Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
urur diimeedkii kala duwanaa ee soomara cariga soomaaliya(qaybta 4










 


Nuska kale wuxu ka ahaa Salafi oo waxay qabeen in dadka la baro Towxiidka lagana soo reebo shirkiyaadka iyo quraafaadka, arinkaasna si muuqata ayay ugu guulaysteen oo dad badan ayaa Rabi sababtood uga soo reebay quraafaadkii ay ku jireen. Hadaan tusaale yar ka keeno labada manhaj ee isku dhafan ee Itixaadku qaatay, waxa manhajka waxbarashada laga dhigay kutubta culumada soo socota: Sayid Qudub, Max’ed Qudub, Mowduudi, Abul Xasan A-Nadawi, Fatxi Takan, C/qadir Cowda, Siciid Ramadaan Buudhi oo kuligood ah manhajka Ikhwaanku ku taagan yahay. Kutubta manhajka kale ee Salafiga waxa qoray Ibnu-Taymiya, Ibnu-Qayim Al-Jawsiya iyo Sh. Max’d C/wahaab. Waxayna ragga qaarkiis qabaan in Itixaadku uu maalinkaas si buuxda uga laabtay manhajkii Salafiga ee uu sheegan jiray. Itixaadku waxay isku yaqaanaan iyagu inay yihiin Salafiyo, oo ma ogola in lagu magacaabo Ikhwaan Muslimiin inkastoo ay nus ka yihiin. Laakiin ururada kale ee tartanku kala dhexeeyo iyo shacabka Soomaliyed waxay Itixaadka ku magacaabaan inay yihiin Wahaabiyo, oo loola jeedo u tiirin loo tiirinayo Sh. Max’ed CabdiWahaab oo u dhashay Sucuudiga ahaana ninkii ka sifeeyay dhulkaas shirkiga iyo quraafaadka.


Markii ay isku darsameen Jamaaca Islaamiyo iyo Waxdatu Shabaab oo waqooyiga ka dhisnayna ayna la bexeen Itixaad Islaami, waxa arinkii soo faragaliyay Sh. Max’ed Macalim Xasan oo la kulmay rag u dhashay Waqooyiga oo ku biiray ururka cusub, wuxuna u sheegay Shiikhu in culumadii Waqooyigu ay afka u galeen Wahaabiyo ayna ka tageen manhajkii Ikhwaanka, taasina waxay keentay in ragaas iyo intii kale ee ay heli kareen ay ka bexeen Itixaadkii ayna dib u dhisteen ururkoodii hore ee Waxdatu Shabaab. Ururadii Somalidu mar kale ayay noqdeen 5 urur oo labadii isku darsantay ayaa koox kale ay ka go’day.


Shantii urur waxa ugu orod dheeraaday Itixaadka, waxana kaalinta labaad galay Islaaxa. Saddexdii urur ee kale Waxdatu Shabaab waxay ku koobnaayeen Waqooyiga oo tartan xoog leh uu kala dhexeeyay Itixaadka oo awood ku lahaa. Ururkii Takfiirku waa iska shiiqay, waxayna ku koobmeen inay dumarka ka furaan ragooda iyagoo u sheegaya in ragoodu ay gaalo yihiin aysana ku xirmin, iyo inay ka digaan masaajidda iyo hilbaha kawaanada lagu qalo. Ururkii Ikhwaan Muslimiin ama Aala-Shiikh sida Somalidu u taqaano awoodoodu ma faafin ilaa laga soo gaaro wixi ka dambeeyay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Waxana sabab u noqotay faafid la’aantooda Sh. Max’ed Macalim oo dartiis loo dhisay ururkaas oo diiday inuu ku biiro.


Fagaarihii dagaalka waxa iskugu soo haray markaan Itixaad iyo Islaax waxana dhex maray loolan iyo dagaal aad u xoogan oo la mid ah midkii dhex maray jabhadihii qabaa’isha, laakin ururadaan diiniga ah hub ma aysan haysan waqtigaas. Ururba ururka kale ayuu ka faafiyay wixii ceeb iyo cilad uu lahaa, waxayna isku tilmaameen inay u kala shaqeeyaan wadamada Sucuudiga iyo Masar. Ardada dhigata iskoolada iyo jaamacadaha inta aanan la barin waajibaadka Rabi ku leeyahay, urur walba wuxu baraa ururka kale iyo khatartiisa wuxuna u sheegaa ardayda inay iska ilaaliyaan ururkaas kasoo horjeeda. Naceybku wuxu gaaray heer gabdhaha la isku diido oo haddii wiil urur ka tirsan uu doono gabar uu dhalay oday ururka kale ka tirsan, waa loosoo diidi jiray. Haddii nin ka tirsan labada urur midkood uu ka baxo ururkii waxa ururka kale uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli jiray inuu soo xera gashto


ninka ka baxay ururka kale, haddii uu ku guulaystana waxay u noqon jiray farxad iyo rayn-rayn, halka ururkii kale uu ka murugoon jiray ninka ka raacay ururka kale.


