Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
isimada gobolka bari oo dhaliilay maamulka
Isimada Gobolka Bari ayaa dhaliilay Maamulka Puntlan iyaga oo kulamo Xasaasi ah ka yeeshan arimaha ku aadan dadka loo dhiibay Sirdoonka Ethiopia, Isimadu waxay sheegeen in Maamulka Puntlland looga baahan yahay inay ka fiirsadaan Cawaaqib xumada ka dhalan karta dadka Muslim ah oo laga Ganacso iyaga oo loo iib geeyo Dawlada shisheeye.

Kulan Albaabdu ay u xidhnaayeen ay maanta Isimadu ku sheegeen Hotel Juba ee Magaalada Bosaaso ayay waxay ku dhaliliin Xukuumada uu hogaamiyo Cade Muuse  Xirsi,waxay sheegeen inuu Cade Muuse ku guul daraystay wax ka qabasha Amaanka iyo Sicir bararka Cunta Xumada haysata Gobolada Puntland.



Isimada Gobolka Bari oo maanta kulankoodaasi aad ugaga hadlay dhibaatooyinka haystay Maamulka Puntland ayaa sheegay inay falalkaasi wadaan qaar ka tirsan Golaha wasiirada Puntland oo doonaya inay qas iyo Dagaal ka dhaco Puntland.



Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo warbaahinta kulankaasi ka dib u waramay ayaa daboolka ka qaaday inay Maamulka Puntland  ugu baaqayaan   inay ka shaqeeyeen Nabada iyo Cadaalada isaga oo farta ku fiiqay in ay jiraan Qaar ka tirsan Golaha wakiilada Puntland oo hurinaya colaad iyo in Puntland ay ka dhacaan Dagaalo sokeeye.



"Puntland waxa dhidibada loo taagay 1998- markaasi oo ay dhamaayeen dhamaan Isimada iyo Siyaasiyiinta ku haboobay Puntland ujeedka loo dhisay waxa uu ahaa in la midoobo oo la qaybsado Awooda Maamul ee markaasi la dhisay waxa dhacday inaanay la yeelin qaabkii lagu balabay wakhtigaasi"Ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Yaasin.



Isimada ayaa waxay kaloo sheegeen inaanay wax wada shaqayn ah ka dhexayn Maamulka Puntland oo ay dhawor jeer soo jeediyeen Baaqyo balse aan dheg jalaq loo siin, taasi oo ay ku tilmaameen inay keeni karto kala qayb sanaan Maamulka iyo Guurtida.



Isimada Gobolka Bari oo aad moodid inay ka shaqa badan yihiin Maamulka Puntland iyaga oo isu taaga Arimo badan oo maslaxad u ah Shacabka iyo xukuumada, waxa lagu xusuustaa Isimada G. Bari xakamayntii Makiinadii daabici jirtay Faalisda oo ay ku guulaysteen inay Albaababa u laabaan taasi oo ay horay uga caal wayeen Xukuumada Puntland inay xidhaan.