Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
MAXAAD KA OG TAHAY BADA SOOMAALIDA KHATARTA KU SOO WAJAHAN

















  • CILMI-BAARIS | SOMALITALK.COM | February-April, 2009



Tusmo:



  • Furfuritaan
  • Hordhac
  • Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
  • Soomaaliya iyo Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
  • Xeer Lambar #37/1972 - Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida
  • Dhaqan Galkii Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
  • Guddiga Loo Xilsaaray Xadaynta Badaha Adduunka
  • Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha
  • Dalalka Xogta u Gudbiyey Guddiga Xadaynta Badaha
  • Sanduuqa Taageerada Lacageed ee Xadaynta Badaha
  • Soomaalida, Xeerka Cusub iyo Waqtiga Kama Dambaysta ah
  • Yaa la wareegaya, Maxaase Muranka Keeni Doona?
  • Jihooyinka Adduunka iyo Xadaynta Badaha
  • Xadka Badda ee u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen
  • Xadka Soomaaliya & Kenya: Aagga Raas Kambooni iyo Lamu
  • Kenya oo Calaamadsatay Dhul-Badeedka Soomaaliya
  • Gabagabo
  • Xaggee lagala xiriiri karaa Guddiga Xadaynta Badaha





Furfuritaan


Bismilaahi Raxmaani Raxiim


SomaliTalk: Marka ugu horaysa waxaan umahad celinaynaa Allaah oo noo fududeeyey inaan soo diyaarino warbixin ku saabsan Badda Soomaaliya. Waxaana ahmiyad noo leh in aan ummadda Soomaaliyeed usoo gudbino Warbixintan.


SomaliTalk.com: Waa Shabakad Warbaahin iyo xog aruurin isugu jirta, kana mid ah kuwa ugu da'da wayn Mareegaha Soomaalida. Waxayna aad isugu howshaa inay soo gudbiso Baaritaano, Faallooyin, Warbixin iyo Qormooyin, laxiriira Badaha iyo Bariga Soomaaliya, kuwaas oo u badan dhacdooyin horay u dhacay oo ay soo faagto iyo waxyaabo Mustaqbalka la qorshaynayo inay dhacaan oo ay soo bandhigto ama ka digto. Sida warbixintaan oo kale iyo dabcan wararkii iyo maqaalladii maalinlaha ahaa.


SomaliTalk markay diyaarisay warbixintaan waxay go’aan satay in ay si toos ah Masuuliyiinta Soomaalida ugu gudbiso, muhiimmadda warbixintan ay leedahay daraadeed. Kuma ay qancin inay Internetka oo kaliya ku daabacdo. Waxaan warbixintaan si toos ah ugu hagaa jinaynaa;



  • Ku: Dowladda Faderaalka Kumeel gaarka ah: Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha
  • Ku: Somaliland: Madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa
  • Ku: Puntland: Madaxwaynaha iyo Kuxigeenkiisa
  • Ku: Culimada, Isimada, Aqoonyahanka iyo Qofkasta oo Soomaali ah oo awooda inuu wax ka qabto.
  • Ka: SomaliTalk.com

Ujeedo: Warbixin


Waxaa socota inay Qarammada midoobay ka shaqaynaysay sidii Badaha Adduunka sharci loogu samayn lahaa, waxay qaadatay labaatan sanadood (1970-1994) in la dhaqan galiyey xeer oranaya: Waddan kasta wuxuu xaq u leeyahay (370 km) oo ka bilaabanaysa xeebta baddiisa inuu isagu leeyahay ku takri falkeeda. Xilligaas waxaa jirtay dowladdii Soomaaliya oo wax ka saxiixday.


Toban Sano kahor (1997-2009) ayaa mar kale Qarammada midoobay waxay isku howshay sidii sharci kale loo samayn lahaa, sharcigaas cusub oo ka dhigaya dowlad kasta inay xaq u leedahay (648 km) oo ah badda, lahaanshaha buuxa ee masaafadaas.


Sharcigaan danbe wuxuu kusoo aaday iyadoo dowladdii Soomaaliya burburtay, baddeediina ay noqotay bad caalami ah oo ka dhaxaysa ummadaha adduunka oo dhan. Qarammada middoobay waxay isku howshay inay dhaqaale iyo waqti dheer ay ku bixisay sidii sharcigaan loo meel marin lahaa, sharcigaan danbe ayaa wata shuruudo ad adag, sidaa daraadeed, adduunku wuxuu ku howlan yahay sidii ay usoo buuxin lahaayeen shuruudahaas. Shuruudahaas waxaa ka mid ah iyadoo la raacayo sharciyo iyo xeerar ay samaysay Qarammada middoobay, in wadankasta soo cabiro baddiisa, soona gudbiyo xogtaas ugu danbayn 13ka May 2009, wadankii aan xilligaas soo gudbin waxaa dhici karta in wadammada dariska la ah kusoo durkaan iyo in baddiisa lala wareego.


Sidaas daraadeed:


Waxaan ku dhiiri galinaynaa dhammaan dadka ay qusayso ee kor ku xusan inay qaadaan tallaabooyinkaan soo socda si deg deg ah;


1- In dhammaan Dowladda iyo maamullada kale ay magacaabaan guddi ama hay’ad u khaas ah arrintan si loo badbaaddiyo baddaha Soomaaliya, inta aan lagaarin muddada (May 13, 2009) Qarammada midoobay u qabatay wadammada badaha leh inay kusoo gudbiyaan cabirka cusub ee badahooda.


United Nations logo2- Inay xiriir deg deg ah lasameeyaan Guddiga Xadaynta Badaha (CLCS) kuna qanciyaan ama ka codsadaan laba arrimood, in muddada loo kor dhiyo, loogana dhigo waqti suura galin kara in xogtaas lagu soo uruuriyo, iyo inay siiyaan dhaqaalaha loogu tala galay wadammada soo koraya. Sida loola xiriiri karo iyo foomka dalbashada dhaqaalaha waxay ku xusan tahay warbixinta.


3- In haddii qodobka labaad suuroobi waayo ay Qarammada midoobay ka dalbadaan in loo hakiyo sharcigaas wadanka Soomaaliya ayna caddeeyaan inaysan aqoonsanayn xeerka cusub ee baddaha. Arrintaasna waa mid wadammada oo dhan xaq u leeyihiin sida ku cad warbixinta.


4- Inay isha ku hayaan wadammada badda lawadaaga Soomaaliya inay soo durkeen iyo in kale sida; Kenya, Yemen, Sychelles, Maldives iyo Hindiya, sidoo kalena ay lasocdaan xogta ay u soo gudbiyaan Qarammada midoobay oo cadaynaysa Joqoraafi ahaan baddooda. Waxaa soo ifbaxday xiligan aan Baarintaankan wadno in , Dowlada Kenya ay cabiratay qayb kamida Badda Soomaaliya ee xuduuda laleh, sida ku cad qoraal ay Kenya u gudbisay UN-ta Maarso 10, 2009 oo ay ku sheegatay Jasiirado iyo qayb wayn oo badda Soomaaliya leedahay ah, kuwaasoo u dhow Raaskanbooni, sida aan hoos ku arki doono.


5- SomaliTalk waxay ka digaysaa in aan cidina saxiixin xeerka cusub ee (Xadaynta) Badaha Soomaaliya haddii aysan Soomaaliya waddan ahaan buuxin shuruudaha laga rabo, gaar ahaan Dowladda Kumeelgaarka ah waxaan si gaar ah u xasuusinaynaa inaysan qaadin wadadii qaar kamid ah maamulladii ka horeeyey ay qaadeen, kaas oo ahaa inay saxiixaan arrimo culculus oo Soomaaliya ay ka dhaxli karto cawaaqibxumo iyo hagardaamo muddo dheer jirta. Sidoo kale waxaan ku baraarujinaynaa inay aad u dhuuxaan xeerkii hore ee baddaha Soomaaliya, kaasoo qorayey inay Qarammada midoobay Soomaaliya oo qura ay Dalalka Afrikada bari uga aqoonsanayd (370 km) halka Wadammada kalena loo aqoon sanaa (22km) xogtaas iyo kuwa kale oo farabadan waxay kuxusan yihiin warbixintan.


Ugu danbayntii Waxaan ka rajaynaynaa cidda ay warbixintaan sida tooska ah iyo si dadban ugu socoto inay u qaataan badbaadinta badda Soomaaliyeed sidii xaalad deg deg ah oo kale. Sidaa markaan leenahay waxaan niyadda ku haynaa inay horyaalaan dhammaan qaybaha aan soo xusnay howlo waa wayn oo is dul rasaysan, ayna ku mashquul san yihiin sidii ay u kala horaysiin lahayeen, gaar ahaan Dowladda Kumeel gaarka ah ee Cusub. Hadana taas macneheedu ma’ahan in la sugo haddii daad kugu soo socdo inta uu kaa qaadayo, dabcan waa in la iska moosaa.


