Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
urur diimeedkii kala duwanaa ee soomara cariga soomaaliya(qaybta kooowaad)
















Ragaas oo dhigan jiray jaamacadihii Sucuudiga si gooni ahna iskugu xirnaa ayaa waxa ka mid ahaa Dr. Cali-Dheere oo hada madax ka ah Jaamacadda Muqdisho iyo Dr. Max’ed Yusuf waxayna u soo bandhigeen Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo amiirka Al-Ahal ah inay midoobaan soona nooleeyaan ururkii burburay ee Al-Nahda ee ay ka mid ahaayeen


Sh. Max’ed Macalim Xasan, Sh. Max’ed Garyare, Sh. C/qani iyo culumo kale ayna qaataan magacaas Al-Nahda. Sh. C/qadir waa ku gacan-seyray codsigaas, wuxuna cilad uga dhigay diidmadiisa in culumadaas qaarkood ay qaaliyaal u yihiin dowladda sidaas darteedna aan waxba lagu darsan karin. Fikradda Takfiirka oo uu qaadan doono mardhow ayaa kasoo dhadhamaysa jawaabta Sh. C/qadir, wuxuna iyaga usoo bandhigay inay kusoo biiraan ururkiisa, iyaguna waxay u sheegeen in ururka Al-Ahal laga soo buuxiyo dhalinyaro yar yar oo aan aqoon iyo da’ toona u saaxiib ahayn aysana ku biiri karin, waxayna u sheegeen in haddii guul laga rabo ururkaan la hoos geeyo midkii culumadda. Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo aan raali ka ahayn in ururkiisa lagu soo daro qof isaga ka da’ wayn iska daa inuu ku biiro urur kale oo culumo ay hogaaminaysee ayaa albaabka ka xirtay dalabki uga yimid ragaas.


Iyadoo xiisadaas ay taagan tahay, ayaa hadana waxa loosoo bandhigay Sh. C/qadir in ururka Al-Ahal uu ka qayb qaato dhaqaale loo aruurinayo dadka dagan Soomali-Galbeed ee uu saameeyay dagaalka Itoobiya iyo Soomaliya, laakin Sh. C/qadir waa diiday in ururkiisu uu faraha la galo arimaha dagaalkaas dhan walba.


Markii labadaas dhacdo ay dheceen ayaa rag uu hor kacayo Dr. Cali-Dheere waxay u tageen Sh. Max’ed Gar-Yare waxayna halkaas ku dhisteen urur loo bixiyay Al-Islaax oo Amiir looga dhigay Sh. Max’ed Gar-Yare. Labada urur Al-Ahal iyo Al-Islaax waa isku fikir oo labaduba waxay aaminsan yihiin fikradda Al-Ikhwaan Al-Muslimiin oo Masar ayay ka biyo cabaan labaduba, qilaafka kaliya ee u dhexeeya . Waqtiga la aasaasay Al-Islaax waa 1978.


Burburkii Al-Ahal Oo Soo Dhawaaday.


Madaama hogaanka Al-Ahal ay hayaan dhalinyaro cilmigoodu yar yahay xubnaha ururkana ay mar walba u kordhayso cilmi iyo da’ waxa soo baxayay mar walba su’aalo la is waydiinayay iyo amardiido dhalinyarada dhexdeeda ah. Waxa la joogaa Sucuudiga, waxaana is qabtay markaan dhalinyaro u bogi waayay qaabka hogaaminta amiirkooda iyo Sh. C/qadir oo amiirkii ururka ah, waxana ka mid ahaa ragas ku dhaga adayga amiirkooda Yuusuf Food-Cadde, C/salam Cismaan C/salaam Max’ed Turki. Wuxuna go’aan ku gaaray Sh. C/qaadir inuu ka saaro ragaas ururkiisa isagoo aan waliba u sheegin inuu ka saaray ururka. Wuxu kaloo amar ku bixiyay Sh. C/qaadir in ragaas aan loo sheegin in laga saaray ururka, isla markaana aan loo sheegin shirarka iyo dhaqdhaqaaqyada ururka oo laga gaabsado warkooda. Iyadoo xaalku uu sidaas yahay ragiina laga goostay xiriirka oo ay layaaban yihiin meel laga soo galay, ayaa waxa Xamar ka yimid nin la yiraahdo Sh. C/salam Sh. Ibraahim (Rabi ha u naxariistee)


