Waxaa muuqata in aan lagadnay raggii aan is haynay; waayo xagga siyaasadda kursigii (wax laga soo marayba) annagaa hadda salmuggi ugu fadhina. Xagga millatarigana dalka intii sannadahaan baratanku ka socday badankiisa annagaa gacanta ku dhignay.
Xagga mabaadi’dana waa taa shacabkii na dhaafay oo uu laftayada naga dalbanayo inaan shareecada ku dhaqno, raggii aan is haynay-na waa kuwaas bisinka iyo shareecada ku wardiyaya.
Nin wariye ah oo faallo ka bixiyay hadalkii uu R/wasaare Cumar C. Rashid jeediyay ayaa tilmaamay inaanu hadalkiisa kusoo darin qodobo xiriir la leh shareecada islaamka iyo dhaqan galinteeda, taasoo ka dhigneyd in hadalkiisu uu san la socon waaqica Soomaaliya ka abuurmay. Ragga faaqida arrimaha Soomaaliyana afka kama qaadaan inaan islaamiyiinta looga maarmin talada dalka haddii la rabo in la xasiliyo.
Dhinaca xiriirka dibadda ragga aan is haynay wixii ku adkaada waxay la aadi jireen Itoobiya, wax uun xan isku qarsi ahna waa kala dhexayn jireen. Haddii aan meeshii soo galnay cidla ma aannaan taagnaan karine horta Ereteria waa keenay. Itoobiya lafteeda uga ma aannaan harine aakhirkii waa annaga ka soo dhacsanay oo odaygii 30ka sano xogta iyo xurquunkuba ka dhexeeyeen ka qaadanay, waliba nimankii Melese, Mesfin iyo Gabre ahaana la shaahaynay!.
Waxaa kaloo aan la inkiri karin in aan beeshii caalamka ee nala ku xuuxin jiray is horfariisanay oo is fahanay, iyadoon cidna nooga turjumayn. Tan kale dunidaan cidna daacad isuma ahee nin walba wuxuu ku celceliyaa hadalo uu ku nabadgali karo, xoogaana nimanka kaga qaato, dee annaguna afka ma li’ine xagjir iyo nabad-diid sheegsheegnay, in wax laga qabanayana ku dhawaaqnay. Dawladaha dariska laftooda inaan xiriir wacan la yeelanayno oo aan dalkayaga looga duulayn caddaynay, wuxuna intaasayba ahaayeen.
Guulahaas kama dambays ma yihiin?
Haddaba waxaa is weydiin leh guulahaas aynu ka soo waranay ma yihiin kama dambays mise tabcaa nala la maagan yahay?.
Waxaa jira muuqaalo tusaya in aan waxyaabahaani guulo ahayn iyo hadday yihiinba inaysan kama dambays ahayn ee dabin naloo ka tillaabsaday, waxaana ka mid ah:
1. Horta raggii aan is haynay iyagoo isku duuban ayay wax nagu darsadeen. R/wasaare Nuur Cadde wuxuu ku guulaystay inuu wixii eed ahaa oo dhan dusha u saaro madaxweyne C/laahi iyo guddoomiye Max’ed dheere kaliya, uuna la shiryimaado raggiisii oo dhan oo wada ceeb ka saliin ah!. Halka annagoo raggayagii bar iyo buro ka soo tagnay aan golihii nimid. Malaha madaxweyne Shariif asna inuu labo nin madaxfurasho ka dhigo ayay ahayd oo uu argagixisanimadoo dhan kaligood dusha u saaro, raggiisa kalena uu isku wato, inkastoo ay dhici karto inta uu ka tagay in ka yar inaysan kafaaragud noqon Karin!.
2. Raggayagii waxay u qaybsameen jabhado ragga dagaal wax kula qaybsada iyo siyaasiyiin cadkooda miiska ku goosta. Ragga aan dalka isku hayno qaybsankaan horay bay u soo mareen, walina waa la ildaran yihiin, annagase hadday noo kow tahay. Waxaase guul ah in aan iyaga waaya-argnimadoodii hayno oo aanaan xabbad hadda isku la qamaamayn.
Intaysan dhicin xukuumaddii Max’ed Siyaad ayay samaysantay kooxdii Manafesto hortoodna waxaa duurka ku jiray jabhadihii mucaaradka ahaa oo markii dambe xagga woqooyiga looga baxshay (maanaqaaxo). Labada kooxood waxay isku raacsanaayeen mucaaradada xukuumadda, waxayse isku maandhaafsanaayeen cidda talin doonta. Manafesto waxay u badnayd odayaashii siyaasiyiinta ahaa oo isu arkayey inay hoggaanka iyagu mudan yihiin. Waxaa markii dambe horjooge u noqday Cali Mahdi Max’ed.
Maanaqaaxo waxaa saldhig u ahaa saraakiil ciidan iyo rag kaloo jabhadnimada ku soo caanbaxay oo is lahaa dalka askar baa ka talisa, kaalintoodana askar kalaa buuxin karta. Waxaa intaa u dheeraa iyagoo isu arkayay inay usoo halgameen kursiga. Waxaa markii dambe iyagana horjooge u ahaa Max’ed Faarax Caydiid, malaha C/laahi Yuusuf-na waa sii dhaxlay.