Intaas haddaan kaga gudubno furfurashada, waxaan u gudbeynaa warbixinta oo tifatiran:


Hordhac:


Badda ku xeeran dhulka Soomaalida, oo dhererkeeda lagu qiyaaso 3333km - bilicda iyo quruxda ka sokow- waxay ka mid tahay badaha ay ku jiraan khayraadka ugu badan adduunka ee aan weli la daah-furin ama laga faa'iidaysan. Khayraadkaas waxaa ka mid ah kalluunka noocyadiisa kala duwan, oo haddii si wanaagsan looga faa'iidaysto kobcin kara dhaqaalaha Soomaalida, soona gelin kara lacag adag haddii si cilmiyaysan loo iib geeyo, oo shaqo u abuuri kara dadka ku dhaqan xeebaha ama xeeb-joogta.


badda Soomaalida
Khariidad muujineysa baaxadda badda ku xeeran dhulka Soomaalida. Isha Sawirka: GoogleEarth


Waxa kale oo khayraadka badda Soomaalida ka mid ah macdan kala duwan iyo shidaal aan weli si buuxda loo sahamin, laakiin lagu tuhmayo in ay dhex jiifaan badda ku xeeran dhulka Soomaalidu degto, khayraadkaas dabiiciga ah oo haddii la daah-furo dhulka Soomaalida ka dhigi kara dhul hodon ah.


Khayraadkaas - badankiis -  waxa uu qarka u saaran yahay in 13ka May 2009 laga wareejiyo mulkiyadda Soomaalida. Waxaa dhici karta badda ku xeeran dhulka Soomaalida in lagu wareejiyo "Kenya, Jabuuti, Ethiopia iyo Yemen"[1]. Sidoo kale waxaa dhici karta in badda Soomaalida ay la wareegto hay'ad hoos timaada Qarammada Midoobey si ay uga kirayso dalal kale oo ka baaran kara Macdan, Batrool iyo Gaas, isla markaana adeegsan kara khayraadka ku jira halkaas - ayadoo aan arrintaas Soomaalida laga talo gelin.


Akhristaha waxaa dhici karta in ay ku soo degdegto su'aasha ah: Sidee ku dhici kartaa in badda ku xeeran dhulka Soomaalida lagu wareejiyo Kenya, Jabuuti (in kasta oo Jabuuti aysan meel naga jirin), Ethiopia iyo Yemen ama in Qarammada Midoobey inta ay la wareegto ka kireyso dalal kale oo halkaas shidaal ka qota ama ka gurta kalluunka, sidaasna ay badda Soomaalida faraheeda uga wareegto?


Arrintaas si dadka loogu baraarujiyo, loogana hor tago, waa sababta ay Bahda SomaliTalk.com warbixintan iyo cilmi baaristan degdega ah isugu soo duba rideen. Gaar ahaan qoraalkani waxa uu ku jihaysan yahay shacabka Soomaalida iyo madaxdooda.[2]


Haddaba, si aan u fahamno arrinta warbixintani ku saabsan tahay iyo sidii looga hor tegi lahaa in badda dhulka Soomaalida lala wareego, waxaan marka hore si guud mar ah uga hadli doonaa halka ay arrintani salka ku hayso, cabbirka dhulka halista ugu jira in lala wareego, markii ay arrintani soo bilaabatay iyo sababta degdega ka dhigeysa in shacabka Soomaaliyeed aysan arrintan dhayalsan.


Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka


Xeer lagu dhaqo Badaha Adduunka in la sameeyo waxaa loo baahday kaddib markii la arkay in uusan shaqayn karin xeerkii badda ee lagu dhaqmi jirey laga soo bilaabo qarnigii 17aad ee ay sameeyeen Dutch-ka (Holland), kaas oo biyaha badda ee dal uu leeyahay ku xadidayey meel xeebta ka durugsan 3 nautical mile (5.6 km) oo keliya. Biyaha badda ee intaas ka baxsan waxay ahaan jireen kuwo aan cidna lahayn, oo aan cidna sheegan karin. FG: 1 nautical mile (nmi) = 1.852 kilometer (km).


Qarnigii 20aad ayaa dalal badan oo leh xeeb waxay muujiyey baahida ay u qabaan in la kordhiyo fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ee ay dalalkaasi xaqa u leeyihiin, si ay u yeeshaan macdanta, Batroolka iyo khayraadka dabiiciga ah, isla markaana u difaacdaan kalluunka, kana ilaaliyaan wasakhaynta ama dikhowga loo geysan karo ama in aan qashinka lagu duugin. Arrintaas baahideeda waxaa lagu aqoonsaday kulan sannadkii 1930kii lagu qabtay magaalada Hague (Holland), laakiin kulankaas waxba la iskuma raacin.


Ilaa sannadihii 1950-maadkii waxay Qarammada Midoobey isku dayeysay in ay dalalka adduunka ku qanciso in ay isku raacaan sharci loo sameeyo badda adduunka. Shir-weynihii ugu horeeyey ee Qarammada Midoobey ee sida rasmiga looga hadlay xeer loo saameeyo Badaha Adduunka waxaa magaalada Geneva (Switzerland) lagu qabtay 29kii April 1958, shirkaas oo hordhac u ahaa afar kulan oo lagu samaynayey Xeerka Badaha. Sannadihii 1970-naadkii ayaa la qabtay shir-weynihii saddexaad ee Qarammada Midoobey ee xeer u samaynta badda. Shir-weynahaas kaddib, toban (10) sano ayey qaadatay in la nidaamiyo xeerka badaha, ayadoo la tixgelinayo khayraadka dabiiciga ah ee badda ku jira iyo cidda yeelan doonta.

Shirweynihii Qarammada Midoobey ee 10kii December 1982 lagu qabtay magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica ayaa waxaa 117 dal saxiixeen sharciga Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka. Waxana uu Xeerkaasi si rasmi ah u dhaqan galay 16kii November 1994. Dalal badan ayaa xeerkaas saxiixay, kaddibna dhaqan geliyey. Laakiin sida aan arki doono waxaa jira dalal saxiixay balse aan weli dhaqan gelin, dalal diiddan qaybo ka mid ah xeerka badda iyo dalal aanba saxiixin. Waxaa Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka loo soo gaabiyaa UNCLOS (United Nations Convention of the Law of the Sea).[3]


Arrinta ugu weyn ee xilligaas (1994) uu Xeerka Badaha Adduunku wax ka bedeley waxay ahayd  in la kordhiyey fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ay leeyihiin dalalka xeebaha leh, taas oo ahaan jirtey 3 nmi waxaa laga dhigay meel xeebta ka durugsan ilaa 12 nmi (22 km), waxaana qaybtaas loo aqoonsaday in ay ka mid tahay dhulka dalka xeebta leh - eeg sawirka hoose - barta (TS). Islamarkaas fogaan xeebta ka durugsan ilaa 24nmi waxaa loo tixgeliyey in ay tahay aag la ollog ah dalka xeebta leh (CZ).


Waxaa kale oo dalalka xeebaha leh loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuqda gaarka ah ee kalluumaysiga iyo khayraadka badda ilaa meel xeebta dalkaas u jirta 200 nautical miles (370 km). Waxaa kale oo xeerkaasi xuquuq u siinayaa in dal kasta oo leh xeeb badda gudaha usii gashan uu gaar u lahaanayo xuquuqda batroolka, gaaska iyo khayraadka kale ee ku jira badda ilaa 200 nmi (370 km) meel ka durugsan biyaha xeebta dalkaas - toosna ugu beegan xeebta (macne weyn ayaa ku jira hadalka ah "toos ugu beegan xeebta").


Fogaanta badda ee xeebta ka durugsan ilaa 200 nmi (370 km) waxaa loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ), waana aag ganacsi ahaan ay khaas u adeegsan karaan dalalka leh xeebaha.


badaha adduunka
TS:  Territorial sea (ka tirsan Dhulka Dalka). CZ: Contiguous Zone (Aagga la olloga ah dalka).
EEZ: Economic Exclusive Zone (Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga). HS: High Sea (Bad weyn).
Continental Shelf (Qalfoofka Qaaradda - waa inta dhulka ah ee si toos badda u sii dhex gashan).
Sawir faahfaahsan oo ay samaysan Qarammada Midoobey Eeg halkan (www.un.org).


Sida aan warbixintan ku arki doono, waxaa jira qorshe hadda ka socda Qarammada Midoobey oo lagu doonayo in wax laga bedelo "Xeerka Badaha Adduunka", waxaa qorshuhu yahay in la kordhiyo fogaanta 200nmi oo laga dhigo ilaa 350 nmi (648 km) - Sidaas daraadeed waxaa la kordhinayaa waa Aagga Gaarka ee Ganacsiga ee EEZ.


LAAKIIN, waxaa shardi ah in dalalka leh xeebaha ugu dambayn 13ka May 2009 ay Qarammada Midoobey u gudbiyaan macluumaad iyo xog la xiriirta cabbirka rasmiga ah ee badda dalalkaas si loogu kordhiyo fogaanta. Haddii kale waxaa dhici doonta in dalkii aan waqtigaas ku soo gudbin xogta uu markaas waayi doono xuquuqda badda - wixii ka baxsan 200nmi - oo lagu wareejiyo dalal kale ama Hay'ad ay Qarammada Midoobey samaysay oo shirkado ama dalal kale ka sii kiraysa badda dalkaas aan macluumaadka ku soo gudbin waqtiga kama dambaysta ah ee kor ku xusan.


