Ururkan isaga ah uma nidaamsanayn sida midka ka dhisan Koonfurta ee Al-Ahal, dhaqdhaqaaqiisuna ma badnayn. Waxayse wadaageen labada urur fikirka Al-Ikhwaan Al-Muslimiin oo waxay labaduba ka biyo cabi jireen dalka Masar. Dhalinyarada Waxdadu waxay lee yihiin Maktabad waxayna akharistaan kutubta Ikhwaanka Masar. Raggii ka yimid Koonfurta oo shaqooyinka loogu soo badalay Waqooyiga waxay dhex galeen dhalinyaradii Waxdada waxayna isku dayeen inay ururkoodi Al-Ahal kusoo daraan, waxayse kala kulmeen xooga yar oo iska caabin ah, maadaama urur dhisan ay yihiin, sida caadiga ahna urur kuma biiro urur kale inay midoobaan maahee. Dhalinyaradii Waxdada kuwoodii ugu firfircoonaa waxa lagu casumay Muqdisho si madaxdii Al-Ahal loogu geeyo oo looga soo dhaadhiciyo inay kusoo biiraan Koonfurta. Dhalinta dacwada ka waday Waqooyiga waxa ka mid ahaa C/qadir Xaji Maxud, Xasan C/salan, Ismacil, C/raxman Garweyne, Max’ed Yusuf iyo Mustafa Xaaji Haaruun. Madaxdii Al-Ahal ee Muqdisho waxay ku guulaysteen inay kusoo daraan ururkooda inta badan dhalinyaradii Waqooyiga marka laga reebo Sh. Mustafa Xaaji oo isagu diiday inuu ku biiro Al-Ahal. Sidaasna waxa ku burburay ururkii Waxdatu Al-Shabaab maadaama intii badnay ay ku biireen Al-Ahal.
Sidaas wadanka oo dhan wuxu ku yeeshay hal urur oo ah Al-Ahal uuna u madax yahay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo markaan masaafuris ku jooga Makka, Sacuudiga.
1977 dagaalkii Itoobiya iyo Soomaliya oo socda, amiirkii Al-Ahalna uu qaxooti ku yahay Sucuudiga ayaa waxa u yimid rag fikir ahaan ay ka midaysnaayeen fikradda Ikhwaanka. Ragaas oo dhigan jiray jaamacadihii Sucuudiga si gooni ahna iskugu xirnaa ayaa waxa ka mid ahaa Dr. Cali-Dheere oo hada madax ka ah Jaamacadda Muqdisho iyo Dr. Max’ed Yusuf waxayna u soo bandhigeen Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo amiirka Al-Ahal ah inay midoobaan soona nooleeyaan ururkii burburay ee Al-Nahda ee ay ka mid ahaayeen Sh. Max’ed Macalim Xasan, Sh. Max’ed Garyare, Sh. C/qani iyo culumo kale ayna qaataan magacaas Al-Nahda. Sh. C/qadir waa ku gacan-seyray codsigaas, wuxuna cilad uga dhigay diidmadiisa in culumadaas qaarkood ay qaaliyaal u yihiin dowladda sidaas darteedna aan waxba lagu darsan karin. Fikradda Takfiirka oo uu qaadan doono mardhow ayaa kasoo dhadhamaysa jawaabta Sh. C/qadir, wuxuna iyaga usoo bandhigay inay kusoo biiraan ururkiisa, iyaguna waxay u sheegeen in ururka Al-Ahal laga soo buuxiyo dhalinyaro yar yar oo aan aqoon iyo da’ toona u saaxiib ahayn aysana ku biiri karin, waxayna u sheegeen in haddii guul laga rabo ururkaan la hoos geeyo midkii culumadda. Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo aan raali ka ahayn in ururkiisa lagu soo daro qof isaga ka da’ wayn iska daa inuu ku biiro urur kale oo culumo ay hogaaminaysee ayaa albaabka ka xirtay dalabki uga yimid ragaas.
Iyadoo xiisadaas ay taagan tahay, ayaa hadana waxa loosoo bandhigay Sh. C/qadir in ururka Al-Ahal uu ka qayb qaato dhaqaale loo aruurinayo dadka dagan Soomali-Galbeed ee uu saameeyay dagaalka Itoobiya iyo Soomaliya, laakin Sh. C/qadir waa diiday in ururkiisu uu faraha la galo arimaha dagaalkaas dhan walba.
Markii labadaas dhacdo ay dheceen ayaa rag uu hor kacayo Dr. Cali-Dheere waxay u tageen Sh. Max’ed Gar-Yare waxayna halkaas ku dhisteen urur loo bixiyay Al-Islaax oo Amiir looga dhigay Sh. Max’ed Gar-Yare. Labada urur Al-Ahal iyo Al-Islaax waa isku fikir oo labaduba waxay aaminsan yihiin fikradda Al-Ikhwaan Al-Muslimiin oo Masar ayay ka biyo cabaan labaduba, qilaafka kaliya ee u dhexeeya waa inta aan kor kusoo sheegnay. Waqtiga la aasaasay Al-Islaax waa 1978.
Burburkii Al-Ahal Oo Soo Dhawaaday.
