salaan ka bacdi walaal waxaan jooga wadamada qurbaha walaal sual ayaan doonay in aan idin weydiiyo walaal waxa jirta in dadkan dibadaha jooga ay na weydiyaan suaal ah nabigeeni suuban goortu guursaday caaisha walaal da,deeda marku rasuulkii guursaday iyo walaal information ku saabsan walaal arrinta shukran walaal waad mahadsantihin
jawaab:
Bukhaari iyo muslim waxaa ku yaal in Rasuulka (ammaan iyo nabad gelyo korkiisa ahaataye) caa'isho loo mehriyay iyadoo lix sano dhammaysatay, loona aqal geeyay iyadoo sagaal jir ah.wuxuuna dhintay iyadoo siddeed iyo toban jir ah.
Culimadu maxay ka yiraahdeen arrintaa? waxay yiraahdeen: gabar yar in lala aqal galo waxay ku xiran tahay in ay awood u leedahay galmada iyadoon sannad gaara la waajibin. Oo gabadhu haddii ay siddeed sano jirto, xoogna leedahay, awooddana galmada, waa lala aqal geli karaa, haddii ayse shan iyo toban jirto, oo ay taag daran tahay ma bannaana in loo tago.
gabar yar in lala aqal galo waxay ku xiran tahay in ay awood u leedahay galmada iyadoon sannad gaara la waajibin.
Waxaad arrintaa ugu laabataa Nawawi iyo ibnuxajar marka ay sharxayeen xadiithka. Arrintan hadda ka hor ayaan waxaan uga hadlay kitaab yar oo aan ku raddiyay nin soomaali ah oo kirishtaanoobay oo damcay dadka inuu shaki ku abuuro. Waana kan hadalki aan waagaa iri iyadoo dib u habeyn yar lugu sameeyay:
Waa sax in Rasuulku uu Caa'isha la aqal galay iyadoo sagaal jir ah (Bukhaari, Muslim). Culimada islaamku iskuma khilaafsana in gabadha la mehrin karo sidey doontaba ha u yaraatee, laakiin la aqal galku wuxuu ku xiran yahay inay awood u leedahay howsha u taal, arrintu taas bay ku xiran tahay, haddii aan sidaa la dhihinna hadal xaqa waafaqsan luguma hadlin oo qofku waxaa dhici karta isagoo da'diisu weyn tahay inuu haddana taag daran yahay oo aanu awoodin howshaas, marka bal aan fiirinno arrinka Caa'isho Allaha ka raalli noqdee,
Culimada islaamku iskuma khilaafsana in gabadha la mehrin karo sidey doontaba ha u yaraatee, laakiin la aqal galku wuxuu ku xiran yahay inay awood u leedahay howsha u taal
Rasuulka sallallahu calayhi wasallama markii halkii xaas ee uu lahaa ee Khadiija ahayd ay ka dhimatay haweeney khawla bintu xakiim la yiraahdo ayaa u timid oo kula talisay inuu Sowda iyo Caa'isha mid guursado, kamana aanu diidin, oo xoogaa wadahadal ah ka dib wuxuu yiri arrintaa iga gaarsii labadaba, sidi bayna yeeshay oo howshi u gashay (fiiri: al aaxaad wal mathaanii oo uu ibnu abii caasim qoray, lambarka 3006, sidoo kalena uu ka
soo guuriyay ibnuxajar kitaabkiisa Al isaabah fii tamyiizi saxaaba 14/29), Sowda waa uu mehersaday lana aqal galay, qof wayn bayna ahayd oo ilaa shan ciyaala wadatay, oo uu ka dhintay ninkeedii markuu hijrada Xabashida ka soo noqday. Caa'ishana waa lugu mehriyey aqalgalkuna dib buu u dhacay, hijradii ka dib muddo markuu joogay Madina ayaa Abuubakar ku yiri maad xaaskaaga la aqal gashid, saasuuna kula aqal galay, Rasuulka ka suurta gal ma ahan inuu wax ka doono qofaan awoodin, aabeheedna ma yeeleen iyaduna ma yeesheen.
Arrintaa Muslim iyo gaal wax war ka keenay ma jirin ilaa qarnigii 20aad laga soo gaaray, markaasaa dad waxay yiraahdeen waxaa qofku ku qaan gaaraa oo xil qaadi karaa markuu 18 sano buuxsado, ka horna si kasta oo uu u xoog iyo caqliba badan yahay wax luguma aammini karo naftiisa ama wax kale toona, ninkii guursada gabar aan da'daa gaarinna meel buu ka dhacay oo qaanuunkuu khilaafay.
(F.G: guur la'aan in ay isu tagaan wiilka iyo gabadha ka yar 18ka sano, waxay gaaladu leeyihiin xuquuqul insaanka ayay ka mid tahay, haddaan la is qasbayn, waana in howlfududayn loo sameeyaa oo aan la carqaladayn, sida ka soo baxday shirkii haweenka looga hadlayay ee ummadaha midoobay ku qabatay caasimadda dalka Shiinaha) Haddaanse sharcigeenna fiirinno gabadhu waxay ku qaan gaari kartaa in caado ka timaaddo, caadaduna way ka imaan kartaa iyadoo sagaal jirta, waa qof mukallafa oo wax walba laga rabo qalinkuna ku socdo. Caa'isho guurkeedu wuxuu ahaa mid ay aad ugu faraxsanayd, dadkan hadda arrintaa ka hadlayana ma aanay wakiilan oo dacwo uma gudbisan, marka waa gardarro waxa ay arrintaa u dhex galaan.
Imaam Shaafici wuxuu yiri: waxaan arkay islaan 21 sano jirta oo ayeeyo ah.
Bayhaqi wuxuu sunanulkubraa (1/319) sanadkiisa kaga weriyay al rabiic Almuraadi inuu shaafici ka weriyay inuu yiri: haweenkii sida ugu dhakhsiyaha badan caado uga timid ee aan maqlo waxay ahaayeen kuwa tihaama dega, sagaal sano ayay caadadu uga timaaddaa. wuxuu kale oo bayhaqi sanadkiisa kaga weriyay xarmala inuu yiri: shaafici baa noo khabray oo yiri: Magaalada Sanca waxaan ku arkay ayeeyo 21 jir ah, waxay caado ka timid iyadoo sagaal jirta, tobanna way ku dhashay, gabadhi ay sii dhashay ayaa heshay caadadi iyadoo iyaduna sagaal jirta, tobanna way ku dhashay. waxaa shaafici warkaas oo kale uga horreeyay nin faqiih ah oo ay sufyaanuthowri isku waqti ahaayeen luguna magacaabi jiray Alxasan ibn Saalax (wuxuu dhashay sannadka hijrigu markuu ahaa 100 wuxuuna dhintay 199 hijriyadi), bukhaari wuxuu saxiixiisa ku soo arooriyay sanad la'aan in ninkaasi yiri:waxaan soo gaaray haweeney deris nala ahayd oo ayeeyo noqotay iyadoo 21 sano jirta.waxaana warkaa sanad xiriira ku weriyay Diinawari kitaabkiisa Almujaalasa wajawaahirul cilmi (1/198). warka shaafici ee hore shaaficiya badan ayaa ku sheegay kutubtooda, sida Nawawi sharaxiisa Majmuuca(2/374). wassalaamucalaykum
Waxaa ka jawaabay: Fadiilatu Sheikh Dr. Cuthmaan macalim maxamuud.
Akhriste: 1674 |