Taasi waa ururada dhexdooda, markaanse fiirino halka urur dhexdiisa waxa ka dhexeeyay dagaal awoodeed iyo mid dhaqaale, waana sababta keenaysay in ragga qaarkood ay ka caroodaan ururkaan oo ka baxaan isla markiina ay galaan ururkii kasoo horjeeday. Haddii waxbarasho dibadeed ay soo baxdo waa lagu dagaali jiray, waxana heli jiray ardayda la qaraabada ah ragga madaxda ka ah ururkaas. Tusaalooyin kooban ayaan ku keeni doonaa qoraalka qaybta 9aad haddii Rabi idmo.


Xaga qaabka lagu gaarayo kursiga way ku kala duwanaayeen labada urur oo ururka Islaax wuxu xooga saaray dhanka doorashoyinka iyo baarlamaanada in la galo, inkastoo ay sugan tahay in xubnaha ururkaas ay ka qayb qaateen kacdoonkii dhiiga badan uu ku daatay sannadkii 1989 oo ka dhacay masaajidka Sh. Cali Suufi. Laakin ururka Itixaad wuxu rumaysnaa inaan dowlad Islaami ah la dhalin karin ilaa dhiig badan loo daadiyo Jihaadna la galo, laakin waxaysan is waydiin yaa lala jihaadayaa yaase jihaadaya.


Dowladdii Kacaanka Oo Mar Kale Xirxirtay Xubnihii Ururada.


Bartamihii 1986 ayay dowladii Kacaanku heshay qaab dhismeedka ururka Itixaad iyo dhamaan xubnaha ku jira, waxayna ku dhacday arintaasi kadib markii ciidanka Guul-Wadayaashu ay usoo galeen guri uu cashar ku aqrinayay wiil Itixaad ah, casharkaasoo uu siinayay dumarka xaafada. Wiilkii ayaa la diriray Guulwadayaashi damcay inay qabtaan wuxuna midi ku dhuftay mid ka mid ah ciidankii, halkii ayaana lagu qabtay oo lagu xiray. Ciidankii nabad-sugidda ayaa ka hadliyay wiilkii wuxuna sheegay dhamaan magacyada xubnihii ururka iyo qaab-dhismeedka ururka. Taasina waxay keentay olole balaaran oo lagu qaaday culumadii dalka oo dhan guud ahaan, gaar ahaana kuwii Itixaadka. Waxay noqdeen wax la qabtay iyo wax baxsaday oo dalka dibada uga baxay. Culumadii baxsatay ee ururka Itixaad waxa ka mid ahaa amiirkii ururka Sh. Cali Warsame,Sh. Max’ed Cabdi Daahir, Sh. C/qadir-Gacamey, Sh Max’ud Ciise iyo Sh. C/qadir Cukaasha. Waxa kaloo baxsaday rag aan Itixaadka ahayn oo uu ka mid ahaa Sh. Max’ed Axmed Rooble Boqolsoon. Sh. Boqolsoon mudo gaaban ayuu galay ururka Islaax, kumase raagin oo wuu ka cararay markuu arkay dhaqanka ururada Islaamiga ah.


Raggii la xiray qaarkood waxa lagu xukumay dil toogasho ah sida Sh. Xasan Daahir Aweys, iyo Sh. C/casis Faarax oo lagu dilay dagaalkii Bari ku dhex maray Itixaad iyo SSDF (Rabi ha u naxariistee) qaarkoodna waxa lagu xukumay xabsi daa’in, halka qaar kale lasoo daaday qabiilka ay u dhasheen awgiis. Iyadoo lagu fulin rabo dil toogasho ah raggii la xukumay ayaa waxa arinka soo fara galiyay boqor Fahad-kii Sucuudiga wuxuna ka codsaday madaxweyne Max’ed Siyaad Barre inuu cafiyo culumadaas, sidaas ayayna uga soo bexeen xabsigii. Waxa wax lala yaabo ah in ragaas xabsiga laga soo daayay qaarkiis ay wali aaminsan yihiin in boqor Fahad iyo Max’ed Siyaad ay ahaayeen gaalo, diinta Islaamka ka baxay. Ururkii Islaax xubihiisa qaar baa la xirxiray sida Sh. Nuur-Baaruud. Waxa kaloo jira culumo aan ka tirsanayn wax urur ah oo u shaqayn jiray Hay’adda Iftaha Sucuudiga oo iyagana la xiray, laakin dhamaantood waa la soo daayay mudo ka dib.


q10


Qilaafaadka Urur Walba Dhexdiisa Ka Jiray.