waxana loo sheegay amarka kasoo baxay amiirka iyo ragga laga saaray ururka. Arinkii ayaa la xumaaday Sh C/salaam wuxuna codsaday in dhalinyarada oo dhan loo balamiyo maadaama uu ka yimid dalkii si uu warbixin u siiyo. Raggii laga saaray ururkana isagaa ugu yeeray goobta lagu balamay. Markii uu warbixinta dhiibay ayuu shirkii ka dhex sheegay in ragaan laga saaray ururka aanana loo sheegin, ficilkaasna uusan ahayn wax wanaagsan. Mudo yar kadibna wuxu dib ugu laabtay Muqdisho iyadoo xaalka dhalinyaradii Sucuudiga joogtay uu aad u kacsan yahay oo qaarkood ay ka bexeen ururkii kuna biireen ururkii cusbaa ee Al-Islaax.


Dhanka Muqdisho wali ma uusan gaarin kacdoonka ka bilowday Sucuudiga maadaama ragga Soomaliya ay indho xiran yihiin, halka kuwa Sucuudiga joogay ay u furmeen dhagihii iyo indhihiiba. Dhalinyaradii Soomaliya dacwadoodii ayay iska wataan, waxayna isku kala qaybiyeen qaybo badan oo kala ah ardayda, shaqaalaha, macalimiinta, ciidamada. Sirdoonkii dowladdu daba gal ayuu ku hayaa oo qarsoodi ayaa loo shaqeeyaa. Qaybaha loo qaybsan yahay lama ogala inay isbartaan oo ardaydu waxay isku haystaan in ururkaan uu yahay mid ardayda kaligood ay leeyihiin oo qof kale uusan ku jiri. Shaqaaluhu sidoo kale, macalimiintuna sidoo kale. Waxaase jira gudi ka kooba siddeed wiil oo dhalinyaro ah oo wada yaqaana dhamaan qaybaha oo dhan, loomana ogala inay is baraan qaybahaas kala xirxiran. Howsha la wado dacwo kaliya maaha oo waxaa loo diyaar garoobayaa sidii loo afgambin lahaa dowladda. Qaybtii ciidamada waa la kordhiyay diyaargarowgooda. Saraakiishii aan kor kusoo sheegnayna waa bateen, waxana ka mid ahaa Xasan-Mahdi, C/samad C/lahi, C/raxman Sh. Cumar, C/casiis Guureye Kaarshe, Xasan Daahir Aweys (C. Asluubta) Aadan Dhaga-Seyn, Saadaq Eenow, Cali Muuse Ciise iyo rag kale. Wakiilkii amiirka ee Soomaliya Cisman Cabdule Rooble waa la xiray, waxana lagu badalay wakiil cusub oo la yiraahdo Xuseen Cali Xaaji.


yar kahor kasoo baxay xabsigii Jamaal C/naasir madaxweynihii Masar.


Sh. C/qadir Sh. Max’ud markii uu ku qanciyay rag badan oo Sucuudiga la joogay fikirkii Takfiirka ayuu saddex nin u kala diray Soomaliya, Kenya iyo Suudaan si ay xubnihii ururka Al-Ahal oo dhan uga soo dhaadhiciyaan fikradaan Takfiirka ah


Ururkii Al-Ahal Intiisa Badan Oo Takfiir Noqday.