(Halkaas weeye dulucda warbixintani meesha ay ku saabsan tahay, waayo Soomaaliya uma muuqato in ay waqtigaas kugeyn karto macluumaadka iyo khariidadaha muujinaya xadka cusub ee badda Soomaaliyeed, horayna looma maqal maamul ka hadlaya ama codsaday deeqda Qarammada midoobay ugu tala gashay waddamada soo koraya sidii ay xogta badahooda u soo gudbin lahaayeen. Sidaas daraadeed badda Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay in dalal kale lagu wareejiyo!)



Xeerkii hore ee Badaha Adduunka: EEZ = 200nmi (374 km)
Xeerka Cusub ee Badaha Adduunka: EEZ = 350nmi (648 km)


Soomaaliya iyo Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka


Inta aynaan u gudbin Xeerka Cusub ee Badaha, aan dib u jalleecno waxyaabihii ay Soomaaliya ka tiri xeerkii hore ee badaha iyo sharciyadii ay ka soo saartay.


Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka ee UNCLOS waxa ay Soomaaliya saxiixday 10kii December 1982. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan gelisay 24kii July 1989. Waxaana, sida aan hoos ku arki doono, uu Xeerka Badaha Adduunku si rasmi ah Qarammada Midoobey uga dhaqan galay 16kii November 1994.


Laakiin, Soomaaliya waxay ku adkaysatay in 200 nmi (370 km) ee badda loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga ay ka mid tahay dhulka Soomaalida.[4]


Dalalka Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, markii ay heleen xorriyadda waxay dib u eegeen xeerarkii ay dejiyeen gumaystayaashii. Xeerarkaas dib loo eegay waxaa ka mid ahaa xeerka badaha oo xadaynayey in badaha dhulka dalalkaasi ay xaqa u leeyihiin ay tahay ilaa 3 nautical mile (5.6km) oo keliya. Haddaba, sannadkii 1963 ayaa dalalka Madagascar iyo Tanzania waxa ay  fogaantii badda (ballaca) ka mid ah dhulkooda ee ahayd 3 nmi ay ka dhigeen 12 nmi (22km). Halka dalalka Kenya, Mauritius iyo Seychelles ay ballacii 3nmi ee badahooda ka dhigeen 12 nmi, sanadihii 1969, 1970 iyo 1972 siday u kala horeeyaan.


Laakiin, Soomaaliya taas waa ka duwanayd. Sannadkii 1967 ayaa Soomaaliya waxay fogaantii 12nmi ee badda dalku leeyahay ka dhigtay 200 nmi (370.4km). Sida aan hoos ku arki doono, dawladdii Soomaaliya waxay sharci rasmi ah oo arrintaas jidaynayay ka soo saartay sannadkii 1972  - Taas macnaheedu waa in Soomaaliya aysan aqoonsanayn Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ), balse aaggaas ay u aqoonsan tahay in uu ka mid yahay dhulka Soomaalida (TS). Soomaaliya aragtideedu waxay ahayd in ay ka faa'iidaysan karto baddeeda haddii ay kordhiso badda ay xaqa u leedahay - arrintaas buugaag badan ayaa laga qoray.[5]


Dawladdii Soomaaliya oo ka hadleysey qeexidda Aagga Ganacsiga ee loo yaqaan EEZ iyo sida ay u aragto waxay tiri "Habka ugu macquulsan ee ay tahay in lagu magacaabo aagga badda ee qaranka waa in la yiraahdo badda ka tirsan dhulka dalkaas, halkii laga oran lahaa Badda Ganacsiga ee Gaarka u ah dalkaas. Dalalka soo koraya dantooda waxaa loo adeegi karaa marka badda dalalkaas ay ahaato fogaan ku xadaysan 200 nmi. Waa in aysan fikir ahaan noqon Badda Gaarka ah ee Ganacsiga, balse hab firkir ahaan waa in ay noqoto bad ka tirsan dhulka dalalkaas".


Dawladdii Soomaaliya waxay si QEEXAN u sheegatay in ay mulki ahaan u leedahay badda laga bilaabo xeebta ilaa 370km oo toos ugu beegan xeebta. Waxayna sheegtay in baddaas ay mari karaan oo keliya maraakiibta dalalka ay aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Waxaana khasab ku ahayd maraakiibta shisheeye in ay marka hore ogolaansho ka helaan Soomaaliya ka hor inta aysan halkaas marin.



Khariidad muujineysa cabiradii xadka badda Soomaaliya. Isha: Buugga V.L.Forbes
Bedka badda Soomaaliya ay xilligaas sheegatay waxaa lagu qiyaasay 782,800 sq. km
Laakiin marka la isticmaalo Computer dhul-badeedka Soomaaliya waa 825,052 km˛



Xeer Lambar #37/1972 - Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida


Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadan:




  • Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.
  • Qodobka 2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa xeebaha Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta).
  • Qodobka 6aad: Kalluumaysiga Badda Dhulka Soomaalida iyo u kala gooshinta xamuulka iyo dadka ee dekedaha Soomaaliya waxay khaas u tahay maraakiibta sita Calanka Soomaalida iyo markiibta u haysta fasax/sharci. Haddii taas lagu xad gudbo marka hore waxaa markabka la ganaaxayaa 5,000 ilaa 10,000 Sh.So. (oo xilligaas u dhigantey $700 ilaa $1,500 - waa xilligii Shillinka Soomaaligu qiimaha lahaa oo ahaa US$1 = 7Sh.So.). Haddii xad gudubku soo noqdo mar labaad waxaa markaas ganaaxa laga dhigayaa laba-laab, waxaana kabtanka markabka lagu qaadayaa sharciga xeer dembiyeedka Soomaaliya, waxaana lala wareegi karaa markabka.
  • Qodobka 9aad: Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dalalka aysan aqoonsanayn maraakiibtooda looma ogola in ay maraan Biyaha Soomaaliya. Ciddii ku xad gudubta arrintaas, Soomaaliya waxay ka qaadeysaa tallaabadii ku haboon.
  • Qodobka 10aad: Maraakiibta dagaalku ma soo mari karaan badda ku xeeran dhulka Soomaalida haddii aysan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliyeed.

Maadaama ilaalinta iyo beekhaaminta kalluunku uu muhiimad weyn u lahaa Soomaalida, waxaa dawladdii Soomaaliya soo saartay Xeerka Kalluumaysiga oo lambarkiisu ahaa N° 23 ee soo baxay 30kii November 1985, xeerkaas oo qeexayay maraakiibta iyo shakhsiyaadka la siiyo shatiga ee ka kalluumaysanaya baadda Soomaaliya in ay dhawraan xeerkaas, islamarkaasna ay soo sheegaan inta ay leegtahay kalluunka ay badda kala soo baxeeen iyo nidaamka ay adeegsadeen. Ciddii xeerkaas ku xadgudubtana ay la kulmayso ganaax adag ama xabsi. Waxaa xeerkaas ku cad in:


  • Ganaax gaaraya ilaa So.Sh. 10,000 laga qaadayo doonta aan matoorka lahayn ee xeerkaas ku xadgudubta.
  • Ganaax dhan So.Sh. 15,000 ilaa So.Sh. 4,000,000 laga qaadayo doonyaha uu saaran yahay matoorka baaxadiisu dhaxayso 6 HP (HorsePower) ilaa 101 HP.
  • Xabsi 3 ilaa 10 sano ah ama ganaax So.Sh. 5,000,000 ilaa So.Sh. 50,000,000, ama in la isugu daro xabsi iyo ganaax, qofkii kalluumaaysiga u adeegsa waxyaabaha qarxa, ama adeegsada aalad mamnuuc ah, ama kalluumaysa xilliga xirmada ee aan lal ogolayn in kalluunka la dabto, ama soo jillaabtay kalluun mamnuuc ay tahay in la soo qabto. (FG: Xilligaas 1985 qiimaha isku bedelka lacagtu wuxuu ahaa US$1 = 36 So.Sh. Sidaas daraadeed 50 million So.Sh waxay u dhigaantey 1.4 million doolar.)

Xeerkaas kaddib waxaa su'aalo ka soo laaban kareen sidee lagu xaqiijinayaa in maraakiibta shisheeye ee shatiga la siiyay ay runta ka sheegaan cadadka kalluunka ay la soo baxaan. Taas waxaa xal u noqotay: Wareegto ay Soomaaliya soo saartay 24kii September 1986 ayaa si qeexan u sheegtay maraakiibta shisheeye ee la siiyo shatiga kalluumaysiga badda Soomaaliya ay shardi tahay in shaqaalaha boqolkiiba 30% ka dhigaan Soomaali.

Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya (xeer #37/1972) waxay dawladdii Soomaaliyeed ka diiwaan gelisay dukumiintida Qarammada Midoobey - DOALOS/OLA.[6]

Meelo badan oo ka mid ah dukumiintiga iyo qoraallada Qarammada Midoobey waxaa ku qoran in badda ay leedahay Soomaaliya (TS) ay tahay 200nmi, halka dalalka kale badankood badaha ay leeyihiin ay tahay 12 nmi.[7] -  Xusuusnow dalalka kale cabbirka 200nmi waxay u tahay aagga ganacsiga (EEZ).


Shaxda Dalalka iyo badda inta ay hore u sheegteen - Warbixintii UN-ta ee May 28, 2008.

