Garaadka ayaan ugu horeyn waxaan wax ka waydiiyey bal xaaladiisa Caafimaad iyo Tiisa amaan wuxuuna ku jawaabay." Aad ayaan u ladanahay waana nabad qabnaa waxaana Joogaa Saaxdheer".
Garaad Jaamac waxaan sidoo kale waydiiyey bal sidey wax u dhaceen shalay wuxuuna yidhi sidan" Waxay wax u dhaceen Isimadda kale aniga wey iga soo yara Horeeyeen waxaan soo qaaday wadada laamiga ah Markaan marayey God qoboobe waxaa na soo gaadhay gaadhi uu wato Cabdi Halas oo ah wasiirku xigeenka Maaliyada ee Puntland wuxuuna igu yidhi soo socda Garaad waxba ma jiraane"
Intii aanu hadalka hayney aya waxaa la iga soo wacay Tuko raq waxaana la ii sheegay in la qabsaday Cabdi Halasna horey ayuu gudbey Yacni xaga Tuko raq."
Su'aal kale, Markaa sidee yeeshay adigu Garad? Waxaan sameeyey waxaan ku hakaday God_qaboobe oo aan joogey in badan waxaana igu soo laabtay sacado ka dib Cabdi Halas oo sida la ii xaqiijiyey la soo kulmay Maamulka Tukoraq qabsaday ee Somaliland"
Shirqool?
Waxaan sidoo kale waydiiyey bal in uu jirey shiqool isaga laftiisa lala damacsanaa ka sokoow dhamaan Isimada oo dhan?
Garaad Jama: Haa way jiraysaa taasi waayo waxaan joogey Godqaboobe waxaana taako taako ula socdey xaalada meesha ka socota Isimadii markeey Carooley Afka saareen wey soo noqdeen waxayna Yimaadeen tuko raq, waxaa jirey qorshe iska cad oo u dhexeeya labada maamul ayuu yidhi Garaadku.
Xaalada Holhol iyo shirkii?
Sidoo kale waxaan Su'aalay Garaadka xaalada iyo meesha ay isimadii kale wax u marayaan wuxuuna yidhi" Isimaddii meeshii baa lagu haystaa, ciidan ayaa dul jooga Cadaw ah oo ah kuwii laga shirayey. Waa been ma jiro shir socdaa, Sidee u socon karaa shir ay joogaan ciidankii laga shirayey ayuu is waydiiyey Garaadku".
Waxaan Garaadka waydiiyey warar sheegaya in Ciidamadu sheegeen mar hadii aan siyaasiyiin joogin waan ka baxaynaa meesha wuxuuna arintaas ku tilmaamay mid lagu qoslo. Wuxuuna sheegay in aysan dhici Karin maamul laga tashanayo in uu ogaalado gogoshii looga tashanayey in ay socoto.
Maxaa kuu Tallo ah?
Mar kale waxaan waydiiyey waxa hada u Go'aan ah maadaba xaalku halkaas marayo wuxuna yidhi sedan" dee waxaa I Go'aan ah in aan la socdo oo ogaado xaalada Isimadda lagu haysto Goobta" isla markaana aan la socdo qaabka iyo sida loola dhaqmo Isimadda SSC ee lagu Gadaaman yahay.
Digniin
Wuxuu ka digey dhibaato loo geysto Madaxdhaqameedka SSC eek u sugan Holhol. Wuxuna sheegay Cawaaqib xumo ka imaan karta hadii la isku dayo in la waxyeeleeyo Garadada iyo dhamaan Isimada ku sugan halkaasi.
Wafti ku sii jeeda Holhol.
Wuxuu sidoo kale Garaadku xaqiijiyey in dhamaan waxii xildhibaan ama kursi wasiirnimo ka hayey Maamulka Somaliland ee ka soo jeedey deegaanada SSC ay ku sii jeedaan Holhol isla markaana ay soo buux dhaafiyeen Laascaanood.
Mar aan Garaadka weydiiney bal in uu ogyahay Sababta ay u yimaadeen uguna safrayaan Holhol. Wuxuu sheegay Garaadku in ay doonayaan in ay Bah dilaan Isimaddana una sheegaan in aysan jirin cid ka celin karta maanta.
Baaqa Garaadka.
Ugu danbeyntii waxaan Garaadka weydiiney waxa uu ugu baaqayo Bulshada SSC oo aanu ka gaadhsiino. Wuxuuna sheegay in maanta loo baahan yahay in Gacmaha la is qabsado isla markaana la taageero Hogaanka SSC. Ee loo diidey in ay soo caga dhigtaan dhulka Puntland isla markana aysan jirin Isimo xoreenaya maanta SSC ee waxa la doonayo in ay xoreeyaan ay tahay shacabka, Jaaliyadaha iyo dhamaan Qori qaadka SSC meel ay joogaanba. Wuxuuna sheegay in ay mudan tahay in laga dhiidhiyo in maanta nin ka yimid Saylac oo is hortaago shir ka dhacay Nugaal Cirifkeeda danbe.
Wuxuu sheegay in aan SSC loo ogoleyn shir ay qabsadaan oo ay u madax banana yihiin Gudo iyo debedba. Wuxuuna ugu baaqay qof kastoo Damiir leh kana soo jeeda SSC in uu fududeeyo kana qayb qaato sidii ay dalka u soo geli lahaayeen Hogaanka Badbaada iyo Xoreynta. Isla markaana la is garab taago Hogaankaas. Maadaba uu yahay midhihii ka soo baxay shirkii Umadda SSC u madax banaanayd ee ka dhacay Nairobi.
Waxaa Waraysigan qaaday Suleiman Mohamud Hashi Dheere.
xigasho http://www.horufadhi.com/
Xaashidheere1@yahoo.com
Nairobi,Kenya