Sida gudoomiyihii Al-Ahal iyo inta badan raggii la joogay Sucuudiga waxay qaateen fikradii Takfiirka, wuxuna saddex nin oo ka tirsan Al-Ahal u kala diray wadamadii ay ku badnaayeen xubnaha Al-Ahal. Soomaliya wuxu u diray C/qaadir Aw-Muuse oo ganacsade ahaa. Kenya wuxu udiray Aadan Dheere oo arday ka ahaa Sucuudiga. Suudaana wuxu u diray Axmed Nuur Carab oo isna arday ka ahaa Sucuudiga. Labada nin ee loo kala diray Soomaliya iyo Kenya way ku guulaysteen howshii loo diray oo inta badan xubnihii Al-Ahal waxay si fudud ku qaateen fikradii Takfiirka. Ninkii loo diray Suudaan waa ku guuldaraystay, maadaama dhalinyaradii Suudaan joogtay badan kood ay jaamacadaha dhiganayeen oo yaqaaneen in fikrada Takfiirku ay tahay mid qaldan. Soomaliya iyo Kenya khidad fiican ayuu u dagay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo fikirka Takfiirka waxa markii hore lagu shubay dhalinyaradii yaryarayd intii wax aqrinkartay dib ayaa loo dhigay, si aysan dood iyo su’aalo ukeenin, waxayna ka warheleen arinka mar dhalinyaradii oo dhan laga dhigay Takfiir.


Raggii ka tirsanaa Al-Ahal oo diiday inay qaataan Takfiirka waxa ka mid ahaa Sh. Axmed Daahir Aweys, Sh. C/qaadir Cukaasha, Sh. Xasan Daahir Aweys, Sh. Max’ud Ciise Max’ud, Axmed Cali Axmed, C/qaadir Jaziira, Cali Abshir, C/salaam Sh. Ibraahim iyo rag kale oo dhowr ah. Rag uu ka mid yahay Sh. Max’ed Cabdi Daahir waa galeen Takfiirkii laakin kuma daahin oo isla markiiba waa kasoo bexeen, isagaana sabab u ahaa intii kasoo baxday. Dhamaan intii kale xubnihii Al-Ahal waxay galeen Takfiirka. Intii diiday inay galaana waa laga saaray ururkii, waxaana loo bixiyay Tasliimiyiin oo ay ula jeedaan (kuwo Muslim ku magacaaba dad gaalo ah) waxana halkaas ka dhalanaysa in ragga diiday fikirka Takfiirka laftirkooda la gaalaysiiyo. Sidaas ururkii Al-Ahal wuxu isku badalay kuligiis urur Takfiir ah oo ilaa hada wali ka jira Soomaliya haba taagdaraadee. ahaa nin la yiraahdo C/qaadir Xaaji oo loo yaqiinay Garweyne. Halkaas waxa Somaliya ay ku yeelatay saddex urur, Al-Ahal, Al-Islaax iyo Waxdatu Shabaab


Ururkii Al-Ahal ee ugu horeeyay wuu burburay wuxuna u kala jajabay afar urur oo afartuba uu manhajkoodu yahay manhajka Ikhwaanka, waxayna kala ahaayeen:


1. Takfiir uu hogaamiyo Sh. C/qadir Sh. Max’ud


2. Islaax uu hogaamiyo Sh. Max’ed-Garyare.


3. Waxtadu Shabaab uu hogaamiyo Sh. C/qadir Garweyne


4. iyo Jamaaca Islaamiya uu hogaamiyo Sh. Max’ud Ciise.


Jamaaca Islaamiya waxay ku qaadatay laba sanno inay xadidaan awoodii Takfiirka, shacabka intiisa badana ay ka dhaadhiciyeen in fikirkaas uu qaldan yahay oo aan lagu kalsoomin. Sida aan kor kusoo sheegnay Jamaaca Islaamiya waxay ka faa’idaysatay qaladaadkii Takfiirka, waxayna aqriyeen kutub aan horay loo ogolayn in la akhriyo, waxayna halkaas ka barteen Towxiidul Cibaada, oo ah in Rabi kaliya loo kali yeelo Cibaadada oo aan lala wadaajin baryaha, talasaarashada, rajada, cabsida iyo jaceylkaba inta uu abuuray, kaligiisna uu muto arimahaas. Waxay halkaas uga hareen Suufiyadii iyo Xadradii lagu dhex waday ururkii Al-Ahal.


Lasoc Qaybta kale inshalah