|
Masiirka iyo Xaaladda Gobolka Masiir ummadeed wuxuu mar walba ku xidhan yahay, kolba dadka talada u haya sida ay wajibaadka dadkooda ka saaran u gutaan.Waxaan qaybta hor-dhaca maqaalkan ku xusay in gobolka Ogaden ay boqortooyada ingiriisku intiisii badnayd ku wareejisay xukinkii feudaaliga ahaa ee boqor Xayle Selassie, sanadku markuu ahaa 1948, kadib markii laga kiciyay xukinkii fashistiga ahaa ee Mussolini.
Waxaan kaloo tilmaamay in wagaas dadka waciyigiisa siyaasaded aad u hoseeysay.Cid iska caabbisa oo ka hortimaada xaqdarradaas ingiruiisku sameyayna aanay jirin. Soomaaliya dhamaanteedna ay xilligaas gumeysiga Europe ku hoos jirtay.
Waqtigaas waxaa laga joogaa 60 sano, gobolka Ogadena weli wuxuu ku hoos jiraa maamulka Ethiopia, inkastoo maanta xukun daakhili ah oo ballaadhan uu gobolku haysto .Waxaase ayaan darro ah in mudadaas sidaas u dheer uusan gobolku weli helin madax daacad ah oo u kacda dadkaas ayaanka daran oo si dhab ah isaga xilsaarta masiirkiisa.
Baahidii 60 sano kahor jirtay xagga garashada iyo tayada dadka wax micno leh oo iska beddalay ma jiraan..Dunidu maanta khatar bay noqotay, duruufuhuna si xawli ah ayey isu beddalayaan.Maanta lama joogo waqti la jabhadeeyo. Quwadaha dunida u taliya ee Mareykanku hogaaminayo ma oggla in xoog iyo xabbad xukun lagu qabsado.Xitaa Generaaladii Inqilaabyada sameyn jirey kuma dhacaan maanta in ay falkaas ku dhaqaaqaan.. waa marxalad taariikheed oo laga soo gudbay.Dadkii arrimahan qiimeyn iyo taxliil ku sameyn lahaaa, go'aannadoodana sidaas ku saleyn lahaa, ayaan darro,kama muuqdaan saaxada siyaasadeed ee gobolkeena..
Haddaan in yar taariikhda dib ugu noqono, 60maadkii iyo 70naadkii oo kacdoonnada gobanimadoonka ay sida habboon u socdeen,Midowgii Sofieti iyo xoggaggii horusocodka ahana ay hiil iyo hooba la barbar taagnaayeen lagama faaiideysanin fursadahaas.
Jamhuuriyaaddi somaliyeed ee 1960 curatay, inkstoo aysan ka ahayn wax bi'in, haddana waxay gacma furan ku soo dhaweysay dadkii walaalaheed ahaa ee ka soo cararay gumeysiga Ethiopia, Waxay dawladdu u oggolaatay dadkaas sida is-dabajooga ah u soo galayay Jamhuriyadda Somalia in ay si walba uga mid noqdaan dadkii horey ugu sugnaa qaybtaas ayadu nasiibka u yeelatay in ay gobanimadeeda hanato.
Ilaa taariikdu markay ahayd 1991, dalka in laga soo baxo mooyaane cid dib ugu noqotay ma jirin.Waxaa gobolka ku dhacay waxa aan ku magacaabay dhiig bax dadeed (human hemorrhage). Gobolka Ogaden waxaa dilay oo qayrkiis ka reebay waa dadka u dhashay oo ka danestay.Waddan in uu maqan yahayba waa la iska illoobay.Dhulkii maqnaa wuxuu noday mid saaloonada iyo makhaayadaha looga sheekeysto oo lagu dharag dhacsado.
Sida maantaba muuqata, jaaliyadaha dibedda ku nool oo dadkii wax-garadka ahaa intoodii badnayd ka mid yihiin, maxay u qabteen dalkooda hooyo? Waxba weeye jawaabtu. Saloonada iyo makhaayadha unbaa sidii loogu sheekeystaa, wacyi siyaasedeed iyo isxilqaan kordhay ma muuqdaan.Sidii lixdamaadkii oo kale waxaa dillaacay mawjad kale oo qaxootinimo.Dadkii wax-garadka ahaa ee Jamhuuriyadda Soomalia ku sugnaa, halkii la rabay in ay ku noqdaan dhulkoodii hooyo kadib markuu dhacay taliskii Mingistu waxay u soo cararayn dibadaha iyo qaxootinimo hor leh.
Xilligaasoo dalku u baahnaa wax gacanta ku dhiga xag siyaasadeed iyo xag dhaqaalaba si loola jaan-qaado isbadalkii Ethiopia ka dhacay 1991. Markii caruurihii iyo xaasaskii meel sugan lagu hubsaday, waddankii haddana mar kale ayaa laga danestay.
In badan bay dhagahaygu maqleen intaan garaad yeeshay,in dalkaasi yahay mid aan dad lahayn.Haddan xilliyadii hore diidi jiray arrintaas, maanta waxaan garwaaqsaday in ay wax badan ka jiraan. Dadweynhu asagu marna dembi ma laha ee waxaa maqan, mar walbana la tabi jiray madax tayo leh oo masiirka ummadda majaraha u qabata.
Marxaladda gobolku maanta marayo sidaan horeyba u sheegay, waa mid murugo iyo calool xumo badan, colaad aan dhammaad lahayn oo ururka Onlf masuuliyadeeda koobaad leeyahay ayaa la degtay.Tafaraaruqa iyo irdhada dadka dhexdiisa ah ayaa aad u baahday, xabadda aan dhammaadka lahayn ee ciidamada Dawladda iyo kuwo Onlf is-weydaarsanayan ayuu shacabku ku dhex baaba'ay, meel uu u ciirsado ama u cararo toona ma jirto,.
Soomaalia oo dhan ayaa maanta ololaysa oo 18 sano dagaal sokeeye iyo faragelin shisheeye hareereeyeen.Sida aan kor ku sheegay,wixii dadaal iyo jabhadayn ahaa oo la geliyay dalkaas wax horumar ah oo laga gaadhay ma jiraan waayo waxaan weligeed la helin halggan mintid ah oo stratejiyo iyo ujeedo goboimadon dadka soo hordhiga kuna hawl geliya. . Dagaalkii 77 faaiido uu keeno iska daaye wuxuuba galaaftay Soomaalia inteedii kale oo dhibatada ay maanta ka lug bixi la'dahay asalkeedu ah.
Dawled goboleedka somaliyeed(Killilka 5aad)
Sida kor ku xusan, inkastoo xaaladdu cakirantahay maanta, dadkii dhibkan ka saari lahana ay aqlabiyaddiisu ka danaysateen, haddana raxmadda Ilaahay lagama quustee waxaa jirta rajo iyo is-maamul goboleed lagu hiran karo oo mustaqbal leh,hadduu caqligu shaqeeyooo carqaladaha laga joojiyo.
Dadka gobolka Ogaden wuxuu maanta haystaa maamul goboleed u gaar ah.(Barlamaan iyo xukuumad) .Gobolku calan buu leeyahay, af somaaliga iyo diinta islaamaka ayaa lagu dhaqmaa, hawlaha dawladdana lagu maamulaa.
Sida wararku nagu soo gaarayaan, mashaariic kala duwan ayaa gobollada qaarkood ka socda,sida mashruuca Godey ee houmarinta beeraha, Jaamacad weyn iyo garoon dayaaradeed oo casri ah ayaa markii ugu horreysay laga furay magaala madaxda Jigjiga, Dugsiyada waxbarashada degmo walba way ka furan yihiin.Jid dheer oo isku xidhaya dalka laga billaabo Jigjiga illaa Feer-Feer ayaa sameyntisa la billaabay, Isgaadhsiinta xagga taleefonada iyo dayaaradaha ayaa xawli ku socoda.oo maanta ay suuragal noqotay in lala xiriiro la isagana goosho degmooyinka gobollada badankood. Kumanyaal soomaali ah ayaa shaqo iyo meheredo kala duwan ka helay oo maanta ku filaaday masaariifta qoysaskooda.
Marka la barbar dhigo duruufaha ka aloosan aagaggaa aanu dariska nahay, waxaan haysanaa wax la taaban karo oo billow fiican ah oo Ilahay lagu mahadiyo.Waa wax aan weligeed horey loo helin,laguna riyoonin xilliyadii talisyadii hore ee Ethiopia.Waxaa haddaba loo baahan yahay in maamul goboleedkan dhinacyada laga istaago laguna dadaalo sidii loo dhammeystiri lahaa dhismahiisa iyo sare u qaadidda tayadiisa.
Hadafkii iyo xorriyaddii 100 sano loo soo halgamayay lama wada helin.Lakiin unug dawladeed ayaa jira.Haddii muwafaqo,midnimo iyo mintitnimo lala yimaado yolkii la tiigsanayay haddii Ebe idmo waa la gaadhi. Sida la wada ogyahay maamulka deegaanka waxaa gacanta ku haya dad heerkooda aqooneed iyo waaya-ragnimo aad u hooseeyo, taasoo keentaay maamul xumo, musuq-maasuq iyo kala daadsanaa badan, waase dhibaato ay la wadaagaan dalalka soo koraya oo idil, gaar ahaan kuwa Afrika oo hadda nus-qarni ku dhawaad haysta madaxbannaani, haddana waa kuwa dhallinyaradoodii ay maalin walba ku halaagmayaan badaha iyo lama degaanka Sahara, ayagoo ka cararaya faqri, maamul xumo, caddaald darro iyo horumar la'aan i.w.m.