Haddaba ma laga yaabaa in raggii aan dalka isku haynay doonayaan in ay isku jabiyaan awooddayada ciidan iyo awooddayada siyaasadeed maadaama aan loolankii uga adkaanay. Sidii ay horay isugu jabeen Manafesto iyo Maanaqaaxo markay guulaysteen kadib?. Mase laga yaabaa in Nuur cadde iyo saaxiibadi noo dhigeen irmaan (kataan) labo afley ah oo haddii aan isku dhammaanana ay dhib yari nagu dhaxlaan, haddii aanaan is dilina ay axdi qarameedka iyo codka baarlamaanka nagu jabiyaan?, iyagoo waliba cadaadis dibadda ahna noo kaashanaya.
3. Raggii aan is haynay markay u caddaatay inaysan sii jiri karin oo ay kala tagayaan ama isugu baaba’ayaan Manafesto iyo Maanaqaaxo ama muqaawamadu kala fiijinayso (markay intaas u caddatay) ma laga yaabaa si ay u badbaadaan inay ku tashadeen inay hal dhagax dhawr shimbirood ku wada dilaan oo ay wax noogu darsadeen: inay iyagu ku kala badbaadaan, annagana nagu kala jabiyaan, dalku inuu si buuxda gacanta noogu galana ay uga hortagayaan, haddii wax noo hirgalaana ay noola yeeshaan ama nooga carqaladayn karaan iyo inay ceebtoodii nooga xuubsiibtaan?.
4. Kolley haddii rag is hayo in booraan la isu qodo iyo in dabino qarsoon la isu dhigo intuba la yaab ma aha ee waxaa la yaab ah in nin weyn oo indhihiisu shan yihiin la dago. Tan kale haddee annaguba rag baan nahayoo xargo la’aan noqon mayno, waase ninkii siriqda ku hordhaca.
5. Dhan kale ma moodaa in annaga nala dabay oo dabinkii si dhib yar naloo ku riday marka la eego sida aan wixii la isku hayay (mabaadi’dii iyo siyaasadihii) oo dhan raggii ugu raacnay. Tusaale ahaan:
· Bisin afka ah oo ay awalba qabsan jireen ayay noogu dheeraysteen Axdigii Imbaghaati-na way nagu dhaariyeen.
· Qabyaaladdii ay waligood soo wadeena (iska daa ayadiiye) halbeegyadeedii ayaan qaadanay.
· Raggu awalba tol bay ahaayeene waxyaabaha aan farta ugu fiiqaynay waxaa ka mid ahaa xiriir hoosaadka Itoobiya, isagiina ugu yaraan inaan ula simanay baad moodaa, in kastoo aan wali nala ka maqal walaalahayo Itoobiya iyo salaam 114 Qur’aanka ah oo aan Zenaawi ka keenay midna!.
· Raggii aan is haynay, eedaha waaweyn ee ay galeen waxaa ka mid ahaa inay ciidamo shisheeye dadkii iyo dalkii ku banasyteen, annaguna wali afkaan ka dhawraynaa inaan loo baahnayn, inay nabada noo sugaan in aan hunguri ka qabnana waa suure!.
· Doonista beesha caalamka iyo la dagaalanka argagixisada ayaa iyana ahaa iimo kale oo aan nimanka ku takoori jirnay, iyagiina afka ka dhawran kari weynay. Ma idin la tahay say u oran jireen iyo saan annagu u dhahayno inay kala duwan tahay ama sababta ku kalliftay iyo tan annaga nagu kalliftay kala duwan tahay?. Waa wax qalbi ku jiroo Allaah kaliyaa og, waxaanse la maaganahay in aanaan dabinkoodana ku dhicin, daro adagna aan ku dhufano ee soo duceeya!.
7. Dhinac kale marka laga eego muddo dheer baan kursiga u soo gaatamaynay, maalintii ay noo bururuf tirina gaalo iyo gaaloraac baa naga dalfiyay. Haddaba ragga (Nuur cadde iyo Axmed C/salaam) mar kale noo faragoday oo qayga cagaha noo soo galiyay soo abaal nagu ma laha?, mase iyagaa laftoodu saaxiibadood (maanaqaaxo) khaati ka taagnaa oo inaan la lagadnay danaynayeen, si kastaba ha ahaatee ugu yaraan waa isku meelgaarnaye ma laga yaabaa maadaama labadii Qunyarsocod (kooxda Nuur iyo tan Shariif) is garabsadeen in labada Qunweynsocod-na (muqaawamada iyo maanaqaaxo) iskaashadaan?.
7. Haddiise ay sidaa u sahlan tahay in raggii muddada dheer is hayay sidaa isugu yimaadaan maxaa diidaya in si daacad ah oo dhab ah looga wada hadlo waxa ina wada midayn kara. Dadku isku qabiil uma wada dhalan, hal gobolna kama wada imaan, hal waddana wax kuma soo wada baran, hal takhasus oo mideeyana ma jiro; sidaa darteed sow ma habboona in laga wada baaraandago waxa isu wada keeni kara oo ay wada aaminsan yihiin oo qofka miyi jooga iyo kan magaalo jooga ka dhexayn kara.
8. Maxaase mararka qaar utunta qof ahaaneed u qarisaa in la arko masaalixda guud ee lagu midasysan yahay iyo in loo tanaasulo danta diinta, dadka iyo dalkaba?.
Marka laysku soo duubo, haasaawahaani wuxuu farta ku fiiqiyaa xaajooyin badan oo garnaqsi u baahan, si aan kaftan ahayna laysula gorfeeyo, aaniguse waxaan uga jeedaa in aan biyaha fadhiya dhagax ku dhufto oo isu aamuska iyo hoos ka guuxa lagu badalo wada xaajaysi dhab ah oo qoto dheer; si la isu la gaaro xal joogto ah oo qanaaco ku dhisan.
Axmed C/samad
mailto:halwaqaar@hotmail.com