Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
Isimada ssc oo soogabagabeeyay shirarkoodii kala duwanaa ee ay ayaamkan isku horfadhiyeen

Shirkii Gollaha Isimada Dhulbahante Ee Holhol iyo Buuro Wadal:-


Waxaa shir is waraysi iyo wada tashi ku yeeshay magaalada Buuro Wadal dhamaan isimada dhulbahante,shirkaas oo horaantii lagu qabtay magaalada Holhol ee uu gogosha dhigay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.


Isimadu waxay falanqeeyeen mudarada ka haysata dadkooda duulaanka ah ee Jabhada Soomaalidiidku kusoo qaadeen qaybo kamid ah deegaamadooda,duulaankaas oo keenay barakac baahsan dadkiina ku dhibaataysanyihiin xryaha qaxootiga Ee Kenya,Ethiopia,Yemen iyo Xarumaha gobolada kale ee soomaaliya.


Waxaa nasiib darro ah in wadamada daneeya arrimaha soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ayna wax gargaara soo gaadhsiin dadkaa tabaalaysan isla markaana aanay dhaleecayn jabhadii ka danbaysay fal danbiyeedka loo gaystay shacabka magaalada Laascaanood.


Saddexdii bilood ee ugu danbeeyay waxaa xarunat deegaamada SSC ee magaalada Laascaanood ka bilaabmay qaraxyo iyo falal argagixiso oo ay ka danbeeyeen maamulkaasi,si ay fasax ugu helaan cabudhinta iyo xidhxidhka shacabka reer Laascaanood,waxaa xabsiyada magaalooyinka Mandheera,Caynaba,Burco iyo magaalada Laascaanood ku xidhxidhan ganacsato,Culumaa’udiin iyoSiyaasiyiin iyo Odayaal aan wax denbi ah galabsan.


Waxaa kaloo la barakiciyay walaalahayagii soomaaliyeed ee kasoo haajiray colaadaha ka aloosan gobolada Koonfureed oo hoy iyo hantiba ka yagleeshay deegaamadayada.


Hadaba waxaanu la socodsiinaynaa UN,Urrur goboleedka IGAD,AU,Arab League,Dawlada Federaalka iyo cid kasta oo danaysa nabadgelyada geeska afrika haddii aanay xal degdega u helin kasaarida ciidamada gardarada aan geedna loogu soo gaban ku jooga deegaamada SSC in uu ka aloosmi doono dagaal raga oo riiq dheeraada yeeshana wejiyo badan.


Hadaba waxaa muuqata in jabhadaasi aanay wax dana ka lahayn dadkooda maadaama dadka ay ka dhaxayso ceelka,carshinta iyo Cawkuba.


Haye Yeeshee marnaba uma dulqaadan doono in dadkayaga la dibindaabyeeyo iyadoo qabiil usoo huwanayo hagoog maamul.si xol loogu helo dhibaatooyinka haysta dadkayaga waxaanuna si wada jir ah isula qaadanay qodobadan.


1.Waxaanu samaynay Guddi La yidhaahdo Khusuusi.


2.Khusuusigu wxuu ka koobnaan doonaa 21 xubnood,saddex kamid ah dumaryihiin.


3.Khusuusigu wxuuu awood u leeyahay inay ansixiyaan ama bedelaan hogaankii lagu soo dhisay Nairobi.


4.Khusuusiga waxaa soo xulaya beelaha waxaana ansixinaya Isimada.


5.Khusuusigu waxay iska dhexdooranayaan gudoomiye,G.kuxigeen iyo Xoghayn.


6.Khusuusida waxay mudadoodu ku egtahay sanad iyo badh laga bilaabo maalinta la ansixiyo.


7.Khusuusiga waxaa lagu keenayaa mudo dhan 10 cisho laga bilaabo maalinta gudoonku soo baxo.


8.Khusuusiga waxaa kala diri kara isimada soo saxeexay 2/3 cod.


9.Shuruudaha Lagu soo xulayo waxaa qeexaya xeer hoosaad u gaara.


F.G:Isimada ayaa kala hadlay Puntland Hogaankii Nairobi inay soo galaan gudaha si ay ula kulmaan Khusuusida.


B.WACYI GELIN.


Waxaa la dirayaa laba wefdi oo ka kooban Isimada,Cuqaasha xubno kamid Khusuusida waxaa look ala dirayaa deegaamada SSC si ay dadka ugu soo baraarujiyaan xaalada adage lagu jiro iyo sidoo looga bixi lahaa.


C.DHAQAALAHA.


Dhaqaaluhu waa laf dhabarta lama huraanka ah ee loo baahanyahay waana arrin aan la’aanmteed waxba suuroobi karinwaxqabad rasmi ah,waxaa laysku raacay dood dheer kadib in laga raadiyo jaaliyadaha dibada iyo gudaha,wixii faahfaahin waxaa qeexaya xeer hoosaad u gaara.


D.PUNTLAND


Sida la wada ogsoonyahay saddexdii maamul ee ugu danbeeyay midba midka kale waa uga dayac iyo hagardaamo badnaa waxayna sahleen in la qabsado laguna fido qaybo kamid ah deegaamada SSC,waxayna curyaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celin lahaa deegaamadooda.


Sidaa daraadeed dhaqan iyo shacaba waxaa u cadaatay in xukuumada hada jirta aanay diyaar u ahayn waxbaqadka hawshaa,hadaba waxaanu go’aansanay in xaajadaa loo wajaho hab qabiil hormuudna aanu ka noqono beel ahaan,xukuumada waxaanu ku qiimaynaynaa hadba sida ay ka yeesho hawshan manta la gudoomiyay.


Waxaan marnaba la ilaawi Karin taageerada naf iyo maalba lahayd ee ay muujiyeen shacabka reer Puntland iskudayadii la curyaamiyay ee lagu soo celin lahaa gobolada SSC hadana waxaa looga baahanyahay Taageero Hiil iyo Hooba Leh.


Magacyada Isimada Saxeexay-


1.Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac


2.Garaad Saleebaan Garaad Max’ed Garaad Max’ud


3.Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.


4.Garaad Cabdilaahi Max’ed Guuleed.


5.Garaad Max’ud Cismaan Mashqarre.


6.Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe.


7.Suldaan Siciid Cismaan Cali.


8.Garaad Abshir Saalax


9.Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur.


10.Garaad Cali Buraale.


11.Boqor Cabdilaahi Axmed Cali


12.Garaad Cabdisalaan Xasan Max’ed.


13.Garaad Saleebaan Buraale Aw Aadan.


14.Ugaas Faarax Max’ud Cali.




   






 




 


Halkan ka dhegayso garaad mashqare oo akhriyaya go,aamadii


salsal Awrboogays.com