shirka Hol-hol waa arrin ahamiyada weyn leh waana mid guud ahaan bulsho-weyn beelaha Daraawiishtu ku eegeeysa il gaar ah kana rajeeyneeyaan in uu noqno(shirka Sama-bixiye iyo shir Taariikheed)mid lagu hanto Wadajirkii iyo cuduudii iyo caqligii Hogaanka dhaqanka ee beesha,Aqoonyahanka,Culimaa-udiinka,Wax-garadka,Dhalinta Haweenka iyo guu ahaan Bulsho-weynta.
 
Sida la wadda ogyahay shirkan ayaa ku aaday Waqti aad xasaasi ah beesha dhexdeedana wuu ka jiro khilaaf weyn iyo kala daadsanaan si weyn u dhaawacay doorkii iyo kaalinta Magac iyo maqaameedba ee Beel-weynta,taasoo si weyn looga Dareensan yahay guud ahaanba Degamada Qoomiyada Daraawiishta isla markaana abuurtay Xaaladda jaha-wareer iyo kala duwaan aragtiyeed Siyaasadeed oo dhaliishiisa leh(kala Yaac) waana mid laga dheehan karaayo mowqifyadda Garaadadda,Waxaan oran karaayaa Maanta iyo shirkaas waa talaabo loo qaaday dhanka wanaagsan iyo ka shaqeynta danta guud ee beesha hadii laga fogaado waxyaabaha keeni karaayo fashilaada sidda Mudnaan Siinta waxyaabaha ka baxsan danta Beesha,Inshaa Allha mid xoojiya Nabadgelyadda iyo Walaalnimada Beesha iyo guud ahaan Ummadda Somaaliyeed,Iftiina u noqda soo celintii Qarankii iyo Qiimahii Somaaliyeed.
 
Waa Fursad qaali ah waana shir Taariikheed reebi doona Taariikhdi dheer oo ahamiyadeeda leh iyo Talaabo weyn eey xasuusan doonaan guud ahaan Bulsho-weynta Beesha,guusha ayaa mudnaanteeda iyo qiimaheeda leh,gaarista go'aamo adag oo xasaasi ah ayaa ahamiyadooda leh iyo in hadafka koowaad noqdo mid ku saleeysan Maslaxada iyo danta guud ee Qoomiyada iyadoo laga duulaayo waxyaabaha dhacay,kuwa taagaan iyo sida Arrimuhu yihiin Maanta,Nin lagu seexdoow ha Seexaan. Guul-Gobanimo iyo Garasho Wanaagsan Alloow na Waafaji, Alloow Shir Taariikhdi aayatiin Wanaagsan leh,Alloow mid looga baxo dayaca iyio kala daadsanaanta,Aamiin-Aaamiiiiiin. -Qalinkii-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab) -England-UK- 24/01/2010- -sharifhassan50@hotmail.com.
|