Dhaqan Galkii Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka


Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka (UNCLOS), Qodobkiisa 308aad waxa uu dhigayaa in Heshiiskii la saxiixay 10kii December 1982 uu dhaqan gelayo 12 bilood kaddib marka ay dhaqan geliyaan lixdan (60) dal. Dalalka dhaqan gelinaya waxaa marka hore laga doonayay in ay sharciga dalkooda waafajiyaan xeerka UNCLOS III, kaddibna ay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey keenaan khariidadda iyo xogta muujineysa xadka badda dalkaasi sheeganayo, markaas kaddibna in dalkaasi si rasmi ah u dhaqan geliyo xeerkaas.


Xeerkaas Badaha dhaqan gelinta waxaa loo furay 10kii December 1982. Maalintaas waxaa xeerka dhaqan geliyey dalka Fiji. Soomaaliya waxay noqotay dalkii 40aad ee dhaqan gelinya (1989). Dalkii 60aad waxaa noqday Guyana oo dhaqan gelisey 18kii November 1993. Waxaana xeerka UNCLOS uu markaas si rasmi ah u dhaqan galay November 1994. Tirada dalalka dhaqan geliyey heshiishaas (February 2009) waxa ay tiradoodu gaareysey 157 dal.[8]



Khariidadda Muujineysa Heshiiska UNCLOS ee Badaha Adduunka. Isha Sawirka: WikiPedia.


Sida aan kor kusoo xusnay, waxaa jira dalal aan weli saxiixin xeerka Badaha Adduunka oo tiradoodu gaarayso ilaa 17 dal. Waxa kale oo jira dalal kor u dhaafaya 20 oo xeerka saxiixay laakiin aan weli dhaqan gelin, waxaana ka mid ah Maraykanka. Dalka Maraykanku in kasta oo uu ka mid yahay dalalka saxiixay, haddana heshiiskaas weli ma dhaqan gelin, sababtoo ah waxa uu diidey qodobka Part XI ee xeerka Badaha.[9]


Qodobka Part XI waxa uu ku saabsan yahay xad u samaynta badda wixii ka baxsan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ). Waxaana qodobkaasi sheegayaa in aaggaas wixii ka baxsan ay noqoneyso Bad Caalami ah oo ay maamulaan Beesha Caalamka, gaar ahaan hay'ad Qarammada Midoobey samaysay oo loo soo gaabiyo ISA (International Seabed Authority), hay'addaas oo qaabilsan macdanta ku jirta ubucda badda hoosteeda. Waxay hay'addaasi bixin kartaa ogolaanshada iyo shatiyada sahaminta iyo baarista macdanta ee badda ka baxsan aagga EEZ, iyada oo macaash ka qaadanaysa.


Haya'dda ISA in la asaaso waxaa la soo jeediyey 1982, kulankii Qarammada Midoobey ee lagu qabtay Jamaica. Waxaase la ansixiyey 16kii November 1994, laakiin waxay ISA si rasmi ah u hawl gashay June 1996. Xarunteeduna waa magaalada Kingston ee dalka Jamaica.[10]


Dalalka Bariga Afrika ee aan weli saxiixin heshiiska Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka waxaa ka mid ah Eritrea. Dalka Eritrea xilligii la qabtay shirkii lagu saxiixay Xeerka Badaha waxa uu ku hoos jirey gumaysi, waayo Itoobiya ayaa dalkaas qabsatay 1962. Waxayna Eritrea xornimadeeda si rasmi ah u ugu dabaal degtay May 24, 1993.


Dalalka kale ee Afrikada Bari ee Heshiiska Badaha saxiixay, laakiin aan weli dhaqan gelin, waxaa ka mid ah Ethiopia. Dalka Ethiopia xilligii uu saxiixay heshiiskaas oo ahayd 10kii December 1982 waxa gacanta ugu jirey dekedda Casmara iyo qayb ka mid ah Badda Cas oo ah dhulka Eritrea. Laakiin maadaama dadkii lahaa xeebta ay dagaal kula jireen, markii dambana laga xoreeyey badda cas, waxaa xukuumadda Ethiopia ku adkaaday in ay dhaqan geliso Xeerka Badaha.


Soomaaliya, sidii aan kor kusoo aragnay, waxay ka mid ahayd dalalka Afrikada Bari ee saxiixay, oo haddana dhaqan geliyey Xeerka Badaha - inkasta oo markii xeerkaasi sida rasmiga ah dhaqan galay 1994 aysan Soomaaliya ka jirin Dawlad Dhexe - oo dagaal sokeeye ka bilowday December 1990. Dagaalkaas oo sababay burbur ku dhacay dhammaan hannaankii dawladeed. Khasaaraha naf iyo maal ka sokow, waxaa burburay wixii xog, macluumaad, dukumiinti iyo tixraac ahaa ee Soomaalida ugu kaydsanaan jirey madxafyada iyo diiwaanka dawladda. Waxaa burburay dhaqaalihii dalka, waxaana dalka ka baxay in badan oo ka mid ah dadkii wax u bartay.


Guddiga Loo Xilsaaray Xadaynta Badaha Adduunka


10kii June 1996 ayey ahayd markii ugu horeysey ee Qarammada Midoobey si rasmi ah looga hadlay in la sameeyo Guddi ka soo baaraan dega sidii loo kordhin lahaa badda ay xuquuqda u leeyihiin dalalka leh xeebaha, taas oo fogaantii ahayd 200 nmi looga dhigo ilaa 350 nmi (648 km), ayadoo la cuskanayey xeerka Qarammada Midoobey ee Sharciyada Badaha ee dhaqan galay 16kii November 1994. Arrintaas si loo dhaqan geliyana waxaa loo baahday guddi hawshaas u xilsaaran.


13kii March 1997 ayaa markii ugu horeysey waxaa la doortay Guddiga Xadaynta Badaha oo ka kooban 21 xubnood. Guddigaas oo loo soo gaabiyo CLCS (Commission on the Limits of the Continental Shelf ) waxaa la soo doortaa shantii sanoba mar. Sidaas daraadeed guddigii koowaad oo hawshiisa bilaabay 16kii June 1997 waxaa la bedeley 16kii June 2002, waxaana guddigaas sii bedeley guddiga hawsha hadda gacanta ku haya oo shaqadiisa bilaabay 16kii June 2007 (ee shanta sano 2007-2012). Guddigaasi waa kan u xil saaran in ay falanqeeyaan oo go'aamiyaan xogta iyo macluumaadka badaha ee ay dalalku ku soo wareejiyaan ee la xiriirta xadaynta aagga ganacsiga badaha.[11]


Guddiga Xadaynta Badaha waxaa xarun u ah Qarammada Midoobey Xarunteeda magaalada New York. Cinwaankooda, emailka, iyo telefoonka lagala xiriiri karo waxa uu ku qoran yahay dhanka hoose ee warbixintan.


Kulankii 13aad ee ay yeeshaan Guddiga Xadaynta Badaha oo dhacay 26kii April 2004 ayey ku xadideen waqtiga kama dambaysta ah ee dalalku ay ku keenayaan macluumaadka, xogta iyo khariidadaha la xiriira badaha dalkaas si loogu kordhiyo baaxadda badda ilaa 350nmi (648 km). Waqtiga kama dambaysta ah ee dalalka loo qabtay waa 13ka May 2009. Waxaana shardi ah in macluumaadka la soo gudbinayo ay waafaqaan sida uu dhigayo Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha (oo aan hoos ku arki doono).


Sida ku cad Xeerka Badaha Adduunka ee UNCLOS, dalalka doonaya in ay calaamadiyaan xadka badda dhulkooda inta ka baxsan 200 nautical miles (nmi), waxaa laga doonayaa in ay Guddiga loo Xilsaaray Xadaynta Badaha u keenaan ama ku soo wareejiyaan akhbaar cilmiyeedka ku saabsan Juquraafiga iyo xadka badda dalkaas (oo Email ugu diraan: doalos@un.org ama toos ugu geeyaan xafiiska UN-ta ee New York) . Waana in  guddiga (CLCS) xogtaas lagu wareejiyo inta ka horeysa May 13, 2009. Guddigaas ayaana go'aan ka gaaraya xogta.[12]


Kulan ay yeesheen Qarammada Midoobey 19kii June 2007 ayaa looga hadlay baaxadda ay leedahay hawsha ku soo fool leh Qarammada Midoobey, gaar ahaan qaybta u qaabilsan farsamada cilmiga Juquraafiga. Guddiga Xadaynta Badaha waxa ay muujiyeen sida ay ugu baahan yihiin kharash aad u farabadan, farsamo iyo aaladda computerka/Software lagu socodsiiyo hawsha xadaynta badaha. Dalalkii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Koonfur Afrika oo aad ugu dooday in dalalka soo koraya ay ku adag tahay arrintaasi oo aysan waqtiga loo qabtay ku keeni karin macluumaadka looga baahan yahay.[13]


Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha


Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha waxa uu si qeexan u sheegaya macluumaadka looga baahan yahay dalalka leh xeebaha si loogu kordhiyo ballaca badda ay xuquuqda u leeyihiin. Waxaa loo baahan yahay cabbir ka soo bilaabanaya Xeebta dalka ilaa 350nmi (648 km) oo dhanka badda ah, xogtaas oo muujineysa Juquraafi ahaan in Qalfoofka Qaaraddu ay hore u sii gashan tahay badweynta. Waa arrin u baahan cilmi, lacag, waqti iyo farsamo casri ah iyo dad aqoon u leh oo wax ka dhaadhicin kara Guddiga Qarammada Midoobey arrintaas u xilsaartay.[14]


