Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
Madaxweynaha S/land oo sikulul uga hadlay arrimo farabadan.

Madaxweyne Riyaale oo saxaafada kula haday xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in doorashooyinku ay dhacayaan markii la hagaajiso Serverka, ayna gudiga loo xilsaaray arintaas ku dhawaaqaan.

Xisbiyada Mucaaradka ah ayuu ku canaantay inay wadaan hadalo lagu burburinayo Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin in xukuumadu ay doonayso inay dib u dhigto doorashooyinka.

"Doorashooyinka waa dhacayaan mana jirto cid diidi karta, waxaanse ka digayaa in hadalada noocaas oo kale ah meelaha laga sheeg-sheego, lana ilaaliyo anshaxa" ayuu yiri Daahir Riyaale.

Mucaaradka

Madaxweyne Rayaale waxa uu eedayn u jeediyey xisbiyada mucaaradka ah, gaar ahaan xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiyihiisa Axmed Siilaanyo oo uu ku sifeeyey inuu yahay Soomaaliweyn, isla markaana socdaalka Md. Siilaanyo ee waqtigan uu ku joogo dalka Maraykanku uu yahay mid arrintaasi la xidhiidha.

Waxaannu ku dooday in isagu marka uu dibada tago uu  jaaliyadaha  Somaliland ku booriyo inay u midoobaan danaha qaranka, oo meel iska dhigaan arrimaha xisbiyada, balse uu xisbiyada mucaaridku ka shaqeeyaan kala qeybinta jaaliyadaha oo ay dadka dibada jooga qaadhaan kaga urursadaan Somaliland ma jirto.

Xisbiyada mucaaradka qaarkood ayaa dhawaan ku eedeeyay xisbiga talada haya inuu doonayo inuu xagal-daaciyo doorashooyinka, si mar kale dib loogu dhigo, waxana si weyn uga hadlay hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland.

Amniga Somaliland

Riyaale ayaa sidoo kale kaga hadlay shirkiisa jaraa'id ee uu saxaafada u qabtay qarax dhawaan ka dhacay degmada Laascaanood, isagoo sheegay inuu ahaa mid xiriir la leh kuwii horay uga dhacay Hargeysa ee lala beegsaday Madaxtooyada.

"Qarax ayaa halkan lagu sameeyay, kuwaas ayuu ka mid ahaa qaraxii ka dhacay Laascaanood, wada kooxo diidan jiritaankeena oo aanan magacaabayn" ayuu yiri Riyaale oo sheegay in maamulkiisu uu difaacayo deegaanada uu gacanta ku hayo.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu shirkiisaa jaraa'id kaga hadlay dhinaca nabadgelyada, gaar ahaan qaraxyo iyo dilal qorshaynsa oo beryahan saraakiil ciidammada ammaanka ee Gobolka Sool lala beegsanayey, waxaannu xukuumaddiisa ka fogeeyey inay lug ku leedahay arrimahaasi.

"Waxa jira waxyaabo badan oo la inala maagan yahay, qaraxii Madaxtooyada ka dhacay, waxa ayaan-darro ah inay rag mucaaradka ahi ay yidhaahdaan qaraxii halkan ka dhacay dawladda ayaa ka dambaysay, qaraxii meel heblaayo ka dhacay dawladda ayaa ka dambaysay. Dawladdu way baadhaa waanay la dagaalantaa. Waxaanan ugu baaqayaa dadweynaha inay feejignaadaan," ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Khilaafka Guurtida

Md. Rayaale waxa uu ka hadlay khilaafka ka taagan Golaha Guurtida, waxaannu beeniyey eedaymo beryahan loo soo jeedinayey oo sheegayey in xukuumaddiisu ka dambayso khilaafkaasi, isla markaana ay damacsan tahay inay xilka ka tuurto Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aada.

"Xukuumaddu wax alle waxay ka dambaysaa ma jirto, xukuumaddu waxay rabtaa inuu dalkani nabad ahaado, hay'ad kastaana inay xilkeeda si distoori ah u gudato ayey xukuumaddu la garab taagan tahay," ayuu yidhi Md. Rayaale

Hase ahaatee, waxa Madaxweynuhu ugu baaqay Shirgudoonka Golaha Guurtida inay dhexdooda ka heshiiyaan, isla markaana golaha heshiisiiyaan, waxaannu yidhi, "Guurtida farogelina kuma hayno, baaqaan u jeedinayaana waxa weeye Shirguddoonku horta inay isku yimaadaan oo ay heshiiyaan, golahoodana heshiisiiyaan, intaas oo keliya ayaa loo baahan yahay, waxa kale looma baahna, suuqa in been laga sameeyo oo warar aan jirin la tarmiyo midnaba looma baahna."

Waa markii ugu horeysay oo uu Daahir Riyaale jeediyo hadalo uu ku radinayo xisbiyada mucaaradka ah ee doonaya inay u tartamaan hogaanka Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go'day Somalia inteeda kale 1991-kii, tan iyo markii ay ka heshiiyeen dib u dhacyadii doorashooyinka.


Awrboogays.com