Galabtii dambe, ayuu geellii u xero oodday, Isla habeenkaa laftiisa ayaa roob Mahiigaan ahi ku yuurursaday, Subaxdiina dambana Mayey ku soo ragaadiyey.
Lidhbadu markii ay soo booddey, ayaa uu geellii inta uu caano ka maallay buuxsinka ka leexiyey oo walaalkii Rooble, oo gacan-yare u ahaa, ku yidhi; "Walaal go'yaashaan soo engejinayaaye geella sii hagaaji", hal cabbaar ah ka dib buu geellii ka daba tegey, waxaannu ku gaadhay isaga oo kob ay caleentu heedowday geed gaabkuna hawray geellu ku xasilay, Cosobka meesha geellu daaqayey ku yiilay ka sokow, roobkuna xalay mirrey xarreediisii baa gal iyo gelgelin gallac lahayd.
Geella markii uu dhex yimid ayaa isaga oo niyad sammaan iyo niyaayir la masloolsan, ayuu dundumo dheer dhallada uga baxay, oo goonyahana jeeddaalo isha ku qacsiiyey, Inkasta oo uu burkaba bahal ka filleyn, waxaa la yaab ku noqotay innuu bidhaan meel dheer ka arko.
Waxa uu isha la raacaba, waxa ay marna kayni qarisaba, bidhaantii baa soo dhawaatay, waxayna noqotay Gabadh gashaanti ah oo bilic iyo quruxba Eebbe ku mannaystay, Dundumadii inta uu deg-deg uga degay, buu xaggeedii u dhaqaaqay si uu illaaq iyo haasaawe hal muddo ah nafta uga soo maddaaliyo.
Waa lagu salaamay iyo waa laga qaaday markii ay iswaydaarsadeen, hal cabbaar ahna jikaar iyo illaaq iskala soo horjeesteen ayey in ay Maydhax doon tahay u sheegtay oo ku tidhi, "Waar dundumada abboor baa iska lehe kaalay oo geedkan laamo Maydhax leh nooga soo goo".
Gabadhu waxay degta ku siddatay Guddin, Garrayska xaggiisa dambana waxa ugu jiray Mindi, "Oo ma ruuxaagan hawdka ciddalada ah keligeed marraysaa ciiddan u baahan, waad is-hubtaaye", Shaqalle baa inta uu warranka jufadiisa dhulka ku xardhay Gabadhii Shaqlan ku yidhi "Waar hal diiddeysaa geed ay ku xoqato ma weydee, ma kaalmada lagu weydiistaad ka doodaysaa?", Shaqalle baa intuu dhoosha ka qoslay yidhi "Hawl ka dooddis iyada reeb, oo bal geedka aad soo sahansatay addaa garranayee innagu toosi", Waa hagaage inna keen inta ay tidhi ayey dhinaca iyo Koonfur Galbeed u dhaqaaqisay.
Shaqlan waxa ay ahayd labaatan jir hilib iyo hannaan dumarnimo Eebbe u dhammeeyey, dhexdu waxay ahayd qabatin, jooggeeduna meel dhexaad-dherer raacsan, timaheedu subaxdaa si la yaab leh ayey u soo gedofeysay, waxa aad mooddeysay Faras sunaari ah sayntii intaasba waxa ka sii darnaa, miyirka iyo habsamida ay tallaabada u miisaameysay.
Geedkii inta uu iska lulay ayaa uu hoos u soo eegay, oo yidhi "Keen Gudinta oo addaa garranayee laamaha maydhaxda suuban ii tilmaam". Gudinta markii ay u soo fidisay ayaa uu naas gigtiran oo caarrada hore sida maska gordani, Garraska dacalkiisa laydh qabowi ka yara fayday, milicsi dheer uu galay ka dib, ayaa isaga oo milicsanaya arragtay, inta ay waxoogaa yara sheexday, ayey indhaha hoos u rogtey dabadeedna dhinac isu-barbarisey, Jidhiidhico ayaa Shaqlan tin iyo cidhib wadda roortay, inkasta oo uu garraacii bilaabay, waxaa uu intaas il- qoodheedka xubin-xubin uga dheehanayey hilibka dhammeyska tirran ee Eebbe hibada gaarka ah u siiyey.