Qodobka Article 76 waxa uu sharaxaad ka bixinayaa sida loo samaynayo khariidadda lagu xadaynayo biyaha dalalka leh xeebaha, ayadoo laga cabbir qaadano wixii ka baxsan meel xeebta u jirta  200nmi. Waxaana qodobkaas ka mid ah:



  • Waxaa shardi ah in xadka baddu uusan ka badan meel xeebta u jirta 350nmi,
  • ama aan ka durugsanaan karin 100 nmi meesha uu maro cabbirka 2,500 metre isobath oo ah xarriiq isku xireysa meel badda hoos u gashan ilaa 2,500 mitir. (Halkaas weeye meeshii ay dawladdii Soomaaliya maanka ku haysay markii ay qoraysey Xeerka #37/1972 qodobkiisa 2aad oo dhigaya "Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa xeebaha Soomaaliya" -- xeerkaas markaa la waafajiyo xeerka cusub ee badaha macnaheedu waxa weeye: si loo xadeeyo badda Soomaaliya waxaa laga qiyaas qaadanayaa barta ugu hoosaysa dhammaanta xeebaha Soomaaliya oo markaas hoos looga sii socon karo 2.5km (2,500 mitir).
  • Waxaana shardi ah in meesha laga cabbir qaadanayo ay xadidayaan loolka iyo dhigaha adduunka.
  • Muhiimaddu waa in la caddeeyo in Qalfoofka Qaaraddu uu hore usii gashan yahay badda hoosteeda.


Khariidad muujineysa farsamada xadaynta badaha.. Isha sawirka: http://www.un.org/Depts/los/nippon/unnff_programme_home/fellows_pages/fellows_papers/thang_0607_myanmar.pdf


Waxaa shardi ah dalalku in ay raacaan arrimaha ku qeexan qodobkaas si loo aqbalo xogta ay u gudbinayaan Guddiga Xadaynta Badaha. Arrintani waa caqabadda ugu weyn ee soo food saareysa dalalka soo koraya, waayo farsamada ku qeexan qodobkaas oo ah mid u baahan cilmi dheeri ah iyo aalad farsamo oo aysan haysan inta badan wadamada soo koraya. Marka laga hadlayo Soomaaliyana waxaa laga soo bilaabayaa (gal galin, gubad).


Dalalka Xogta u Gudbiyey Guddiga Xadaynta Badaha


Waxaa hadda dunida ka socda dadaal xoog leh oo ay dalalku ku doonayaan in waqtiga loo qabtay ay xogta iyo cabbirka badahooda ugu gudbiyaan Qarammada Midoobey si loogu kordhiyo baaxadda badda. Waxayna Qarammada Midoobey daabacdaa liiska dalalka ee xogta soo gudbiyey.[15]


Ruushka ayaa ahaa dalkii ugu horeeyey ee macluumaadka u gudbiyey Guddiga Xadaynta Badaha, waxana dalkaasi uu xogta la xiriirta cabbirka badihiisa Qarammada Midoobey gaarsiiyey 20kii December 2001.


Australia waxay 15kii November 2004 xogta iyo cabirka xadka cusub ee badaheeda ku wareejisey Guddiga Xadaynta badaha - waxaa ka horeeyey Ruushka iyo Brazil oo keliya. Afar sano kaddib, ayaa Qarammada Midoonbey waxay 9kii April 2008 dalka Australia u ansixisay in ay kordhisan karto cabirka baddeeda, kuna darsan karto bad ay baaxadeeda ama bedkeedu yahay 2.5 million km2 (square kilometers) oo siyaado ah, oo bannaanka ka ah fogaanta 200nmi.[16]


New Zealand ayaa ahayd dalkii shanaad ee xogta khariidada badaha dalkiisa u geeya Gudiga Xadaynta Badaha 19kii April 2006. Soo ururinta xogta cabbirada badaha waxaa dalka New Zealand ku kharash gareeyay lacag dhan $44 million oo dollar, waxayna ahayd macluumaad ay ururinayeen muddo 10 sano ah. Waxayna New Zealand sidaas ku heleysaa bad baaxadeeda ama bedkeedu dhan yahay 1.7 million km2 (sq km) oo siyaado ah, islamarkaasna bannaanka ka ah Aagga Ganacsiga Gaarka ah ee EEZ ee ahaa 200nmi.[17]


Halkaas waxaa kaaga soo baxaya baaxadda ay leedahay soo ururinta xogta loo baahanyahay, waqtiga iyo lacagta badan ee loo baahan yahay. Waxaa su’aal ah Soomaaliya ma u suurta gali kartaa muddada yar ee hartay in howshaas adag wuxuun laga bilaaabo?.


Sanduuqa Taageerada Lacageed ee Xadaynta Badaha


Qaraarkii Qarammada Midoobey ee Resolution 55/7 ee soo baxay 30kii October 2000 ayaa lagu asaasay Sanduuq Taageerada (Trust Fund)[18] oo loogu talo galay in dalalka soo koraya gacan laga siiyo soo dhamaystirka xogta looga baahan yahay xadaynta badaha. Waxaana xeerkaas la sii ansixiyey ama wax laga bedeley, markii uu soo baxay Qaraarkii Qarammada Midoobey ee Resolution 58/240 ee 23kii December 2003.






Foomka
Dalalku ay Qarammada Midoobey kaga dalban karaan mucaawino si ay u adeegsadaan soo ururinta xogta xadaynta badda (un.org).

Ujeedada ugu weyn ee Sanduuqa Taageerada loo sameeyey waxay ahayd in dalalka soo koraya xogta ay soo ururin doonaan ee badahooda ay waafaqdo sida ku Qeexan Qodobka Article 76 ee Xadaynta Badaha, farsamo ahaan.


Sanduuqa Taageerada waxaa lacag ka dalban kara dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa ugu hooseeya xagga horumarka farsamada. Waxaana shardi ah in dalku uu xubin ka yahay Qarammada Midoobey, Isla markaasna qayb ka yahay Heshiiska Badaha Adduunka. Dalbashada caawinaadda waxaa loo sii mari karaa dalalka wakiiladooda u jooga Qarammada Midoobey. Waxaana lacagtaas loo adeegsan karaa:



  • (a). Tababarka farsamo-yaqaannada iyo shaqaalaha maamulidda (waxaa shardi ah dadka la tababarayo in ay yihiin heer Jaamacadeed, waxaana qofku Sanduuqa Deeqda ka helayaa tababar hal koorso).
  • (b). Aaladda farsamada, sida cilmiga computer-ka, oo la xiriirta sidii daraasad iyo qiimayn loogu sameyn lahaa Qalfoofka Qaaradda iyo xadkeeda.
  • (c). Sidii loo dejin lahaa qorshe ku saabsan soo ururinta xogta loo baahan yahay iyo khariidadaha.
  • (d). Diyaarinta dukumiintiga kama dambaysta ah iyo sidii loogu gudbin lahaa Guddiga Xadaynta Badaha
  • (e). La talin ku saabsan caawinaad la xiriirta qodobbada sare.

Soomaaliya waxay Qarammada Midoobey xubin ka noqotay 20kii September 1960[19]. Dawladdii Soomaaliya waxay saxiixday heshiiskii badaha (1982), waana dhaqan gelisey heshiiskaas (1989). Waana dal ka mid ah dunida soo koreysa, kuwa ugu hooseeya. Sidaas daraadeed waxay ahayd in Soomaaliya ay ka faa'iidaysato lacagta Sanduuqa Taageerada si ay u samayso cabbirka badda ee looga baahan yahay si loo xadeeyo badda Soomaaliya oo markaas loogu kordhiyo fogaan ilaa 350nmi.


Arrintaasi waxay meesha ka baxday markay la dageen siyaasado isugu maran sidii shabaaktii. Waxayna u muuqataa in waqtigii ka dhammaanayo Soomaaliya, haddaan lahelin cid ugu howl gasha si dag dag ah.


Soomaalida, Xeerka Cusub iyo Waqtiga Kama Dambaysta ah


Sida aan kor kusoo aragnay, May 13, 2009 waa maalinta ay Guddiga Xadaynta baduhu u qabteen in dalalku ay ku keenaan xogta iyo khariidadaha xadayneya badahooda. Waxaa maalintaas ka dhiman laba bilood iyo xoogaa (markii aan qoraalkan qoreyney).


Waa arrin aad u adag in waqtigaas kooban lagu soo diyaariyo ama lagu soo ururiyo dhammaan xogta badaha Soomaaliya, isla markaana waqtiga ku haboon loogu gudbiyo Qarammada Midoobey si aan badda Soomaalida cid kale ula wareegin, waxaa khasab ah in Dowladda hadda jirta ay si dag dag ah u howl gasho iyadoo adeegsanaysa cidkasta oo ka caawin karta howshaas adag.


Waxaa xusid mudan in arrintani ay la xiriirto Ganacsi iyo dhaqaale lumaya/dhumaya. Sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in laga fekero sidii ay Soomaalidu u adeegsan lahayd Qodobka Article 79 ee Xeerka Qarammada Midoobey ee ku saabsan heshiisyada in laga bixi karo marka ay dhacaan arrimo aan bini'aadamku wax ka qaban karin - oo Afka Faransiiska lagu yiraahdo "Force Majeure", luqadda Ingriiskana ku ah "superior force" - maadaama Soomaaliya ay ka jireen dagaallo iyo xasillooni la'aan Dec 1990 ilaa 2009.


