Dhibaato weyn khasaare qarameed culeeyskeeda leh
iyo masiibo murugteeda leh,qaraxa ka dhacay magaaladda
Muqdisho maanta 03/12/2009 waa mid lagu tilmaami karro
masiibo weyn si gaar ahna loola beegsaday qeybo ka mid
ah laf-dhabarka iyo hogaanka Mustaqbalka Dalkeena Hooyo
waxaa si weyn igu adkaatay habkii aan qormadan u qeexi
iyo helistii erayadda kadib markii murugadu iga awood
weynaateey oohintuna indhaha qooysay(Wasiirada Halkaas
ku geeriyoodeey-Proff-Cadoow-Drs-Qamar iyo Dr-Waayeel,
Dr-Shahiid iyo Barayaashii sare,Ardeydii gacan xaq-daro
ayaa disheey cidii ka dameeysana waa dimbiilayaal qaran.

Waxaan ku tilmaami karaa masiibo
Ayaan daradeeda leh iyo fal dembiyeed naxariis daro weyn
leh qof kasta oo damiir nool iyo dareen wadaniyadeed leh
ku reebi doonta Xanuus murugeed,maxaa munaasabad qalin
Jebin ah farxadeeda leh loola beegsaday qaraxaas,koleey
anigu jawaab uma heli karaayo,waxaa si cad iigu muuqdda
Halyeeygii weyn geesigii wadaniga ahaa Proff-Ibrahim
Axmed Cadoow oo sida qoraxda uga muuqdeey halgankii
looga soo hor-jeeday duulimadii iyo xasuuqyadii ciidanka
Gumeeysiga Itoobiya ka geeysteen dalkeena hooyo Sanadihii
2006/2008 isagoo markaas cod cad oo geesinimo leh aduunka
u gaarsiiyeey tacadiyada iyo heeysashada dalkeena, marna
lama illaawi doono halgankiisii iyo doorkiisii Wasiirnimo,
Dilka ma geeridda Proff-Cadoow waa Khasaare
Culeeys weyn leh,taas si weyn ii soo xusuusisay Dilkii ama
Geeridii Halyeegii weyn,Aqoonyahankii Somaaliyeed Proff-
Ibrahim Abyaan(Madoobe)iyo Dadkii dhigooda ahaa naftooda
u huray Dalkooda hooyo,fal dimbiyeedka maanta dhacay ayaa
tusaale u ah nabadgelyo darada iyo colaada sokeeye heerka
eey gaarsiisan tahay,iyo sida aan xal u muuqan,ugaarsigga
Shakhsiyaadka qiimaha weyn ku fadhiya waa dhaawac Qaran
iyo ayaan darro joogto ah,iyadoo geeridu xaq tahay cidna
aduunka ku waareyn hadana dilka Aqoonyahanka waaweyn iyo
Ardeyda soo qalin jebisay khasaare qaran,su'aasha ayaa ah
inteeda dhibaatada dalkeena socon doontaa,goormaa caqligu
shaqeyn doonaa,goorma eeynu garan doonaa danteena guud iyo
aayo ka talinta jiritaankeeda iyo soo nooleeynta qarankii
dumeey(Bal inta lagu sheegay dhimashada qaraxaasu geeystay
ilaa 60-Qof)oo ah dad wax tar ah(caqliga iyo indhaha dalka).
Gunaanadka qormadaan gaaban waxaan halkan Tacsi uga
Diraayaa guud ahaan aqoonyahanadii,arkeeyda iyo dadkii
rayidka ahaa ee masiibadaas ku geeriyoodeey,waxaan Alle
ka tuugaayaa in Janadda ka waraabiyo,ehelkoodiina Samir
iyo iimaan ka siiyo-Aamiin,Aamiin,Aamiin.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-England-UK- 03/12/2009-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk