Marxuumkan hada geeryooday aabihiis AWDAHIR AFQARSHE Alla haw naxariistee waa ninka u tafaxaytay ee hurdo iyo hadhsiinaba uga tegay inuu ururiyo suugaantii dhaxal galka ahayde ee SEYID MAXAMED C/ XASAN.
Isagoo maanka iyo maskaxdaba ku hayey inay helaan jiilaalka soomalida ahe soo socdaa suugaan ay ku naaloon karaan iyo af hooyo oo kaalin macna leh ka ciyaari kara marka la joogo fagaarayaasha luuqaduhu ku beretamaan laguna soo bandhigo.
AWDAHIR AFQARSHE Alla haw naxariistee waa ninka iska leh codka cajiladaha ku duuban ee gabayada seyidka lagu uruuriyey oo malaha in badanoo somalida ka mid ahi ay codkii seyidka u haystaan mase aha ee waa kii awdaahir afqarshe.
Sidoo kale marxuumkan aabihiis waa ninka sawirkiisa lasoo dheegto marka la doonayo in qaabkii iyo muuqaalkii seyidka fahamka dadweynaha loosoo dhoweeyo, waayo aad ayey isu shabahaan siday qireen ragii noloshu la daba dheeraatay ee isu arkay labada ninka.
TAARIIKHDA SALEBAN
Saleban awdahir afqarshe Alla haw naxariistee waxa uu dhashay sanadii 1943 waxa uu ku dhashay magaalada laascaanoodka ee xarunta gobolka sool.
Isla sanadkaas saleban dhashay waa sanad umadeena somaliyed qiimo gaar ah ugu fadhiya waayo waa sanadkii la aasaasay ururkii dhalinyaradii somaliyed Somali youth league ( SYL) ee u halgamay madax banaanida dalkeena hooyo.
Saleban magaalada laascaanood ayuu ka galay malcaamadii quraanka halkaas ayuuna ku dhamaystay quraanka kariimka ah.
Isla magaaladas ayuu dugsigiisii hoose ku qaatay ka dinba wuxu u wareegay magaalada sheikh ee gobolka togdheer halkaas oo uu kasii ambaqaaday heerkiisii waxbarasho wuxuuna bilaabay dugsigii dhexe.
Halsano oo dugsigii sare ah ayuu ku qaatay dugsigii caanka ahaa ee CAMUD, intii kalelan wuxu ku dhamaystirtay dugsiga sheikh.
Saleban Alla haw naxariistee markuu ka qalin jebiyey dugsigii sare wuxuu aqoon korodhsi u aaday dalkii la odhan jiray SOVEIT UNION hadana RUSSIA loo yaqaan halkaas ayuu aqoon badan kasoo qaatay course kiisiina kusoo dhamaystay.
Badhtamihii lixdaneeyadii ayuu dalka dib ugu soo laabtay marxuumku waxa uuna ka mid noqday saraakiishii warbaahinta somalida berigaas isagoo ahaa xidig caanka ah bahda warbaahinta dhexdeeda.
Gaar ahaan wuxu ka shaqo galay idaacadii ugu caansanayd dalka waagaas waa RADIO MUQDISHO.
Saleban wuxu ka sheqeeyo radio muqdishoba horaantii todobaataneeyadii ayuu u dallacay laanta afka somaliga ee BBC-sida isagoo mar ahaa wariyayaasha ugu caansan uguna codka baxsan
Tarikhdu markay ahayd 1979 saleban alla haw naxariistee wuxu ka mid ahaa dadkii dhaliilay taliskii milateriga ahaa ee berigaas Somalia ka ariminayey, ayna la ahaatay in la raadaceeyo maamul bedela milateriga ay macangega u arkayeen ..
Wuxu saleban ku biiray jabhadii hubaysnayd ee Somali salvation democratic front (SSDF) in muddo ah ayuu ka mid ahaa dadkii jabhaadaas daadihinayey.
Ka dibna wuxu u wareegay jabhadii kale ee iyana qudheedu hubaysnayd waa Somali nation movement ( SNM).
Sidaan horayba u tibaaxay saleban alla haw naxariistee wuxu ahaa shakhsiyad ilaahay ugu deeqay haybada cod macaanka iyo luuq samida wuxuu aad uga hadli jiray loogana dhegaysan jiray idaacad ay mucaaradku lahaayeen oo la odhan jiray RADIO HALGAN.
1991 bilawgii qaran jabkii somalida markii xeedhiyo fandhaal kala dheceen ee la kala bay hoofay saleban wuxu kusoo guryo noqday magaaladii uu ku dhashay eek u barbaaray LASCANOD.
Ka dibna wuxuu ka qayb galay shirarkii nabadaynta gobolada woqooyi ee Somalia gaar ahaana kii Burco iyo Berbera, wuxuna ka ciyaaray kaalin marka laga tago kuwii goob jooga ahaa ay qireen ahmiyadeeda kuwii sheeda ka daawanayey ee geyiyada shishe joogay.
Marxuumku wuxu noloshiisa intii ugu danbaysay ku qaatay magaalada Hargaysa ee caasimada u ah jamhuuriyada la baxday Somaliland, halkaas oo xilal kala duwan ka qabtay sida agaasimaha guud ee idaacada maamulkaas iyo xoghayaha joogtada ah ee gudiga qandaraaska maamulka Somaliland.
W/Q : Aadan cige cali
Nairobi Kenya
Email : javascript:top.opencompose('softhair05@hotmail.com','','','')