Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
kumuu ahaa bilaal

Cumar bin Khataab Allaha ka raalli noqdee marka agtiisa lagu xuso Abuubakar Allaha ka raalli noqdee wuxuu oran jiray Abuubakar waa sayidkeena wuxuuna xorreeyay sayidkeena isagoo u jeeday Bilal.


Bilal bin Rabbaax oo ahaa mu'adinkii Islaamka wuxuu ahaa nin aad u madow oo caato ah mana maqli jirin erayada lagu amaani jiray, marka la amaanayona hoos buu eegi jiray isagoo oran jiray waxaan ahay nin xabbashi ah shalayna waxaan ahaa nin addoon ah.


Laga bilaabo xilligii uu Islaamku bilawday ilaa maalinkan maanta ah waxaa tobankii qofoodba oo muslimiinta ka tirsan, toddoba ka mid ahi waxay garanayaan Bilal sida ay u garanayaanba labadii khaliif ee geesiyaasha ahaa oo Abuubakar bin saddiiq iyo iyo Cumar bin Khataab.


Qofkii la weydiiyo oo la yiraahdo ma garanaysaa Bilal wuxuu durba ku leeyahay waa mu'adinkii rasuulka, waa addoonkii sayidkiisa ku silcinaayay dhagaxa laguna oran jiray ku dhawaaq oo tuug Ilaahyada aan caabudno ee Laata iyo Cuza, Bilaalna ugu jawaabi jiray: AXAD..AXAD, markaasay dhibka ku saa'idi jireen kuna oran jireen ku dhawaaq waxa aan caabudno, markaasuu Bilal oran jiray: carrabkaygu ma karo kumana wanaagsana waxa aad sheegaysaan ee wuxuu karaa in uu yiraahdo: AXAD..AXAD, waxay markii danbe ku yiraahdeen dheh Rabbigaygu waa Laata iyo Cuza dhibkaaga waan ku daalnayee, markaasuu Bilal isagoo aad u dhibaataysan madaxa u ruxay oo uu yiri: AXAD..AXAD.


Abuubakar bin Siddiiq ayaa u tagay meeshii lagu silcinaayay Bilal markaasuu yiri isagoo qaylinaaya: ma waxaad dilaysaan nin leh Rabbigay waa Allah, markaasuu Ummayah qayliyay kuna yiri: ku qaado wax ka badan qiimihiisa xorna ka dhig, Abuubakar r.c. markuu iibsaday isla markiiba xor buu ka dhigay Bilal.


Markuu Islaamay Bilal waxaa argaggaxay ninkii uu la joogay oo sayidkiisa ahaa lana oran jiray Ummayah bin Khalaf iyo iyo reer banii Jamaxba waxaana ku dhacay hoog iyo ceeb iyagoo la yaab la noqotay in addoonkoodu uu Islaamay nebi Muxammadna uu raacay,rasuulkana wuxuu u doortay in uu noqdo mu'adinka Islaamka.


Ummaya wuxuu ku dhintay gacantii Bilal, wuxuuna Bilal yiri markuu uu dilaayay Ummaya oo uu seefta gelinaayay: AXAD..AXAD


Bilal wuxuu guursaday Cabduraxmaan walaashiisa oo la oran jiray Haala wuxuuna Bilal ku geeriyooday Shaam.


Rabi haga Raali noqdo Bilaal Bin Rabaax.

Wabilaahi Tawfiiq.