Wejigeeda suubban, Suuniyaasha gayr-gayran ee indhaha korkooda ku safan ee haddana cad-cad iyo cirridka sugulka ah ee saldhigooda ku seeman baa dhammaantoodabaa Shaqalle si weyn jidhkiisa u wadda saaqay.
Laan-gooyntii markii uu dhammeeyey ayaa uu geedkii ka soo degay oo inta uu Gudinta gammaankeedii ku fadhiistay jalbeeb haasaawe bilaabay, Shaqlan intay kolkiiba Mindideedii la soo baxday bay bilowday Maydhax diirashadii iyada oo aan Haasaawihii iyo hab-maamuus raggana ka tegin.
Waxay haasaawaha tallaal-xiyaanba, cadceedu markii ay dhinaca galbeed u hoggaansatay, ayey kala dheelmasho dheer iyo ciyaar-gud habeenkaas ah ku kala guddoonsadeen.
Shaqalle waxa ku tibaday kobtii uu Geella kaga yimid, Jidka intii uu sii socday oo dhan waxaa uu ku hiyi faalloonayey quruxdii iyo heemaalkii ay Shaqlan lahayd, Saxansaxadii Jaceylka durba saaqay, waxa ay halmaansiiyey geed uu caanaha qotonka ah ku oggaa, meeshii uu ahaa, waxaana weydaartay in weyn oo uu tabayey.
Mar dambe ayuu is-garwaaqsaday isaga oo arladii caanuhu yiilleenba ka tegay, Kolkaas buu dib isu soo rogey, Hadhuubkii inta uu labada dhabban qabsaday ayuu cantuugo qab ka siiyey, Hase yeeshee intii aannu liqin bay Shaqlan hor timid, cabbaar markii caanihii kabo-qubleeyey ayaa illeen waa nin ay hawl geel ururis iyo abbaabul ciyaar-gud-sugaayaane uu fadhigii ka boodday, oo Geellii meeshii ay bidhaantiisu uga muuqatay ku toosay.
Fallaadhihii qoraxdu intii aannay si fiican u gadminba, Geelli buu habeenkaas xerada ku soo shubay " Waar geella waa tii awelba la mayrici jiraye, maxaa caawa jirra oo xerada loogu amuugayaa?", Rooble baa Shaqale weydiiyey. "Waar immika ha nala tirsan ee Geella nirgaha ka xarree, waa ninkan yar..). shaqalle baa isaga oo haddalka wiilka ka yar diiddan ayaa Walaalkii sidaas ku yidhi;
Geellii inta uu markiiba fiid-dadbay ayuu barbaartii golayaasha ku caweyneysey urursaday oo ciyaar-gud u ambobaxay, Waxa la sii guurrayaba, hoobayna la sii qaaddaba, caweysin dambaa gurigii ay Shaqlan u tilmaantay dulleedkiisii la naf la caarrid lagu gaadhay, waxay dulleedka guriga ka maqleen Sacab laga dul-qabsaday gurigii Shaqlan ku noolaynd.
In yar markii ay haloosiyeen ayey Shaqlan oo hu'geedii u dhan yahay laba hablood oo kalena harreeraha kaga jirraan golihii ciyaar-gudka is-keentey, Waxa habeenkaas oo dhan Siddida lahayaba waa' soo dhawaadkiibaa daal iyo gataati dhac lala kala barriidsaday, Shaqlan iyadu guul iyo ammaanbay maddashii kala hoyatay intii ay dhalinyaradu jidhka sii socdeen oo dhan faalladeeda ayey ku jirreen. "Waar miyaanay wadno lahayn?" "Waar ma daasho ayey ahayd, Alleylahe nin calfaday baa cawo iyo ayaan leh….!.".
Faallooyinkaas oo dhammi waxa ay faallo kalgacayl ah ku gannayeen wadnihii Shaqalle ee awelba Shaqlan ku oognaa, Dhacdooyinkaas oo dhammi waxa ay dhacayaan xilli uu shaqalle ka soo toosay ama ka soo barraarugey Riyo uu la baxaa-degayey muddo hal caano-maal ah.
Anfariir iyo surrucaad ba'an ka dib, wuxuu ciil-kaambiyey barashadii uu bartay Gabadhii Shaqlan la odhan jirray, taas oo markii dambe noloshiisa ku noqotay laf dhuun gashay, Qoommamo iyo ciilna farrabadana uu ka kasbaday.