Sidaas daraadeed, haddii wax kale la qaban waayo, oo ay suurta geli weydo in xogta lagu keeno waqtiga loo qabtay, waxaa markaas muhiim ah in  Qarammada Midoobey lagu qanciyo in dhulka Soomaalida maadaama ay dagaallo iyo deganaansho la'aan ka socdeen ilaa markii la ansixiyey xeerka badaha (1994), oo aysan jirin dawlad awood u leh soo ururinta xogta xadaynta badaha dhulka Soomaalida, markaas in waqtiga dib loogu dhigo ilaa muddo macquul ah.


Haddii aan sidaas la yeelin, ama aan la helin qorshe arrintaas xal u ah,  waxaa markaas halis ku jira baaxad aad u ballaaran oo ka mid ah badda Soomaalida oo ay dhici karto in lala wareego.


Yaa la wareegaya, Maxaase Muranka Keeni Doona?


"Su'aasha ku saabsan meesha ay Kenya ka dhigeyso xadkeeda ay badda kala wadaagto dalka deriska kala ah WaqooyigaBari ee Soomaaliya waxay muddo dheer walaac ku haysay madaxda Kenya isku daygooda in ay Batrool ka sahamiyaan aagga Lamu. Laakiin maadaama Soomaaliya aysan hadda ka jirin Dawlad Dhexe, ama wax dawlad ah oo sharci ah, Soomaaliya ma joogto meeshii ay (Qarammada Midoobey) ku keeni lahayd dukumiintiga looga baahan yahay si ay u xaqiiqsato xeebta aagga baddeeda, sidaas daraadeed waxaa dhici karta inay dhulka baddeeda weydo oo ay qaataan Kenya, Jabuuti, Ethiopia iyo Yemen," waxaa sidaas qoray wargeyska Ratio Magazine oo ka soo baxa Kenya, caddadkiisii 9kii February 2009.


Wargeyska Ratio Magazine, waxa uu qormadiisa ku daray "Dhacdooyinka Burcad badeedka ee ku soo badanaya biyaha Soomaaliya awgeed, waxay u badan tahay in beesha caalamku ay aqbali karaan biyaha Soomaaliya in ay gacanta u galaan maamul ka mid ah dalalka la deriska ah ee xasiloon."


Kenya sida ay sheegtay, waxay xogta xadaynta baddeeda ku geyn doontaa waqtiga ay Qarammada Midoobay dalalka u qabatay in ay akhbaarta ku keenaan (May 13, 2009). Guddiga Xadaynta Badaha waxay website ku daabacaan xogta loo gudbiyo, sidaas daraadeed la arki doonee halka ay Kenya mariso khadka xadaynaya baddeeda ee aagga la olloga ah Lamu oo ku dhow Raas Kambooni - sida aan ku arki doono warbixintan dhankeeda hoose, Kenya waxay Qarammada Midoobay u gudbisay qoraal hordhac ah oo ay si qayaxan u cabiratay qaar kamida badda Soomaalida.


Ethiopia iyada warkeedii waa dhammaaday mar haddii dib looga qabsaaday baddii Eritrea ee ay xoogga ay ku haysatay. Sidoo kalena uu yaraaday shakigii laga qabay in Dowladda Ethiopia hungurayso badda Soomaaliya, kaddib markii laga saaray Muqdisho oo ku taal xeebta Badweynta Hindiya. Waxaan wali meesha ka marnayn in Dowladaha dariska oo Ethiopia ugu horayso hunguri galo haddii lagu fashilmo in xal loo helo arrintaas, in ay codsadaan in UN-tu ka kirayso Badaha Soomaaliya, kaddib markii UN-tu la wareegto.


Jabuuti: Wargayska Ratio waxa uu xusay "Jabuuti". Waxaase dhici karta in wargeysku uu si af-gobaadsi ah u xusay Jabuuti, waayo dadka reer Jabuuti waa Soomaali mana laga filan karo inay kusoo durkaan badda ay wadaagaan Soomaali wayn iyagoo ka faa'iidaysanaya duruufta. Arrintaasna waxaa cadayn u ah in Jabuuti ku mashquulsanayd ilaa markii dowladii Soomaaliya dhacday sidii ay markale dib ugu soo laaban lahayd dawlad Soomaaliyeed.


Yemen: Fogaanta u dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa wax aan ka badnayn 300 km (meelaha qaarkood). Sidaas daraadeed waxaa la arki doonaa Yemen meesha ay mariso cabbirka xadka baddeeda, marka ay xogta ku wareejiso Qarammada Midoobey.


 Arrimahaas oo jira, haddana hadalka wargeyska Ratio waa mid aan la yaraysan karin ama la dhayalsan karaynin. Gaar ahaan waxaan eegeynaa Yemen iyo Kenya iyo xadka badaha ay la wadaagaan dhulka Soomaalida.



Fogaanta waxaan ka cabirray GoogleEarth, intaas waa ka yaraan kartaa ama ka badan kartaa...


Jihooyinka Adduunka


Sida aan hoos ku arki doono, marka la xadaynayo badaha adduunka, islamarkaasna cabbirka lagu muujinayo khariidadaha, waxaa muhiim ah in la adeegsado jihooyinka adduunka ayadoo lala kaashanayo loolka iyo dhigaha adduunka. Sida caadiga ah marka la doonayo in la calaamadiyo meel ka mid ah khariidadda adduunka waxaa muhiim ah in la yaqaan loolka iyo dhigta bartaasi dhacdo ama ku taal.



Loolka iyo Dhigaha mara Soomaaliya ka Eeg Halkan.... [pdf]


Xadka Badda ee u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen


Jasiiradda Suqadara[20] (Socotra) - oo November 30, 1967 gacanta u gashay Yemen - waxay xeebta Soomaaliya u jirtaa 150 mile oo keliya. Islamarkaas Suqadara waxay xeebta Yemen u jirtaa 190 mile. Jasiiradaha yaryar ee la xiriira Suqadara waxaa ka mid ah Cabdul Khuuri (Abd-al-Kuri) oo 50 mile oo keliya u jirta Raas Casayr (Gardafuul) oo ah Soomaaliya. Waxa kale oo Suqadara hoos taga labada Jasiiradood ee Samhah iyo Darsa (oo loo yaqaan Walaalaha "Brothers") oo u dhaxeeya Khuuri iyo Suqadara.


Si loo xadeeyo badda Soomaalida ee xigta cirifka Raas Casayr, waxay Soomaalidu soo jeedisey in la raaco nidaamka Xeerka Badaha ee loo yaqaan jeexidda khadka. Haddii sidaas la yeelo markaas fogaanta badda ay Soomaaliya leedahay oo ah 200nmi waxaa soo hoos gelaya badda ay ku yaalaan Suqadara iyo jasiiraha ku dhow. Soomaalidu waxay aad uga dooday in aysan ku qanci doonin haddii laba qaybood oo is leeg loo qaybiyo xadka badda u dhaxaysa Suqadara iyo Soomaaliya (aagga ku beegan magaalada Bareeda). Waxaana cillada u weyni ka jirtay jasiiraha yaryar ee ka sokeeya Suqadara, oo haddii xadka iyaga laga bilaabo (sida ka muuqta sawirka hoose) in markaas xadka baddu aad ugu soo dhawaanayo Soomaaliya. Yemen waxay dooneysey sida ka muuqata kharidadda hoose oo ah in laba is leeg loo qaybiyo badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo jasiiradda ugu xigta Soomaaliya.



Xadaynta badda ay Soomaalidu diidanayd. Buugga uu qoray H. W. Jayewardene (1990)


Dhanka xiga Waqooyiga Soomaaliya, waxaa xadka baddu ka soo bilowdaa qiyaastii 85nmi (157km) meel dhanka Bari kaga aadan Baab Al Mandab, bartaas cabirka laga soo bilaabayo oo dhacdo Loolka iyo Dhigta 11° 50' N iyo 44° 10' E. Waxaana halkaas ka bilaabanaya xarriiq u socota dhanka WaqooyiBari (NE) oo fogaan is-leeg u jirta Yemen iyo Soomaaliya. Waxaana xarriiqdaasi soconeysaa qiyaastii 420nmi (778km) ayadoo sii dhex maraysa badda Gacanka Cadmeed ilaa ay gaarto barta leh Loolka iyo dhigta 13° 32' N iyo 51° 06' E.


Bartaas marka la gaaro waxaa xarriiqda xadaynta caqabad ku noqonaysa Jasiiradda Cabdi Al Khuuri oo Koonfurta ugu xigta Jasiiradaha la xiriira Suqadara. Halkaas oo xarriiqdii ay markaas si degdeg ah ugu leexanayso Jihada KoonfurBari (SE) iyada oo ku dhammaaneysa barta leh Loolka iyo Dhigta 9° N iyo 54° 30' E bartaas oo fogaan is leeg oo ah 200 nmi u jirta Raas Xaafuun iyo Jasiirada Darsa oo Koonfur kaga aadan Suqadara. (Raas Xaafuun waxa ay dhacdaa barta 10°26'36"N, 51°24'54"E).



Khariidad muujineysa Loolka iyo Dhigaha Xadaynaya badda u dhaxaysa Somalia iyo Yemen.