Madaama hogaanka Al-Ahal ay hayaan dhalinyaro cilmigoodu yar yahay xubnaha ururkana ay mar walba u kordhayso cilmi iyo da’ waxa soo baxayay mar walba su’aalo la is waydiinayay iyo amardiido dhalinyarada dhexdeeda ah. Waxa la joogaa Sucuudiga, waxaana is qabtay markaan dhalinyaro u bogi waayay qaabka hogaaminta amiirkooda iyo Sh. C/qadir oo amiirkii ururka ah, waxana ka mid ahaa ragas ku dhaga adayga amiirkooda Yuusuf Food-Cadde, C/salam Cismaan C/salaam
iyo Max’ed Turki. Wuxuna go’aan ku gaaray Sh. C/qaadir inuu ka saaro ragaas ururkiisa isagoo aan waliba u sheegin inuu ka saaray ururka. Wuxu kaloo amar ku bixiyay Sh. C/qaadir in ragaas aan loo sheegin in laga saaray ururka, isla markaana aan loo sheegin shirarka iyo dhaqdhaqaaqyada ururka oo laga gaabsado warkooda. Iyadoo xaalku uu sidaas yahay ragiina laga goostay xiriirka oo ay layaaban yihiin meel laga soo galay, ayaa waxa Xamar ka yimid nin la yiraahdo Sh. C/salam Sh. Ibraahim (Rabi ha u naxariistee) waxana loo sheegay amarka kasoo baxay amiirka iyo ragga laga saaray ururka. Arinkii ayaa la xumaaday Sh C/salaam wuxuna codsaday in dhalinyarada oo dhan loo balamiyo maadaama uu ka yimid dalkii si uu warbixin u siiyo. Raggii laga saaray ururkana isagaa ugu yeeray goobta lagu balamay. Markii uu warbixinta dhiibay ayuu shirkii ka dhex sheegay in ragaan laga saaray ururka aanana loo sheegin, ficilkaasna uusan ahayn wax wanaagsan. Mudo yar kadibna wuxu dib ugu laabtay Muqdisho iyadoo xaalka dhalinyaradii Sucuudiga joogtay uu aad u kacsan yahay oo qaarkood ay ka bexeen ururkii kuna biireen ururkii cusbaa ee Al-Islaax.
Dhanka Muqdisho wali ma uusan gaarin kacdoonka ka bilowday Sucuudiga maadaama ragga Soomaliya ay indho xiran yihiin, halka kuwa Sucuudiga joogay ay u furmeen dhagihii iyo indhihiiba. Dhalinyaradii Soomaliya dacwadoodii ayay iska wataan, waxayna isku kala qaybiyeen qaybo badan oo kala ah ardayda, shaqaalaha, macalimiinta, ciidamada. Sirdoonkii dowladdu daba gal ayuu ku hayaa oo qarsoodi ayaa loo shaqeeyaa. Qaybaha loo qaybsan yahay lama ogala inay isbartaan oo ardaydu waxay isku haystaan in ururkaan uu yahay mid ardayda kaligood ay leeyihiin oo qof kale uusan ku jiri. Shaqaaluhu sidoo kale, macalimiintuna sidoo kale. Waxaase jira gudi ka kooba siddeed wiil oo dhalinyaro ah oo wada yaqaana dhamaan qaybaha oo dhan, loomana ogala inay is baraan qaybahaas kala xirxiran. Howsha la wado dacwo kaliya maaha oo waxaa loo diyaar garoobayaa sidii loo afgambin lahaa dowladda. Qaybtii ciidamada waa la kordhiyay diyaargarowgooda. Saraakiishii aan kor kusoo sheegnayna waa bateen, waxana ka mid ahaa Xasan-Mahdi, C/samad C/lahi, C/raxman Sh. Cumar, C/casiis Guureye Kaarshe, Xasan Daahir Aweys (C. Asluubta) Aadan Dhaga-Seyn, Saadaq Eenow, Cali Muuse Ciise iyo rag kale. Wakiilkii amiirka ee Soomaliya Cisman Cabdule Rooble waa la xiray, waxana lagu badalay wakiil cusub oo la yiraahdo Xuseen Cali Xaaji.
Iyadoo halkaas xaalku marayo sannadkii 1978-na uu dhamaad ku dhow yahay ayuu amiirkii ururka Al-Ahal Sh. C/qadir Sh. Max’ud wuxu ku qancay oo qaatay fikirka Takfiirka. Waxaana ku qanciyay fikradaas macalim Masri ah oo Jaamacadaha Sucuudiga midood wax ka dhigi jiray. Macalimkaan ayaa ka mid ahaa xubnihii ururka Ikhwaan Muslimiinka Masar qaybta ku qanacday fikirka Sayid Qudub ee Takfiirinta umadaha Islaamka ah dowladahooda iyo shucuubtaba. Wuxuna macalimkaas muddo
yar kahor kasoo baxay xabsigii Jamaal C/naasir madaxweynihii Masar.
Sh. C/qadir Sh. Max’ud markii uu ku qanciyay rag badan oo Sucuudiga la joogay fikirkii Takfiirka ayuu saddex nin u kala diray Soomaliya, Kenya iyo Suudaan si ay xubnihii ururka Al-Ahal oo dhan uga soo dhaadhiciyaan fikradaan Takfiirka ah.
Ururkii Al-Ahal Intiisa Badan Oo Takfiir Noqday & sideey ku noqotay lasoco qaybtaasi
|