Waxa hadaba is-weydiin leh: Maxaytahay baahida maamulku u qabo in Cuqaasha gobolka Sool yeeshaan xarun ay isugu yimaadaan? inta aynaan su'aashaas ka jawaabin bal aynu dib u milicsano waxyaabaha maamulkaasi magaalada Laascaanood ka qabtay mudadii labada sano iyo barka ahayd ee uu xooga ku haystay:
1- Waxa Soomali-diidku xiray suuqyadii ganacsiga ee dadku isugu iman jiray si ay wax u kala iibsadaan. Dhaqaale burburinta ka sokow waxa maamulku halkaas ku joojiyey isu-imaadkii dadka isla markaasna wuxuu maamulku dhisayaa xarun Cuqaashu isugu timaado.
2- Waxa maamulka Soomaali-diidka ahi albaabadii kala baxay dukaamadii iyo meheradihii kale ee ganacsiga dadku u furtay. Taasi waxay sababtay in ganacsiga la curyaamiyey ka sokow aan daku isu iman maadaama aan dukaan aan albaab lahayn cidi wax dhiganayn sidaas darteedna cidi isugu imanayn. Halkaas waxa maamulku ku guulaystay inaan dadku isu iman si guushaasi mid dhamaystiran u noqotana wuxuu gartay in Cuqaashu yeelato xarun ay isugu yimaadaan si loo daboolo baahidii isu imaadka loo qabay..
3- Waxa maamulku xir xiray macalimiintii dugsiyada Quraanka Kariimka ah. Markii ardaydii macalimiintaasi mudaaharaadeena maamulku macalimiintoodii ayuu ka daba geeyey. Halkaas waxa ku dhamaaday isu-imaad xor ah oo macalin Quraan iyo ardaydiisu isugu yimaadaan laakiin maaamulku wuxuu dareemay in loo baahanyahay in Cuqaashu isu yimaadaan.
Waxaan filayaa in qof maskaxdiisu caafimaad qabto ay ku adkaanayso ka jawaabidda su'aashii ahayd: "Maxay tahay baahida keentay in maamulka Soomali-diidka ahi Cuqaasha gobolka Sool u dhiso xarun ay ku shiraan?"
Cuqaashu waxay madax dhaqameed u yihiin dadkii suuqii ay ka ganacsan jireen laga baabi'iyey iyo dadkii dukaamadooda maamulku albaabada kala baxay iyo macalimiintii iyo ardaydii dugsiya Quraanka laga xiray iyagana la xiray iyo dadka jeelasha Laascaanood iyo Caynavba iyo Mandheera ka buuxa iyo dadkii mudaaharaadka ku dhigay gumaysiga Hargeysa iyo Burco iyo Berbera ka soo duulay. Cuqaashu waxay madax dhaqameed u yihiin dumarka uurka leh iyo kuwa aan uurka lahayn iyo caruurta jeelasha ku jira. Cuqaashu waxay madax dhaqameed u yihiin Dhulbahante inta dalka joogta iyo inta dibedda ku maqan oo dhammaantood u diyaar ah xoraynta Sool iyo Sanaag iyo Cayn. Intaas oo wada caraysan oo aan arki karin maqlina karin maamulka Soomali-diidka ayay Cuqaashu madax dhaqameed ugu magacaabanyihiin.
Sida muuqata sababta Soomali-diidku xaruntan u dhisayaa waxay tahay isagoo raba in Cuqaashu maxjar ugu jiraan iyadoo ujeedadu tahay in xakamaynta dadka loo adeegsado Cuqaasha. Arrinta u horeysa ee maamulku rabo inuu u adeegsado Cuqaasha waxay tahay soo xulidda xubnaha Khusuusiga ee Isimadu kaga dhawaaqeen shirkoodii Holhol / Buurawadal. Waa la garan karaa Cuqaal ogolaaday in maxjar loo dhiso mushaharna loo qoro dadka ay u soo magacaabayaan laakiin ma la hubaa in Cuqaashu ama badankoodu ogolaadeen maxjarka iy mushaharka?
Su'aaha kale ee is-weydiinta lihi waxay yihiin:
1- Haddii ay dhacdo in Cuqaashu yeelaan in Soomaali-diidku ku adeegto oo u soo xulaan xubnaha ay rabaan, ma ogolaanayaan Isimadu in dad adeegayaal u ah Soomali-diidka iyo Puntland xubno ka noqdaan Khusuusigii ay ku dhawaaqeen?
2- Cuqaal maxjaraysani ma si hayn karaan jagada madax dhaqmeed ee ay u dhiibteen dadkan mudaaharaadka isugu soo baxayaa? Cuqaasha arrintaas ku kacaa cuqaal ma u sii ahaanayaan ardayda iyo macalimiintooda xiran. Cuqaal ma u sii ahaanayaan dumarka uurka leh iyo kuwa aan uurka lahayn ee xiran iyo kuwa meheradahoodii laga baaba'shay? Cuqaal ma u sii ahaanayaan dadkan markii la doono telefoonada laga jarayo? Cuqaal ma u sii ahaanayaan dadkan biyaha in loo soo dhaamiyo la diidayo? Cuqaal ma u sii ahaanayaan dadkan gudo iyo dibedba caraysan oo kacsan oo isu diyaarinaya inay heeryada gumaysi ee saaran iska qaadaan midnimada Soomaaliyana badbaadiyaan?
Hadday Cuqaashu doortaan maxjar iyo mushahaar isla markaasna ku seexdaan inay cuqaal Dhulbahante u sii ahaanayaan markaas caqli ayaanay lahayn sida kuwa maxjarka u samaynayaa u caqli la'yihiin.
Axmed Tabaatiig
Kuwait.
ahmedtabaatiig@yahoo.com
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga ku saxeexan maqaalka kamana tarjumayo kan Awrboogays.com.