Ururka Al-Itixaad Al-Islaami.


Waxan kor kusoo sheegay in ururada dhexdooda uu ka dhexeeyay qilaaf, tartan iyo dacaayad aad u xoogan oo mararka qaarkood ku dhawaata inay cadowgooda isku gacan galiyaan. Markaana waxan fiirin doonaa qilaafka ka jira urur walba dhexdiisa.


Aan ku horayno ururka Itixaad oo ahaa ururka ugu waynaa Somaliya. Ururkaan xubnihiisa waxa ku jiray rag badan oo jaamacado uga soo baxay Sucuudiga, xiligaas isaga ahna waxa jiray hay’ad Sucuudigu maal galiyo oo la yiraahdo Daarul Iftaa ama (Iftaha) hay’adaan waxay mushaar joogto ah siin jirtay ardayda kasoo baxda Sucuudiga qaarkood oo dacwada ka wada dalalkooda. Somaliya waxay ku lahayd xafiis wayn oo arimahaas qabta. Waxa dhacday in hay’adaas ay dalbatay in shaqaalihii ay mushaarka siin jirtay laga soo xulo rag toban gaaraya oo loo diro Suudaan oo siminaar dacwo ah ay uga qayb galaan. Markii lasoo xulay raggii dhamaantood waxay noqdeen qabiilka Daaroodka ah oo hal nin oo ka mid ah uma uusan dhalan qabaa’isha kale ee Soomaliyeed, gaar ahaan Hawiye iyo Isaaq. Qabiilkii Isaaqu wuu iska samray oo dood kama keenin arinkaas, laakin xubno ka mid ah beesha Hawiye ayaa dood iyo dacwo ka keentay arinkaas. Raggii Hawiye ee buuqay ugu dambayntiina ka baxay ururka Itixaad waxa ka mid ahaa Sh. C/raxmaan Abtiyoow, Sh. C/salam Xasan Gacal (Rabi ha u naxariisto) Sh. Siciid-Gurey (Rabi ha u naxariisto) iyo rag kale. Waxayna dacwo kusoo oogeen Sh. C/lahi Cali Xaashi iyo Sh. C/qadir Gacamey. Eedayntii ahayd in hal qabiil lasoo xulay waxa u wehliyay labadaas shiikh oo lagu maxkamadeeyay in markii la tagay Suudaan ay kusoo dareen ururka rag aanan soo buuxin shuruudihii ka mid noqoshada ururka, waxana ka mid ahaa ragaas Sh. Xasan Turki oo markaas muddo yar ka hor kasoo baxay ururka Islaax. Maxkamadiina waxa lagu dhameeyay xaal mustuur, laakin ragga aan kor kusoo sheegay ma qancin oo way iskaga bexeen ururka, waxayna u arkeen sadbursi inuu ka dhex socdo Itixaadka dhexdiisa.


Isla waqtigaas mudo yar ka dib waxa la galay doorasho Shuurada Itixaad, waxana Muqdisho raggii kasoo baxay ugu batay mar kale beesha Daarood. Sidii lagu yaqaanay beesha Isaaq waa iska samreen, waxaase dood iyo dacwo kale keenay xubno ka tirsan beesha Hawiye oo ay hormuud ka yihiin Sh. Cali-Wajiis iyo Sh. Xasan Calasow. Qilaaf kale oo kii hore ka wayn ayaa hadana ka dhex dhashay ururkii Itixaadka. Inkastoo la heshiiyay hadana boogtii ma biskoon oo ugu dambayntii labada Shiikh ee kore waa ka bexeen ururkii Itixaad inkastoo ay kala dambeeyeen.


