Zakaatul-Fidriga.


Sababta loo waajibiyey Zakadan ayaa waxay tahay in qofka Soonkiisii laga nadiifiyo wixii xumaan iyo wasakh ah ee gaaray, Allaah waxaanu ka baryeynaa inuu naga aqbalo Soonkeena, Salaadeenna,nagana dhigo kuwii liibaana adduun iyo aakhiraba.


waxaa inoo soo bandhigay sheekh bashiir.