Gobolkeena dadkiisii waxgaradka aha intiisii badnayd dibedduu ku sugan yahay, inta ay dagaalladan iyo qulquladahan socdaana cidina diyaar uma aha in ay dalka ku soo noqoto oo nafteeda halis galiso.Sidaas darteed waa in loo wada guntadaa sidii caqabadan meesha looga saari lahaa, sidii xabbadda iyo dagaalka dalka looga joojin lahaa. Markaas ayey suuragal noqon lahayd in dadka gobolka u dhashay ee dunida dacalladeeda ku firirsan ee aqoonta iyo awoodda dhaqaale leh ay dib u soo noqdaan,dhismaha iyo horumarinta dalkooda hooyana ka qayb galaan.
Markaas ayey bulshadu u istaagi lahayd ka qayb galka siyaasadda degaanka iyo sidii loo dhammeystiri lahaa xuquuqda iyo arrimaha weli qabyada ah ee naga maqan, ayadoo la adeegsanayo laguna andocoonayo dastuurka iyo qaanuunka dalka Ethiopia u degsan.
Haddii midnimada iyo ammaanka gobolka la sugo oo tallabadan lagu guuleysto,masuuliyiintii hawshaas qaban lahayd ee dawladda dhexe la xisaabtami lahaydna la helo, waxaa xaqiiqa ah in houmar deg-deg ah la gaadhi lahaa, in wax badan oo maanta khaldan la sixi lahaa, in markaas masiirka gobolku waji kale yeelan lahaa.
Dawladda Ethiopia hadday ayadu doonayso deganaasho, horumar iyo nabad waarta waxaa la gudboon in ay dhawrto sharciga dalkeeda u dagsan, gaar ahaan kan qowmiyadaha iyo xuquuqda ay leeyihiin.
Dad xaqiisa iyo aayihiisa si nabad ah u raadsanaya oon xabbad iyo qori toona isticmaalaynin in lagu xadgudbo oo meel looga dhaco waa arrin aad u adag oo bulshada caalamku aanay oggolaan karin.
Gabo-gabo
Waxaa la soo gaadhay gaba-gabadii maqaalka iyo waqtigii dooda iyo talo bixinta.
Doodan waxay u furan tahay wax-garadka, gobolka u dhashay meeshay doonaan ha joogeene ee diidan ama dhalliilsan habka ay wax u socdaan ha ahaato dagaalka Onlf ka wado dalka ama maamulka hadda ka jira gobolka. Qof walba waxaa u furan talada uu is-leeyahay waa looga bixi karaa dhibka maanta na haysta iyo sida ugu habboon ee loo wajihi karo.Waa arrin la xiriirta masiirka iyo mustaqbalka ummdda gobolkeena ee yaan loo kala hadhin shaqadan.
Haddii madaxda Onlf aan loo sheegin waxa ay ku khaldan yihiin oo indhaha laga fiirsado soo dambiga si dadban loola qaybsan maayo, sidoo kale masuuliyiinta Killilka soo ma aha in lala xisaabtamo oo dhalliishooda loo sheego wixii talo ah ama toosin ahna lagu biiriyo.Sidaas ayey wax noogu hagaagi karaan, hormarna lagu gaadhi karnaa.
Dhalliilahan ma aha kuwo aan wax ku duminayo ee waa kuwo aan doonayo in ay wax noogu dhismaan, waa isu xog -warran, run isu sheegid iyo is baraarujin si aynu isu daba-qabano, dadkeenana u badbaadino.
Waxaan ka soo sheekeeyay waxyaabo badan oon goob-joog ka ahaa(1991-1994) iyo wixii ka dambeeyay oon si joogta ah ula socday, qoraallo dhawr ahna ka sameeyay.Waxaan ahay muwaadin gobolka u dhashay, xaq baan u leeyahay in aan ra'yigayga si madax bannaan u cabbiro,meesha maslaxadda dadkayga ku jirtana tilmaamo, anigoon qofna uga haybaysanin ama ka baqin in la igu tilmaamo daboqoodhi iyo wax la mid ah.Waxaan ku dadaalay in aan si daacad ah u cabbiro dareenkayga, aragtidayda, soo gudbiyo xogta iyo macluumaadka aan hayo, wixii talo ahna aan dadka la qaybsado.
Masuuliyiinta Onlf iyo ciddii kaloo aan igu waafaqsanayn dhalliilahan maqaalka ku xusan waxay xaq u leeyihiin in ay jawaab ka bixiyaan, ayagoon caytamin cidna aflagaadaynin.Ciddii doonaysa in ay doodan ka qayb gashana arrimahaas ha ka fogaadaan.Inta ayagu igu waafaqsan arrimahan ku xusan maqaalkan aan ku dheeraday iyo dhalliilha badan ee aan ururka Onlf, gaar ahaan madaxdiisa u soo jeediyay, si geesinimo leh ha u muujiyaan mowqifkooda, talooyinka loo baahan yahayna ha soo jeediyaan.