Waxa xigay sanadkii 1988 in dagaalo xoog leh ay ka dheceen gobolada waqooyi, dagaaladaso u dhexeeyay jabhaddii SNM iyo dowladdii xiligaas jirtay. Waatii dadka waqooyigu ay wada qexeen oo diyaarado lagu duqeeyay, magaalooyinkiina ay burbureen. Dhalinyaro ka tirsan beesha Isaaq ayaa soo jeediyay in la bilaabo Jihaadkii lagu balamay oo


dowladaan gaalada ah laga celiyo shacabka Muslimiinta ah" waa sida ay hadalka u dhigeene. Lakin waa lagu diiday arinkaas waxana go’aan ay ku gaareen xubnihii Shuurada Itixaadku in dagaalka u dhexeeya dowladda iyo jabhadaha uu fitno yahay oo aan la dhex galin, banaan kana laga joogo. Dhalinyaradii Isaaq iyagoo u arka go’aankaas inuu qalad yahay hadana way u hogaansameen amarka ururkooda oo ma aysan galin dagaalkii Waqooyiga. Waxaan u tagi doonaa sannadka 1991 in balankaas la jabiyay oo raggii diiday in la galo dagaalka 1988 ay iyagu saxiixeen kaligood dagaalkii 1991 dhex maray Itixaadka iyo jabhaddii USC, iyagoo aan fasax waydiisan Shuurada Itixaadka.


Bartamihii sannadkii 1990 markii ay taagdaraysay dowladdii Kacaanku jabhadihiina ay dagaal kulul ka wadaan gobolada, wuxu madaxweyne Siyaad Barre sheegay inuu wadanka ku dabaalayo nidaamka dimuqraadiga uuna ogolaanayo in la furto xisbiyo siyaasaded. Shir degdeg ah oo Shuurada Itixaadku ay iskugu timid waxay go’aan ku gaareen inay markaan banaanka keenaan sirtii u qarsoonayd mudada dheer oo ay sheegaan inay yihiin xisbi siyaasi ah oo Diini ah, ayna ka qaybgali doonaan doorashooyinka dimuqraadiga ah ee dowladdu ay ku dhawaaqday. Ururku wuxu diyaariyay nidaamkiisa siyaasiga ah, waxana la guda galay in la xulo xubnaha loo sharixi doono doorashooyinka dowladu ay qaban doonto. Bishii September 1990 Sh. Max’ed Cabdi Daahir oo daganaa London, Ingiriiska ayaa BBC siiyay waraysi uu ku cadeeyay arimaha kore. Laakin nasiib daro saddex bilood kadib waxa Muqdisho ka qarxay dagaalkii USC iyo dowladda.


Qaybta soo socota ayan ku faahfaahin doonaa dagaaladaas iyo sidii Itixaadku uga qaby qaatay, waxanse qaybtaan kusoo gabagabaynayaa ururo cusub oo samaysmay waqtigaan. Ragii Hawiye ka carooday safarkii Suudaan ee aan kor kusoo sheegnay Sh. C/raxmaan Abtiyoow, Sh. Sh. Siciid-Gurey (Rabi ha u naxariisto) iyo rag kale, oo ka baxay Itixaadka waxay samaysteen urur cusub oo ay u bixiyeen Ansaar A-Sunah. Sidoo kale rag u dhashay beesha Isaaq oo ka carooday in dagaalkii 1988 la diiday, lana galay kii 1991 sidaan u tagi doono waa iskaga bexeen Itixaadka waxayna dib ugu laabteen ururkii ka dhisnaa Waqooyiga ee Waxdatu Shabaab. Waxa kaloo iyana kala jabay ururkii Ikhwaan Muslimiin (Aala-Shiikh) oo noqday laba garab oo ay kala hogaamiyaan Jaangoow iyo Xuseen Koofile. Halkaas waxa ku samaysmay 7 urur oo Diini ah.


Burburkii Itixaadka:


Waxan kusoo jirnay sababihii keenay burburka Itixaad iyo cidii ka mas’uulka ahayd burburkaas. Ururka waxa u qornaa sharci iyo balan uu kala galay in la raaco, waxa ka mid ahaa sharcigaas inaan ururka lagu      lasoco


Waxaa ku xiga bur burkii itaaxd & siyaabaha keenay














  Walal waxaanu ku xasuusineynaa inaad hadaad doontid inaad dhageysatid wararka webka sida BBcda  xasuusnoow inaad  TV webka hoos Riixdid si codka kaaga xidhmo dabadeedna aad u dhageysatid Barnaamijyadda kale inshalah

 


Adoo rali  ah iska xidh codka tv hadaad dhageysaneysid codka kale Riix halka + - aay ku Garab taalo