Wargeyskani wuxuu ku soo kordhiyey inuu dhiirigeliyo sawirka togan (positive) ee Soomaalida, waxaanu u noqday dariiq ay aqoonyahanku bulshadooda u soo maraan, waxna ugu soo gudbiyaan.
Wargeyskan “walqashiisii durba cunay waaxyaheedii” ayaa la saadaalinayaa inuu muddo kooban gudahood si weyn uga hanaqaado dalkan UK, bulshada Soomaalida ah – ee had iyo jeer xuquuqdooda la duudsiyana u hiilin doono, una noqon doono cod dheer oo ay ku gudbiyaan fariintooda, kuna difaacaan sharaftooda iyo dadnimadooda.
Wargeysku wuxu olole balaadhan ku qaaday inuu bahweynta Ingiriiska ah ka dhaadhiciyo sida ay bulshada Soomaalidu uga mid tahay bahweynta iskugu soo gashay dalkan Ingiriiska (Multicultural Sociaty), ayna hormuud ka yihiin dhanka ganacsiga, tacliinta iyo weliba dhaqanka iyo diintaba.
Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa shakhsiyaadkii caanka ah ee wargeysku gaadhay iyo sida ay ula dhaceen durba quruxdiisa, qoraallada ku jira qoto-dheeridooda, iyo qarada wargeyska oo ka kooban 32 bog “color full” ah, isla markaana si heersare ah loo soo daabacay, waxa ka mid ah dadka soo dhoweeyey siyaasiyiin, suxufiyiin, abwaanno, tafatirayaasha wargeysyada iyo magazine-nada ka soo baxa Qurbaha oo ay mid yihiin wargeyska KASMO, magazine ka SHEEKO iyo Somali Eye iyo TVga caalamiga ah ee Universal.
 Edward Davey MP – Libdem – Shadow Secretary of Foreigners and Commonwealth Commission and his wife
Weriye Cabdisalaan Hereri –Universal TV iyo Cabdiqaadir Shire – Tafatiraha guud ee KASMO

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen – oo ka mid ah madaxdhaqameedyada Soomaalida ee ku nool carrigan Ingiriiska.

Hamish Wilson – Sawirqaade Soomaalida dhexdeeda caan ka ah, wuxuuna leeyahay beerta DEGMO oo dad badan oo soomaali ahi u dalxiis tagaan xilliga xagaaga.

Abwaan Axmed Ismaaciil Xudaydi – Boqorka Cuudka

Wiil Soomaaliyeed oo ka helay macluumaadka ku qoran, aadna ugu faraxsan.

Mawro Aamina – Tafatiradda Guud ee magazine ka SHEEKO

Cismaan Kaluun –Siyaasi weyn oo ruugcadaaya oo ka helay wargeyska The Enterprise
 Gareth – Sawirqaade caan ah oo akhrinaya sheekaddii Chandlers ee wargeysku qoray

Nuuradiin Aadan Diiriye – musharixii madaxweyninimo ee Puntland

Khadar Abdilahi Dirir – Tafatiraha Guud ee Somali Eye iyo Cabdifataax Axmed – Ambassadorka Somaliland u fadhiya Ireland

Lammaanaha cayaarahannada kubbadda Kolleyga ee xulkii qaranka Soomaaliyeed Xaawo Taako iyo seygeeda.

Abwaannada Caanka ah Caasha-luul Maxamed Yuusuf –
Dhallinyaro mid ba dhan ula jeestay macluumaadka ku qoran Wargeyska.

Inan Soomaaliyeed oo isku sawirraysa Wargeyska The Enterprise…
Fanaanka caanka ah ee Cabdi Jaamac Shire – Jooqle – oo eegaya Wargeyska The Enterprise.
Abwaanka Caaanka ah ee Cabdilaahi Bootaan – Kurwayne – oo la fajacsan Wargeyska The Enterprise – tolow ma gabay buu ka samaynayaa – laga yaabee
Abwaan Cabdinuur iyo gabdho soomaaliyeed oo wargeyska sita.

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo akhrisanaysa Wargeyska The Enterprise…

Niman akhriyaya Wargeyska The Enterprise
Waxaad wargeyska The Enterprise hadda iyo mar kasta ka akhrisan kartaan mareegtiisa http://www.enterprisenewspaper.org/ wixii macluumaad ah ee qoraallo, warbixinno, suugaan iyo xayeysiis ba waxaad ku soo hagaajinaysaan http://www.aftahan.com/ | http://se.mc338.mail.yahoo.com/mc/compose?to=Aftahan@gmail.com
Allaa Mahad Leh
Yasin Jama Nuh (Suldan)
Tafatiraha Guud ee APTEN
(Aftahan Press & The Enterprise Newspaper)
|