Jabuuti-Soomaaliya-Yemen: Xeebta kooban ee dhaxaysa Jabuuti-Soomaaliya waxaa lagu xadeeyay heshiis dhaxmaray Ingriiska (British Somaliland) iyo Faransiiska (French Somaliland/ Jabuuti), heshiiskaas waxa uu dhacay 2dii ilaa 9kii February 1888. Xariiqada xadaynaysa (dhulkii ay qabsadeen Anglo-French) waxay dhanka xeebta ku beegan meesha loo yaqaan ceelasha oo ku dhaw Lawyacaddo (The Geographer 1979: 3). Xadaynataasi waxay maraysaa meel waxyar WaqooyiBari ka xigta Lawyacaddo oo ku taal xeebta Gacanka Cadmeed, bartaas oo dhacda loolka iyo dhigta 11°27'55"N iyo 43°15'45"E. (Waxaa jira cabbir inyar kaas ka duwan oo ku xusan buugga Browlie (1979: 773) oo ah 11°27'45"N iyo 43°15'35"E). Xagga badda waxaa xadaynaya jasiiradda Ras Bir oo Jabuuti ah iyo jasiirada Ceebaab oo dhanka Soomaaliya. Xagga aagga ganacsiga (EEZ) ee xadaynaya Yemen-Jabuuti-Soomaaliya waa meel qiyaastii 60nmi u jirta xeebta labada gebi ee badda, bartaas oo dhacda 11°55'N iyo 44°07'E (in kasta oo qiyaastaasi wax yar ka duwan tahay cabbirka khariidada sare, waayo xilligaas 1888 ma jirin aalada casriga ah ee GPS).



Barta ay ku kulmaan badda Yemen-Jabuuti-Soomaaliya. Sawirka: GoogleEarth.


Xadka Soomaaliya & Kenya: Aagga Raas Kambooni iyo Lamu


Xadka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya waxa uu ku dhammaadaa dhul siman oo xeebta ah. Marka xeebta laga bilaabo xarriiq fogaan is-leeg u jirta labada dal, waxay xarriiqdaasi gaareysaa barta ku beegan Loolka iyo Dhigta 3° 30' S, 44° 19' E - waa marka ay xarriiqdaasi (oo ka bilaabaneysa xeebta barta 1° 39' 13" S, 41° 34' 02" E) ay gaarto fogaan xeebta si toos ah uga durugsan 200 nmi (oo ah Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga), sida ka muuqata Khariidadda hoose.


FG: Xusuuso in aan soo xusnay in xeerka badaha adduunku dhigayo in fogaanta laga cabirayo badda ay noqoto mid toos ugu beegan xeebta - Dawladdii Soomaaliyeed arrintaas aad ayey ugu dhaganayd, waayo, sida aan hoos ku arki doono, faa'iido ayaa Soomaalida ugu jirta in la raaco xeerkaas marka la cabbirayo xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.



Khariidad muujineysa Loolka iyo Dhigaha Xadaynaya badda u dhaxaysa Somalia iyo Kenya.


Maadaama xeebta u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya ay ku dhereran tahay jihada KoonfurGalbeed - WaqooyiBari (SW-NE), markaas xarriiqda xadaynta badda ee labada dal u jirta fogaan is-leeg waxaa loo cabirayaa dhanka jihada KoonfurBari (SE). Inkasta oo ay dhici karto in Kenya ay sheegi karto in xarriiqdaasi ay xagal daacineyso Kenya, haddana Soomaaliya waxaa Juquraafi ahaan xagal daaciyey Jasiiradda Suqadara iyo jasiiraha ku xeeran, oo 55 nmi oo keliya u jira Raas Casayr, oo ah cirifka WaqooyiBari ee Afrika.[21]



Khariidad: Jihada Xadka Soomaaliya iyo Kenya Eeg sawirka oo weyn....


Cabbiradii iyo xadkii badaha ee hore loo sameeyey iyo wixii Soomaalidu ka aaminsanaayeen in la ogaado muhiimad weyn ayey leedahay si loola xisaabtamo dalalka (xadka badda kala wadaaga) marka ay xogta cabbirada cusub ee badahooda u gudbiyaan Qarammada Midoobey. Arrintaas oo muran keeni karta haddii dalalkaas cabbirkooda u xadeeyaan qaab aan Soomaalidu aqbali karin.


Sida aan kor kusoo xusnay, xeebta u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya waxay dhacdaa loolka iyo dhigta (1°39'13"S, 41°34'02"E). Halka barta xadayneysa fogaan xeebta u jirta 200nmi (370.4km) ay dhacdo loolka iyo dhigta (3°30'S, 44°19'E) - cabbirkan oo ay ogeyd dawladdii Soomaaliyeed. Haddaba marka cabbirka laga bilaabo xeebta oo toos loo socdo dhanka badda fogaan cusub oo ah 350 nmi waxaa markaas (qiyaastii) barta cusub ee xadayneysa badda Soomaaliya iyo Kenya ay dhacaysaa loolka iyo dhigta 4°54'13"S, 46°24'55"E. Waxaana halkaas ka soo baxaysa xarriiq[22] muhiim u ah xadaynta badda u dhaxaysa labada dal, taas oo la barbar dhigi karo cabbirada ay Kenya u gudbiso Qarammada Midoobay.



Xarriiqda isku xirta xeebta iyo fogaanta 350nmi.. Eeg Loolka iyo Dhigaha xarriiqdaas
FG: Si aan u helo cabirka loolka/dhigaha waxaan adeegsaney
Java & xeerka Haversine


Dhanka kale, sida aan kor kusoo xusnay, Xeerka badaha ee hadda la doonayo in la dhaqangeliyo, waxa uu qeexayaa haddii May 13, 2009 aysan dalalku ku keenin cabbirka khariidadaha ee xadaynaya badda wixii ka baxsan 200nmi, waxaa markaas badda wixii intaas bannaanka ka ah la wareegi doona hay'adda ISA, taas oo ka kirayn karta dalal kale si ay uga kalluumaystaan ama macdan iyo batrool uga baartaan. Taasi waa muhiim in lagu baraarugsanaado waxsoosaarkii hore ee kalluunka Soomaaliya.[23]


Kenya oo Calaamadsatay Dhul-Badeedka Soomaaliya: 


Warbixinta qaybteeda sare markii aan dhamaynay, una gudbinay xubno ka tirsan Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG), ayaa waxaa bogga Qarammada Midoobay 10kii Maarso 2009 lagu daabacay qoraal ay Kenya u dirtay UN-ta qaybta u qaabilsan Xadaynta Badaha. Qoraalkaas oo ay la socdaan cabbiro iyo khariidado muujinaya in Kenya ay xadkeeda ku darsatay dhul-badeed ballaaran oo ah badda Soomaalida.


Dhul-badeedka Soomaaliya ee ay Kenya baddeeda ku darsatay, si xeel dheer si loogu fahmo waxaan qaybtan gogoldhig uga dhigaynaa heshiisyadii[24] dhexmaray Ingriiska iyo Talyaaniga ee xadka loogu sameeyay dhulka Soomaalida.


Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga ayaa waxaa dhex maray heshiis  dhacay 15kii July 1924, laakiin ay isku raaceen 17kii December 1927, heshiiskaas oo ku saabsanaa calaamadinta xadka Soomaaliya iyo Kenya. Xadayntaas waxaa ku cad in shanta (5) jasiiradood ee loo yaqaan LAMA SHAAQA[25] ay leedahay Soomaaliya, jasiiradahaas oo Koonfur ka xiga Raas Kambooni - macnaha ay arrintaasi u leedahay xadaynta badda gadaal ayaan ka arki doonaa. (FG: Xadka laga hadlayay waxa uu NFD[26] raacinayay dhanka Kenya. Soomaaliduna ma aqoonsanayn taas maadaama NFD ka maqan tahay, laakiin sida aan warbixinta hoose ku arki doono, Kenya waxay hadda kusoo xad gudubtay xadkii xilligaas loo kala calaamadiyey Somalia iyo Kenya).


16kii iyo 26kii June 1925 xiriir dhexmaray safiirkii Boqortooyada Ingriiska u fadhiyay magaalada Rooma iyo madaxa dawladda & Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqorkii Talyaaniga ayaa waxay isku raaceen halka la marinayo xadka dhanka Koonfureed ee Soomaaliya-Kenya. Waxaana heshiiskaasi dhigayey in "Raas kambooni iyo jasiiradaha u dhaw ay hoos tegayaan dhanka Soomaaliya".


Guddi labada dal (Ingriis-Talyaani) waxay xilligaas u xilsaareen arrinta xadaynta waxay ogaadeen in ay jiraan lix jasiiradood oo ku dhaw Raas Kambooni. Mid jasiiradahaas kamid ah waxay ku dhagan tahay Raas Kambooni, 5-ta kale waxay qiyaastii 2km dhanka Koonfur-Galbeed kaga aaddan yihiin Raas Kambooni, waxaana loo yaqaan Lama Shaaqa (Isolotti Lamasciaca ama "Diua Damasciaca"). Jasiiradahaas tan Koonfurta ugu xigta waa dhagac weyn oo cabbirka dhexroorkiisu yahay 50 mitir. Heshiiskaas waxaa si qeexan ugu qoran in "Jasiiradaas yar ee Koonfurta ugu xigta 5-ta jasiiradood ay tahay barta xadaynaysa badda Kenya iyo Soomaaliya. (Waa haddii marka hore aan laga hadlin NFD oo xadku halkaas dhanka Koonfureed ka sii xigi karo.)



