C/samad " Jidaan u Baxaanan Hayn Jihadii Baa Iga Halowdey Jarbaan Ka Lushaa Khatara, Tallaa Iga Jaahwareersan, Hadaan kuu sheegi Laahaayoow Jabka Kuu Sheegi Lahaa Farooloow,Awood Baan Jirin Xagaygoo Afkiibaa Juuqda Gabey.
Wasiir Daahir Khaliif" Cududoo Midiyo Caanaha Wadaag Nagu Caawisee Cimrigii Jiryaw ,Jiryoow Jiryoow Caynaanka Hay,Hay Hay.Hay Hay Hay.
Wasiir Karaash" Saw Badiba Kooxdii Goortey Badheedheen Baabuurkii Fuuleen Ana Baal Kamaan Korin.
Gabadh Hartiya ayaa waxa socda ka qiirootey waxaana ay tidhi " Dhabta waxaad ku sidataa Abees Dhiiga Kaa Jaqe, Mar'uun Dhiidhi Ina Cali Shiroow Dhankaagaa Hartiga Looga Soo Dhacaye.
Faloore oo wixii dhacey C/samad iskaga reebaya ayaa isaguna yidhi.
Faroole" Nasiibkaa Igu Kaa Daree Naftadu Kumay Aqoon, Inaad Tahay Nooca Baas Siyaaasada Naxuusiyee, Hooy Aniga Hooy Aniga Haysku Kay Nanabin Naruurana Hawga Sugin Niyadda Niyadda ,Niyada Qalbiga Waa Kaa Nacee.
Kooxda Aaran Jaan" Warka Isii Isii Warka Isii-----Waa Igu Socotaa ii wad Sheekadda ii wad sheekadda.
Cabdi Qawdhan " Boogtii Haddana Sii Balaadhatoo Bogsan weydayee, Baddannaan ku Dhacay Sidaan Uga Baxaa, May Badbaadin Kareysaa Jiifoow.
Xildhibaan Chief J. C .Bille" Inakoo Lamaanooy,Oo Labo Nafqaybsile Tallo Geed Ku Laashee,Adigaa Islumiyee Inoo Loogey Cadawgee Libintii SSC Bixiyee , Waadiganse Liitee Leexadu Ku Sidatee Hadba Laan Cuskanayee Maxaa Lurey Naftaadii, Liibaanteed Aduunyadda Ruuxna Laasan Maayee Dhow dhaw Maxaa Lurey Naftaadii"
Waa Laac Aduunyadu Labadii Walaalo ah Midba Maalin Ladanyoo, Ruux Liilgaley Lama Loola Dhagaree Lugooyaba Ma Gaystee,Waadiganse Laabtiyo Lugahaysla Waayee Meel Sare Lulmanayee Maxaa lurey Naftaadii , Liibaanteed Aduunyadda Ruuxna Laasan Maayee Maxaa Lurey Naftaadii.
Xildhibaan Cali Dhaga-cade"Allahayoow Bannaankama Bohol Kama Malaysanine ,Ibixiyoow I Bixi , Naga Bixi Garaadoow Naga Bixi Garaadoow.
Garaad Saleebaan" Ma ogtahay Ayaamahan Aniga-iyo Garanlay Arxan nama dhexyaale---- ma ogtahay Ammaan iyo Waligood Abaal maleh anna kama sugaayee Hadaad doonto ololoo,---- ii kaalay kuma odhan, Ilbaxuna ma'ahan sidan, Ragna lama Afduubee Oorod Oorod Aragaaga iga qari!!!!!
Xaal markuu halkaas mararey ayaa waxaa Giraanta ku soo biiray Rug Cadaayo hore .
Cadde Muuse ayaa yidhi"Marka Doontu Degeyso Dadka Saaran Dusheeda Naxdin Weysla Darsaan Mar La Arko kkkkkk .
Xasan Daahir" Haa Haa Haa Onkod Roobku Ma Daayo, Aarna Taaha Ma Daayo,Anna Tii Ma Ilaawo, Jacayl Ood Rogan Maayo,Oon Hilaac Bixi Maayo,Adhi Weere Ma Daayo, Nin lihi Aamusi Maayo.
C/laahi Yuusuf" Dabaylaa rogmanayee, Laamaa Ruxmanayee Reexaanta Sida, Rucladiyo dadkaa Wadda Roorayee Ray raynta wadaa, Raynkey kacshee Rabta loo socdaa ma halkaan rabaa ,ma halkaan ducada ducada Rabi uga baryaa?
Maxamed C.Xaashi" Allaa Weyn Ninkii aaminaa Awood leh, Ummad waliba Aayaheeda in ay garato iyadaa leh.
Gobollada Bari iyo Mudug oo saluugey qaabka Gobolka Nugaal uu Riwaayadda u jilayo ayaa yidhi!!!!
Bari iyo Mudug"Halkaad Naga Daydeydiyo Halkaan Degney Kala Durkee Ilaahbaa Deeq Baxshee Dulmiga Dawlada Ka Daaya, Dulmiga Dawladda ka Daa.
Beelaha kale ee Puntland ayaa hadalkii u furmey waxaana ay qaadeen Heestan.
Beelaha kale"Sadex Cudur ayaa jirey Labo Waa la cidhib tirey,Cirka waatan loo baxay, La Racaabi Gaajoo Caydh Xoolo Laga Dhaqey, Culimadda Aduunkee Caafimaadka Baadhaay Cudurada la Dabar Goyn Caashaqa Ha Lagu Daro.
Bulshadda SSC oo aan indhaweyd Hees iyo Halowsi midna u furnayn ayaa ku soo biirtey Riwaayadda
Bulshada SSC" Maxaa Dacar Lay Walaaqey Wabaayo Ku Caafimaadey,Walaalkay Nimaan u Haystey Muxuu Cadow Ii Shirqooley.
Hogaanka SSC " Waan Soo Socdaa Kowdheh Waxna waan Sidaa Labo dheh Samir Yeesha Dhulbahantoow.
Ururka NSUM " Kumee Kuma Arkee Kuwaashey Kumee, Kaan U Yeedhaynee Kaalayoow Lahayn Ka Joog Adiga Ma Hee!!!!!!
Jaalliyadda SSC" Geesiga Dhulkiisa Guusha u Horseeda Geerida Dishaay Geedkaa Ha Habo.
Warbaahinta SSC.Guuraha Habeenkii Waxaa ay U gudayaan Guntigow Adkaysteen,Gayigooda oo Dhacan Ga'ma Yeeli Maayaan.
Maxamed Axmed Galoose
galoose@yahoo.com