Mar haddaan sheegnay dhibaaooyinka faraha badan iyo sababaha ugu wacan, waxaan markan loo baahan yahay in la raadiyo sidii looga bixi lahaa, xalka ugu habbbona loogu raadin lahaa.
Haddaba si marxaladdan adag looga gudbo, waxaan laga fursan doonin in talada dadka ay khuseyso wax laga siiyo.Sidaas darteed waxay ila tahay soona jeedin lahaa:
-In xubnaha fir-fircoon iyo hawl-wadeennada ururka onlf ee daacaadda ahi ee dadkooda u naxaya ay odayaasha maanta ururka hoggaamiya rurnta u sheegaan taasoo ah in dhabbaha ay hayaan uusan meelna gaarsiinaynin oo kol dhaw soo xidhmi doono.
- In aysan naftoodada, magacooda, mustaqbalkooda iyo kan dadkoodaba ku ciyaarin, khatarta maanta jirta mid ka weyna galinin.
- In ay talada dadweynaha dib ugu soo celiyaan.Waa la khaldami karaa oo aadana la yahay, qiimeyn xuna waa la sameyn karaa, laakiin waxaan la aqbali karin in kahaldka iyo qiimeyntaas gurracna ee qar-iska tuurka ah mabda laga dhigto,xaqiiqadana indhaha laga qarsado.
Waxaa marka lagama maarmaan noqonaya aniga aragtidayda In sida ugu dhaqso badan shirweyne loo dhan yahay la qabto, loo dhan yahay markaan leehay waxaan ula jeeda in dadka degaanka somali galbeed oo dhan ka wada muuqdaan.Shirkaasoo lagu casuumayo jaaliyadaha dibedda jooga , ayadoo kahor la magacaabayo guddi farsamo oo diyaariya ajendada shirka, barnaamijka, waqtiga uu dhacayo iyo meesha lagu qabanayo.
Munaasabadaas waxay dadka u saamixi lahayd in ay kulmaan, ka doodaan qaddiyadda gobolka iyo dhibaatooyinka faraha badan ee maanta halkaas ka aloosan, xaaladdana lagu soo celiyo marinkeedii hore ee sida aan laga fiirsanin looga leexiyay 1992.(Shirkii Garbo). kadibna lagu dhaqaaqo dejinta siyaaso cusub oo ka tarjumaysa xaqiiqada dhabta ah ee gobolkeena.
Haddaba jaaliyadaha dibedda ku sugan ayagoo isku duuban ha u istaagaan siduu shirkaas u qabsoomi lahaa waa masiirka ummadd ee yaan la fududaysanin.
Masuuliyiinta Onlf waxaan u soo jeedin lahaa taladan odaynimo oo ah: Haddaad horey fursado badan u lumiseen, khaladaad badan oo cawaaqib xun reebayna aad gasheen, ku dadaala sidaad maanta isu dabo qaban lahaydeen.Weli warqado aan sidaas u badnayn baa gacantiina ku harsan ee sida fiican ee maslaxadu ku jirto u isticmaala.(Better late than never).
Sidoo kale, madaxda Killilka waxaan kula talin lahaa in ay dulqaad, kaadsiinyo iyo xilkasnimo dheeri ah la yimaadaan.Ayagaa dadka madax u ah,ayagaa laga rabaa in ay dhawraan xuquuqda qofka muwaadinka ah, ayagaa laga sugayaa in ay cadaald iyo garsoor dhab ah dalka ka hirgeliyaan .Adeegyada bulshadu u baahan tahay iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ay xoogga saaraan. Sidaas ayaa lagu kasbi karaa kalsoonida dadweynaha.
Xal ma aha in Odayaal bulshada dhexdeeda magaca iyo maqaamba ku leh xorriyada laga qaado xabsiyadana loo dhaadhiciyo. Aarrintani waxy keeni kartaa kala fogaanshaha dawladda iyo dadweynaha. shaki iyo niyo jabna ku abuuri kara dadka nidaamka iyo dawled goboleedka ayidsan, mana aha wax u adeegaya in dalka nabad lagu soo dabbaalo.Dawlddu xaq bay u leedahay in ay mujtamaca ka qabato wixii amniga iyo xasiloonida dalka wax-yeellaynaya,waa waajibka koobaad ee dawladaha dunida oo dhan.Laakin waa in ay huban tahay in qofku damigaas galay.Waa in madaxda killilku ku dadaalaan in aan meel looga dhicin qofka muwaadinka sharaftiisa iyo karaamadiisa.
Ambasador Cali Cabdi Gurxan
|