Qoraal kale oo ay is dhaafsadeen Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingriiska, 22kii November 1933, ayaa sii xaqiijiyay xarriiqda iyo barta xadayneysa badda Kenya-Soomaaliya, waxaana qormadaas (Italy-Britain) ku qeexan in: xarriiqda xadaynaysa badda (Soomaaliya-Kenya) waxay dhanka Galbeed ka maraysaa cirifka Koonfureed ee jasiiradda Koonfurta ugu xigta 5-ta jasiiradood ee LAMA SHAAQA. Waxayna xarriiqdaasi u soconeysaa jihada Koonfur-Bari, waana xarriiq toos ah oo xagal qumman (90°) ugu qotonta jihada ay xeebtu ku dherersan tahay (taas macnaheedu waa: maadaama barta xadka kaga beegan xeebta ay jihadeedu tahay WaqooyiBari - KoonfurGalbeed, markaas xagasha taas ku qotonta jihadeedu waa dhanka KoonfurBari, sida aan ku soo aragnay dhanka sare ee warbixintan).


Dowladii Somaaliyana waxay xiligeedii ma dhaafin cabirkii  (Italy- Britain) ay waagaas sameeyeen. Waxaa xusid mudan in labada dalba lagumaystay oo wadanka Soomaaliyana xornimmada ka hor qaaday Kenya, waxaa kaloo jirtay in wadanka Soomaaliya xornimmadii kadib, uu wadanka Kenya xaga Military-ga uu aad uga horeeyey, ama aad uga xoogbadnaa, laakiin labadaas arrimood ma keenin in wadanka Soomaaliya ku xadgudbo xuduud-beenaadka gumaysigu sameeyeen oo Kenya loogu sadburiyey. Mana dhicin inuu iska cabirto badda waagaas Kenya loo qoondeeyey,  waxaanse marnaba reebanayn sheegashada iyo doonista in dalka xooga laga gooyey uu kamid yahay Soomaaliya, inuu dib ula soonoqdana ay ka go'antahay. 


Arrimahaas oo jira ayaa Kenya waxay si aan gabasho lahayn hadda u cabiratay dhul-badeed baaxad weyn oo ka mid ah biyaha badda Soomaalida, sida ku cad wareegtada hoose ee uu saxiixay madaxweynaha hada ee Kenya.


Wareegto[27] ka soo baxday Dawladda Kenya, 22kii July 2005, laguna baahiyey faafinta rasmiga ah ee dawladda (Kenya Gazette, No. 55), waxaa ku qoran cabbirro iyo khariidad si cad u muujinaya in Kenya ay si bareer ah u cabbiratay dhul-badeedka Soomaalida.



Wareegtada oo 9kii June 2005 uu saxiixay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, qodobkeeda 1aad, farqadda (b) waxaa ku qoran in xadka dalkiisu dhanka badda kala wadaago Soomaaliya ay xadayso Koonfurta Jasiiradda Lama-Shaaqa oo dhacda Loolka 1°39'34"S. Loolkaas oo u soconaya Jihada Bari, sida ka muuqata khariidadda hoose oo qayb ka ah wareegtada Kenya. Waxaana jira qoraal ay xukuumadda Kenya u dirtay Qarammada Midoobay 25kii April 2006 kaas oo xusatay wareegtadaas.


Khariidadda ka muuqata sawirka hoose, qoraal muujinaya cabbirada ay Kenya sheeganeyso iyo saxiixa madaxweynaha (Kibaki) waxaa 10kii March 2009 lagu daabacay bogga UN-ta ee lagu daabaco xogta loo gudbiyo Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan Xadaynta Badaha.



Khariidadda xadaynta ee  Kenya u gudbisay UN-ta


Marka la eego khariidadda ay Kenya samaysatay, barta cusub ee xadka dhul-badeedka Kenya waxay toos ugu beegan tahay magaalada Kismaayo, islamarkaasna waxay fogaan ka badan 210km Waqooyi ka xiga calaamaddii hore ugu xadaysnayd labada dal.



Xarriiqda jihada bari (Kenya ayaa samaysatay), xarriiqda Koonfur-bari (xadka rasmiga ah)


Sida aan warbixinta meelo badan kaga soo xusnay, xarriiqda rasmiga ah ee xadaynta dhul-badeedka Soomaaliya iyo Kenya ee ay ogeyd Dawladdii Soomaaliyeed waa xarriiq toos ugu beegan xeebta (bartii ay calaamadiyeen Ingriiska iyo Talyaanigu markii ay dhul Soomaaliya ka mid ah siiyeen Kenya). Xariiqdaasi jihadeedu waa Koonfur-Bari (in arrintaas lagu celceliyo waa muhiim). Waxaana halkaas ka soo bixi doona sida aysan suurtagal u noqon karin in Dawlad Soomaaliyeed iyo shacabkeedu ay aqbalaan cabbirka ay Kenya samaysatay 2005, balse la soo shaac bixiyay 10kii March 2009. Cabbirkaasi waxa sida muuqata uu deel-qaaf iyo xad gudub ku yahay xornimada Soomaaliya.



Jihada Xarriiqda xadaynta Kenya iyo Soomaaliya


Buugaag badan ayaa laga qoray halka uu maro khadka kala qaybiya xadka dhul-badeedka Soomaaliya iyo Kenya. Dhammaan buugaagtaasi waxay muujinayaan in xarriiqda xadaysa ay jihadeedu tahay Koonfur-Bari. Buugaagtaas waxaa ka mid ah buugga cinwaankiisu ahaa "Ammaanka deegaanka iyo caddaalada dalalka ku xeeran Badweynta Hindiya"[28] oo la qoray 2008, bogga 104-105 (Doyle & Risely 2008, 104-105). Buugaasi qaybta ka hadlaysa dhul-badeedka Soomaaliya iyo xadka dalalka deriska la ah waxaa ka mid ahaa hadaladiisii qormadan hoose:


Soomaaliya oo xeebteedu tahay qiyaastii 3,300km, waa dalka ugu xeebta dheer Qaaradda Afrika. Xeebtaas dheer awgeed, Soomaaliya waxay sheegan kartaa bad baaxaddeeda lagu qiyaasay 1.2 million Square Kilometers (Jennings 2001, 404). Inkasta oo qiyaasta cabbirkaas aan la hubin, waayo majiro xad ay Soomaaliya la waafaqday dalalka deriska la ah. Soomaaliya waxay saxiixday Xeerka badaha Adduunka ee Qarammada Midoobay, waxayna xeerkaas ansixisay 24kii July 1989.


Sharciga Soomaaliya ee No. 37 (September 10, 1972) waxaa ku cad in fogaan dhanka badda oo 200 nmi xeebta u jirta in ay ka mid tahay dhulka Soomaaliya, halka habka caadiga ee adduunka (wadammada kale)  uu yahay 12nmi (LOSC, Article 3). Taasi waxay xilligaas sababtay mucaaradad kaga timid Maraykanka (Roach & Smith 1996, 158-61).


Waxaa in la xasuusto mudan in cabbirka 200-nmi ee dhul-badeedka Soomaaliya ay sheegatay uu ka horeeyey intii aysan Soomaaliya saxiixin oo hirgelin xeerka badaha Adduunka. Xaqiiqo ahaan Soomaaliya lama keli aha in 200-nmi oo fogaan dhanka badda ay dhulkeeda ka mid tahay. Dalal dhawr oo leh xeeb ayaa sidaas oo kale sameeyey. Arrimahaasi waxay ka tarjumayaan rabitaanka dalalka xeebaha leh ay doonayaan in ay kordhiyaan baddooda si ay u yeeshaan maamulidda khayraadka dabiiciga ee ku jira badda (Prescott & Schofield 2005, 34).


Markii la sameeyey xeerka Qarammada Midoobay ee dhigaya in dalalka xeebaha leh ay yeelan karaan 200-nmi oo  bad ah oo ay u adeegsan karaan xagga ganacsiga (aagga EEZ), waxaa dalal badani ka laabteen sheegashadii in badda ilaa 200-nmi ay ka mid tahay dhulkooda, waxayna ku ekaadeen 12nmi. Laakiin dalal dhawr ah ayaa ku adkaystay in 200nmi ay ka mid tahay dhulka dalkooda, waxaana dalalkaas Soomaaliya ku weheliya Liberia iyo Sierra Leone.


Sidoo kale maadaama Soomaaliya aysan ka jirin dawlad dhexe oo shaqayneysa, weli khad sugan (ama cabbir rasmi ah) looma samayn xadka badda ee ay la wadaagto dalalka deriska la ah: Jabuuti oo Galbeed kaga aadan, Yemen oo Waqooyi iyo WaqooyiBari ka xigta iyo Kenya oo xigta dhanka Koonfureed. Ugu dambayntii marka ay Soomaaliya bilowdo in ay xadka badda kala xaajooto dalalka deriska la ah, waxaa jiri doono muran u dhaxeeya Soomaaliya iyo labada dal oo ah Yemen iyo Kenya.


Badda Khaliijka Cadmeed labadeeda gebi ee iska soo horjeeda (ee Soomaaliya iyo Ye